qurba
jooga oo arli jooga ka awood batay[[-talada s/land iyo soomaliya yaa
haya qoraalkan iyo heestan akhriso-]]

asc bismilaahi raxmaani raxiim
Maxay tahay sababta qurba joogu had iyo goor talada dalka s/land iyo
soomaliya u hayaan
miyay ka aqoon badan yihii arli jooga waligii dhex taagnaa ee
waqtiyo badan iyo marxalado badan
usoo taagnaa haday rafaad noqto haday colaad noqoto haday baahi
noqoto.
soomaliya waxa dhawaan iska casilay farmaajo oo ah nin ka yimi usa
dalka maraykanka kaas oo
dadka soomaaliya markay is maamuli kari waayeen ay isaga door bideen.
samaliland labada xisbi mucaarid iyo mdaxwaynaha hada talada haya
mudane axmed siiraanyo waxay dhamaantood degan yihiin qurbaha
dhinaca maamul goboleedka puntland ee soomaliya ka tirsan waxa ka
taliya mudane faroole oo ah nin qurbaha
ka yimi gaar ahaan dalka maraykanka.
DHamaan wasiirada somaliland iyo golaha baarlamanka raga ku jiraa
waxa aad ugu badan qurbo jooga aan deganayn dalka
dabcan nin kastaaba dalka waxa uu jooga mudada yar ee xilku gacanta
u soo galaayo mushaaaradiisana ku xasilinaayo
ka dibna wuxuu iska yimaada halkii xaaskiisa iyo caruurtiisu
daganaayeen.
waxaan hubaa in rag badani inta ay dalka joogaanba ay yartahay
taasina aanay anfacayn umada dalka ku dhaqan.
waayo hal su,aal ayaad is waydiin kartaa maanta maceeshada
somaliland waxay maraysaa meel aad u xun lacagtii dadkii waxba
way o goyn wayday waxa jira sicir barar aad u xun raashinkii waa
qaali samada ayuu marayaa.
marka hadii waxan oo dhibaato ahi jiraan maxay siyaasiyiintu wax uga
qaban waayee ayaad is waydiinaysaa?
jawaabtu waxay tahay ayaga danu uguma jirto caruurna dalka kama
joogto wixii qaali noqonaya iyo
wixii kor u kacaya ayaga waxa uga muhiimsan kharashka uga soo baxaya
dalka ee jeebka ay ku shubanayaan.
siyaasiyiinta arli jooga ee ubakoodu jooga ayaga cidi waxba suaali
mayso waayo dee haday naf leeyihiin
way ka damqan lahaayeen dhibka haysta ubadkooda iyo maatadooda.
hadaba waxay su,aashu tahay ma udanbaa in dalka ay maamulaan ama
hogaanka u qabtaan nin aan ubadkiisu dagenayn oo hantidiisa
debeda gaysta mushaarada uu dalka ka qaatana ay tahay mid uu qurbaha
guri kaga iibsanaayo?.
qoraalkani maaha mid hal madaxwayne ama hal wasiir ama raga hada
talada haya aan ku maagayo waa
qoraal khusaynaaya guud ahaan sida qurba joogu talata uga
maroorsaday arli jooga .
arladan qurbaawigii
aweedeeda leeyhay
asaagii lahaana
afka ciida loo daray
arladan qurbaawigu
ubakiisa meel dhigtay
ameerica iyo carabta
intuu yurub geeyay
aqal wayn u taagay
ayagoo wax baranaaya
eeganayaa bidhaan
araladan kii laha
abidkii dhex taagnaa
ayaamahay darnayd
intuu oomay waayo
ama gaajo ku seexday
abaal uu ka waayee
ixtiraamba loo hayn
alaw sahal umuuraha
adigaa awoodlee
ubadkiyo caruurta
noo ilaali waligaa
arligoo nabad ahaada
abidkood colaad arag
aadmiguna dhamaantii
laysu uursamaan-yahay
isaseegu kala dilin
aamiinta ila dhaha
aqbaliyo ijaabada
ilaahbaa awoodlee
arabsiyo iyo salaxlay
ama sooliyo sanaag
awdaliyo saylac
anoo jooga hargaysa
isha saaray rabaso
arligaad nasiisay
alahayoow amaankii
inkaaraha naga hay
na ilaali waligaa
soomaaliyana nabad u taag
ayaguba waa islaam
afka nala wadaagee
aafadiyo colaada
inay maanta dayso
isha saarto maatada
agointiyo caruurta
arxan inay u yeeshaan
alahayaw garansii
umad yahay su,aal
arlijoogan itaalgabay
qurba joogu awood biday
ma aqoonbay is dheeryihii
aduunbay is dhaafeen
mise awood shisheeyaa
eeganaaya qaarkood
arinkani yaablehe
adoonsigan muxuu yahay
arligeena haysta
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london uk
|