Qurba Jooga Beesha Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Oo U Digtay Dadka Magaca Sacad Muuse/Subeer Awal Ceebaynaya

 


 

Salaama Calaykum

Anaga oo ah waxgaradka iyo duqayda beel waynta Jibriil Abokor (Sacad Muuse,Subeel Aw al), waxanu wax laga xumaado oo aan loo dulqaadan karin u aragnaa dheg xumada la huwin ayo qoomiyada Subeer Awal. Dadka ku abtirsada beesha Subeer Awal ma aha, dad Xisbi kali ah, ama degaan gaar ah, amaba dan gooni ah oo ka duwan ta guud ee reer Somaliland wada yeelan kara. Sidaa darteed, waa inay joojiyaan shakhsiyaadka damaca siyaasadeed sida aa n haboonayn ee guracan u doonaya, iyo odayada xadhkaha goostay ee aan beelwaynta Ha b ar awal matali karin , ee kolba baaq laga xishoodo oo xumaan iyo xanaf wata hawada soo marinaya.

Hadii aanu nahay Qurbe jooga beelwaynta Jibriil Abokor , waxa aanu taageersanahay go’aa nkii ay golaha guurtidu soo saartay ee garta lagu siiyay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Som aliland, Md. Madaxwayne Axmed Maxamad Maxamuud Siiraanyo. Dhanka kale, waxa aanu ku diirsanay go’aankii hordhaca ahaa ee uu gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ku qaatay gartii laga helay. Hase yeeshee taa waxa col biyo dhaanshay ka dhigay oo aanu aad iyo itaa l u saluugsanahay falalka foosha xun ee ka dabayay ee lagu kicinayo maxasta iyo caruurta, iyo waliba nimanka isku sheegaya inay yihiin odayaasha Subeer Awal ee ceebta u soo hooy ay beel waynta Subeer Awal. Ninka maanta oo aan belaayo jirin ku baaqaya in aan Dahab sh iil lacag diranin waa nin aan cidna ahayn.

Cadaawada iyo colaada dadka walaalaha la dhex dhigayaa ma aha mid aan u dulqaadan doo no. Hadii aanu nahay wax garadka beesha Jibriil Abokor , waxanu qabnaa nin cadhada lehi isagu ha xoqdo halka cuncunays , ee yaanu beel waynta Sacad Muuse ama Subeel Awal ku xoqonin. Dadka Muuse Biixi Gar darada ku raacayaa ha badheedhaan oo yaanay anaga mag acayaga dhulka jiid jiidin. Hadii caqligaagu uu kuu kala saari waayo Saxa iyo Qaladka, xumaha aad laaq laaqanayso adigu isku koob anagase nagala durug. Subeer Awal iyo Sacad Muuse c id magaceeda matali karta oo aanu u xilsaaranay majirto, sidaa darteed, ninka magacyadaa sheegtaa waa nin iska hadlay.

Gabogabo; Qurba jooga beesha Jibriil Abokor guud ahaan gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Eur ope waxay mar labaad hambalyo u dirayaan gudidii golaha guurtida ee sida cadaalada ah ga rta u naqay. Gari laba ruux kama wada qasliso ayaa la yidhi ee qofka goaanka dabadii guuxa iyo diidmada ka daba keenaa rag ugu liita.
 

Wa Bilaahi Tawfiiq;



Qurbajooga Jibriil Abokor (Sacad Muuse/Subeer AWAL)