Qudbigii jacaylka Cilmi Boodhari, maqaamkii Batalaale, booqo mooyee
umma baahna balaayo iyo baas kale.
“Waxa Caynba cayn looga dhigay waa ha is cajabiyeen” .
Waa murtidii qaaliga ahayd ee alla ha u naxariistee Cilmi Boodhari
uu kaga hortagayey cunsuriyada iyo midab kala sooca iyo qabuuraha
Maydh ku yaal ee kala dila dadka isjecel. Waxaa Ilaahay abuur ta
Adamaha u kal duduwey, ha is nacaan ma ah, ee waa ha isku
jecelaadaan oo ha is cajabiyaan.
Qudbiga Jacaylka, Cilmi Boodhari, taaladii Marwo Xasna iyo maqaamkii
Mudane Bursade, Bataalaale, Berberi waa Beledkii iyo Bendarkii
Jacayllka. Sidaas oo ay tahay haddana hunguri dhubuq ma ah.
Colaad ma geydo. Umma baahna kala guris qabiil, laaluush, xoolo
baadil iyo xoog la isku muuquunsho. Ma geydo qaabkaad uga barateen
maqaamyada shadaadiinta Somali kala diley ee Maydh ku yaal oo ay
beel waliba Qudbi ku leedahay.
Waxaa la joogaa xilligii Awtaada qabyaalada dhallinyaradu ka gudbi
lahayd ee diinta fahmi lahayd, ee masgaxdooda maali lahaayeen una
gudbi lahaayeen hadday wax kale waayaan, murtidii Cilmi Boodhari ee
ah “Waxa caynba cayn looga dhigay waa ha is cajabiyeen” oo
macnaheedu yahay aadamuhu nabad mooyee nac umma baahna.
Afeef:
“Akhristow ha u qaadan, markaad mawduuca aragto in aan ka
sheekaynayo ‘Valantine day’ amma aan u xaglinayo ‘Jimca Barkhad
lihii (good Friday) Aw Barkhadle. Amma aan minikii aw cusman, Markay
Caddee, iyo Geedi baabawgii Buur xakaba, cagta soo mariyey. Ha u
qaadinina in aan leeyahay Alshabaab ayaa dhaanta qabuuraha
ummadeenii kala diley, Labadaa midkoodna xagayga qiil ma leh,
labaduba waa qasaaro hagoogan kalgacaylka iyo nabada ayay la col
yihiin. Diinta Islaamka ujeeddooyinkooda iyo hab-dhaqankoodu ma
waafaqsana. Waxaan jooga halkii boqorkii ina Xaggaa dheera ‘Waxaanu
nahay duul culimo qastay’.
Kadarsoo waxaa innagu soo kordhaba oo aynu noqonay ‘duul maalqabeen
qasayo’ ha ogaadaan labada dhinacba in Buurta iyo qoobada uu daaqayo
qaalinka cadhoobey in aanay ahayn hunguri dhubuq. Waa luqmatul xajar,
ummadday ka dhaxaysaa, in la wadaago mooyee, dhuun nin keliya
marimayso.
Kheyraadka qaranku geeli la kala dhici jirey ee habeenba reer u
hoyan jirey ma ah. Wuu ka sal balaadhan yahay, wareegtana ma gayo,
aan waafaqsanayna sharciga, Axdi qarameedka iyo xeerarka ‘ Natural
Resource’.
Xan baa jirta aan la hubin oo odhanaysa in Bangiga adduunku qadar
lacag ah uu u ballan qaaday, maalqabeenka dawlada wareegto ka sita,
buurahana ku guuleysta in uu keligii ooto. Taasina wax sharciga loo
dumiyo oo loo garab maro ma ah, waa rido beri ka maalin soo noqon
doonta., iyo godob aan dhammaaneyn.
Markaad eegto falalka lagu kacayo iyo beelaha la isku gubayo ee
hadba koox warbaahinta la soo tubayo sida geel dar loo horay, waxaad
is odhanaysaa malaha xantaasi waxbaa ka jira. Waa baadi-goobeynaa.”
Kheyraadka Saaxil sibidh oo keliya ma ah, Berberi waa beled jacayl
waa maqaamkii Cilmi Boodhari , Bursade, Marwo Xasna iyo qaar kale oo
badan.
Bada Cas, Bataaxa, cadceeda iyo dayaxa isku beegan iyo Taariikhda
suugaan Jacaylka ee ku duugan, hadday dawladda hoose ee Berberi isku
xilqaanto in ay Betalaale buulal ka dhisto amma taanbuugyo, hadday
tahali weydo daaro, waa hubaal in caalamku, caddaan iyo madaw
dalxiis u imman lahaayeen. Waaxaa ku yaala afarta la isla waayey
12ka bilood, isku soo wareega sannadka, oo ah cadceed joogta ah,
dayax joogta ah, xeeb degan, duufaan wax qaadiyo, dibindaabyo lagu
arag iyo kalgacayl aan denbi kaa raacayn. Waynaan dareemine dalkuba
waa wada sidaa, ee waxaa inna dardarey Budhcad siyaasadeed booli
quuta ah oo ka dab qaata Shadaadiinta Maydh yaala iyo maalqabeen
beelaysan, oo Siyaarada qabuuraha bixiya, cashuurtana diida.
