Qurba joogga Saaxil
way soo dhoweynayaan Guddida Horumarinta G/Saaxil
......gacan qarsoon iyo mid toosaba kula jirtay taas oo guud ahaan
gobolka ku keentay ......May dhici w aayin mana garanwaayin dadka
meesha u dhashay in ay yaqiinsadaan Xuquuqda gobolkoodu ku leeya hay
isuna yimadaan oo ay falan-qeeyaan,waxase lagu Qufuley Berbera waxa
sidaas u galay......... Dow lad kasta oo dhexe oo jirtaa waxay
xanbaarsan tahay barnaamij siyaasadeed oo ku wajahan gobolad eeda
mid kasta gaarkiisa isla markaana waxaan odhan karnaa iyadaa ah
muftaaxa iyo .......xarunta la ga helo miisaaniyadda uu ku dhaqaaqo
Qaranka Somaliland....masuuliyada horumarka Berbera waxuu ahaa arin
dusha markasta ka imanaysay oo aanay wax shuqul ku lahayn
Masuuliyiintii Gobolka, Degma da iyo Shacaybka Saaxilba.......arimahaasu
waa waxa la degay G/Saaxil gaar ahaana Caasimadiisa Ber bera.....Gobolka
Saaxil ayaa u eeg maanta inuu cagta saarayo dhabihii horumarka ku
gaadhi ....
Marka Hore waxaan salamaynaa Saxaafada Somaliland oo dhan ee
madaxabanaan oo hadh iyo habeen u heelan sidii warar la hubo laguna
kalsoonyahay ahna kuwa lagu farxo shacabkooda ugu diyaarin lah
aayeen isla markaana u gudbiya rayiga dadwaynaha iyo aaraaadooda ,
oo aan leeyahay hawl aad u w ayn baad wadanka u haysaane halkaa ka
sii wada dadaalka isla markaana wixii dhibato keenaya iska il
aalaiya , intaa ka dib waxan doonayaa in aan inyar oo fikirkayga oo
kooban aan ka idhaahdo gudidii cu sub ee horumarinta G/Saaxil oo
dhawaan lagu dhawaaaqay.
Tan iyo intay Somaliland la soo noqotay xornimadeeda kuna dhawaaqday
gooni isutaaga ayaa gobolka ni ahaa xarunta laga helo miisaaniyadda
uu ku dhaqaaqo Qaranka Somaliland,taas oo u baahan in uu h elo G/Saaxil
xuquuqdiisa gaarka ah , iyadoo la ogyahay in dhinaca Cimilada uu
kaga duwanyahay Gobol ada kale , si loo daboolo baahiyaha
asaasiga ee G/saaxil ka jira oo aynaan maanta ka waramayn, hada ba
waxaa looga baahanyahay dawlad kasta oo dhexe inay ka go,naato
arintaasi ama ilaalinta xuquuq da Gobolkaa ay ka soo xorooto
dhaqaalaha lagu hago hawlaha dalka una baahan in lagu ixtiraamo isla
markaana ay si dhaba loo ilaaliyo kuna dhisan hab dhamaystiran ,
lagana dhigo maamulkiisa inuu si xori yad taama ugu shaqeeyo
haday magaalo madaxda tahay Berbera ama gobolkaba.
Dhibaatooyinka Gobolka haystay
ama dibu-dhaca ku keenay waxaa ka mid ahaa Dawladda dhexe gacan
qarsoon iyo mid toosaba kula jirtay taas oo guud ahaan gobolka ku
keentay dibu-dhac aad u weyn iyo kalsooni-daro ku timaada iyo iyadoo
ay suurtagal ka dhigiweyday in Gobolka laga unko Guddi
horumari need sida gobolada kale Somaliland ee dhigooda oo kale ah
uguna shaqeeya Horumarka Gobolka .
Barnaamijka Siyaasadeed ee Gobolka Saaxil lagu hagaayey waxuu ka
dhigay inuu saameyn weyn ku ye esho oo magac u yaal ah maamul
kasta oo loo dhiibo ,waxaanuu si gaara u saameeyey golihii degaanka
Berbera oo haba yaraatee sidii loo doortay aan kaba shaqayn wax
horumarin ah ,kuna idlaystay is-qab qabsi ,nin toocsi iyo is-canbaareyn
,waxanaan odhankaraa waxaas oo dhani waxay ahaayeen arimo si
yaasadeed oo lagu soo tuuray ama haddii aan si kale u dhigno meel
Gobolka ka baxsan laga soo malee gi jiray lagu mashquulinjiray
xildhibaanada degaanka macno mooshin, ridid maayar iyo canbaarayn
iwm.
Dowlad kasta oo dhexe oo jirtaa waxay xanbaarsantahay barnaamij
siyaasadeed oo ku wajahan gobol adeeda mid kasta gaarkiisa
isla markaa waxaan odhankarnaa iyadaa ah muftaaxa iyo xidhaha intaba,
waxii hirgala ama hirgeli waayaaba iyadaa masuuliyadeeda tuurta u
ridanaysa,shaqsiga masuulka ahi waxa waajibkiisu yahay in uu ku
shaqeeyo nidaamka dawladdiisa dhexe uga yaal Gobolkaasi ama
degm adaasi loo dhiibay.
Hadaba waxaan odhankarnaa masuuliyada horumarka Berbera waxuu ahaa
arin dusha markasta ka im anaysay oo aanay wax shuqul ku
lahayn Masuuliyiintii Gobolka, Degmada iyo Shacaybka Saaxil , Maah
maah ayaa ahayd ("nina korkiisa Biyo kama dhowro") Maamulka Gobolka
iyo Degmada waxaa ay hayst een awaamiir kala jihooyin ah oo
xoog badan oo aad moodo mararka qaarkood in ay iska hor-iman jire
en, iyadoo ay ku shaqaynaayey instruction odhanaaya ama sidaa nagula
Shaqee ama qayrkaaba waa uu joogaa waxaanu haynaa boqolaal(Guulwade)
oo kale, una baahan oo noo fulinaaya "Nin faash hays taa xaabo
ma-waayo" arimahaasu waa waxa la degay G/Saaxil gaar ahaana
Caasimadiisa Berbera.
May dhici waayin mana garanwaayin dadka meesha u dhashay in ay
gartaan Xuquuqda gobolkoodu ku leeyahay isuna yimadan oo ay falan
qeeyaan,waxase lagu Qufuley Berbera waxa sidaas u galay Reerka (Ciise-Muuse)
oo dadkii ka sheegtay waa Weedhaha dhengagaaluhu odhan jirey ahaydna
wax loo soo dhiibay , arimahaasi waxay ahayeen dacayado raqiisa oo
lagu dabraayo horumarka gobolka oo waxye elo weyn iyaduna ku
leh, isla markaana lagu Xalaashan jirey in aan sinaba loogu qoondayn
wixii Berbe ra u go,i lahaa ee horumarinteeda ku saabsanaa,
waxaase nasiib daro noqotay in dadka gobolka u dha shay taas
ay aqbaleen Waanay aamineen markii loo awood sheegtay oo loo
isticmaalay kuwii ay aqoo nta ama garashada bidayeen.
Waxaan odhankarnaa Dadka gobolka u dhashay waa dadka ugu jecelka
badan dalka iyo dadka Somalil and waayo waxa ay 20 sanadood u
shubayeen dhiigooda , welina way ku xidhan tahay faleemadii, kuna
socota gobolada kale,waxaanu sheegeynaa in iminka ay gaadhay dhuuxii
oo socda waana lagama maa rmaan hadii la doonaayo in
Somaliland jirto, in loo qoondeeyo Miisaaniyad gaara ama loo gooyo
per ce nt wixii ay soo saarto, suurto-gal noqonmayso in dadkeedii la
haajiriyo lana yidhaa waa gobol aanay ci di joogin,taasu wax-tar u
keeni-mayso Qarankan.
Hadaba waxaan odhankarnaa masuuliyada dibudhaca-dhaca horumarka G/Saaxil
gaar ahaan caasima diisa Berbera waxuu ahaa arin dusha kaga
imanjirtay oo aanay shuqul ku lahayn shacabka saaxil meel
kasta oo ay joogaan , waxaa la wada ogyahay sida Berberi u ekaatay
ama looga guuray ee dadkeedii laga raray sabab kasta ha noqotee
markii asaaskii nolosha ee Bulshadu ku noolaan lahaayeenba
goob-kasta oo ka mida G/Saaxil laga waayey.
Waxaa kaloo aan xasuusinayaa dadweynaha Somaliland in la doonayey in
dembiga lagu sameeyey gob olkaa lagula kufo Beel gaara (Ciise
Muuse) oo haba-yartee beri-ka ah dibu-dhaca gobolkooda, wax ma
suuliyadina aanay gacantooda ku jirin ahaydna siyaasad kale oo
dadweynaha Somaliland loo tusinaayo si kale ,macnaha ay
xanbaarsanaydna ahaa in G/Saaxil ay ka haajiraan dadkii ilaahay ku
uumay kuna jireen arimo qarsooni.
Hadaba Gobolka Saaxil ayaa u eeg maanta inuu cagta saarayo dhabihii
horumarka ku gaadhi lahaa ka dib markii uu uu waayo badan ka
jiray dibu-dhac aad u weyn oo dhinac kasta ka saameeyey guud
aha an Gobolka oo dhan gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera.
Hadaba ku dhawaaqida Guddida Horumarineed ee G/Saaxil Waa arin ay
soo dhoweynayaan Qurba joo gga u dhashay Gobolkani , waana
arin weligeed loo baahnaa kana maqnayd gobolkan si horumar looga
sameeyo la mida heerarka gobolada kale ama ka sareeya ujeedada iyo
muhiimada ayaa ku salaysan in Gudida Horumarinta Saaxil oo loogu
tala galay sida la sheegay inay dhaqaajiyaan horumarka gobolka iyo
waxyaalaha waxqabad ku salaysan arimaha asaasiga ah.
Talo soo jeedin:- Gudoomiyaha G/Saaxil, Duqa Caasimada
Berbera,Maareeyaha Dekadda Berbera iyo Xoghaya D/Hoose Berbera
waxaan u soo jeediinayaa una rajeyneynaa guul waxaanse kula
talinaynaa inay ugu horeyn fuliyaan waajibaadkooda Qaranimo oo ah
tii loo soo igmaday, waase inay ogadaan in aanay iska iman meesha ay
ku yimadeen inay ka soo jeedaan gobolkooda taasna looga baahanyahay
inay xilgaara iska saaraan hawlaha gobolkoodu ka sugayo oo aanay
dhayalsan ama sidii saxiibadoodii ka horeeyey iska ilaaliyaan
madiidinimo aan waxba diidin ama card laga marsado waxii looga
baahdo.
-ALLAA MAHAD LEH-
By: Afhayeenka Qurba-jooga Saaxil
Mr. Shucayb Maxamed Gurux/ UK
|