Afartaana xayeysiis aan soo qadimey oo aan ugu talagalay .........
shirkada daad gurayn doonta dalxiisayaasha caalamka ee Bataalaale.
Dhallinyarada qurbuhu, Masgalgaar iyo Masar umma boqoosheen haddii
dadku isla garan lahaayeen nimcada afarta la isla waayey ee dalku
leeyahay . Iyaga oo asxaabtood caddaan iyo madawba hogaaminaya, ayay
ku soo qulquli lahaayeen Batalaale haddii laga shaqeeyo oo loo
diyaariyo. Waa kheyraad gobolka Saaxil gaar u leeyahay oo aan ciddi
la wadaagin.
Maydh waxaa ku duugan shadaadiinta beelaha Somalida kala qaybisa,
haweynka yasta, bulshada qaar takoorta ee laangaab iyo laandheere
iskugu faanta, ee kala dila dadka isjecel.
Imisaa daraadood magacooda geel lagu kala qaaday, imisaa dirirtii ku
naf weydey, immisaa maamulo iyo dawlado ku dumey, Immisaa daraadood
isku eeday annaa kaa abroon iyo ma adigaa i gaadhi kara, immisaa
doob xuquudiisii ku waayey hebelbaa dawlada innoogu jira, isaga oo
adeegyadii asaasiga ahaa ka qaawan.
Inkasta oo uu Herar, Mako iyo Madiino Cilmi Diimeed laga soo
waraabsho, wadaadka Somaliyeed wuxuu ku danbeeyaa shuyuukhda
shadaadiinta Maydh ku duugan midkood in uu ku wardisto, oo uu kiisu
kala weynaado kuwa kala ee ku garab aasan.
Inkasta oo uu ka sharaabo cilmi adduunyo Jaamicadaha Caalamka Bari
iyo Galbeedba, aqoonyahanka Somaliyeed wuxuu ka danbeeyaa ‘duboo ina
norasho’ iyo afkaartii Sula iyo Abbahay goblon. Wuxuu iska dabagalaa
mid ka mid ah Shadaadiinta Maydh lagu siyaarto iyo shadaadiinta heer
jilib, gobol, degmo, magaalo iyo tuulooyinka lagu siyaarto ee ka dab
qaata shadaadiinta waaweyn ee laga soo taafiirmay. Wuxuu ka
danbeeyaa, in haddii uu jilib waayo, in uu jees shiriyo.
Goormaa laga xoroobayaa Afkaartii boqolaal sano ka hor la adeegsan
jirey? Goormaa laga daalayaa Annaa kaa abroon, Qaraabo kiil, musuq
iyo maasuq?
Boodhari, abwaankii Jacaylka Somalida ee barbaarta bogooda burcadka
isku marin jirey, ee abaawaan weliba isaga ka daba xigte, bal maxaa
lagula coloobey ee dhalliyaradu u soo booqan weydey, ee ay
siyaaradiisa ugu midoobi waayeen, intay naca ku dhaadanayaan, ee ay
garaadkoodii dabarka ugu xidhayaan?
Boodhari qabyaalada wuxuu ka doorbiday jacaylka. Markuu jacaylkii uu
u qabey Hodan uu xad dhaafay, waxay beeshiisii isku dayday in ay
qabyaalad iyo ilmaadeernimo ku daaweyso oo la muujiyo fal tolnimo.
Waxaa hortiisa la soo tubay boqolaal hablood oo xul ah oo lagu yidhi
waa kuwan ilmaadeeradaaya ka dooro taad u bogto. Cilmi Boodhari
heerkaa iyo qabqabyaalad wuu ka gudbeyey, arrinkaa kaga jawaabey:
“Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane, in aan aabahay idin
qatalin qariya naaskiina”.
Mudane Bursade iyo Marwo Xasni waxay ahaayeen labadii la yidhi:
‘Berbera waa Bursade iyo Xasna’. Laba samafalle ayay ahaayeen oo u
roon miskiin iyo mudanaba oo had iyo jeer gacan u fidiya baahanaha.
Xasni waxay ahayd gabadh somaliyeed oo ku barbaartay Sudan, oo
aabbaheed ka mid ahaa Ciidamada Ingriiska ee ku sugnaa dalkaa. Wuxuu
aabbaheed dhaqan celin u keenay iyada iyo walaasheed, halkii uu ka
yimi iyo Gebiley, sida dhallinyarada immika loogu geeyo dhaqan
celinta dalkii hooyo, ee loogu gacan geliyo wadaad ku gana falaadho
gubaya oo dab ku sola, isaga oo ku andacoonaaya in uu jin ka saarayo.
Waxay dib ugu celiyaan halkay iyaguba ka soo qaxeen ee naftooda ku
aamini waayeen, oo ay weliba kaga dhex yimaadaan. Waa yaab, maxaa
carrurta lala coloobey!. Waxaa laga fogeeyaa fursado badan oo halkay
ku nool yihiin yaala. Waxay walidiintu ka tala qaataan culumada
macaamiil raadiska ee jinka saarta iyo kuwa miciinka moodey qori
caaradii ee raadinaya dhallinyari is qarxisa oo is miidaamisa.
Taasi waa arrin kale aan kuu dhammeeyo sheekada Xasna iyo walaasheed,
maalintaa laagu soo celiyey dalka, ugumay duwaneyn in uu Aabaheed
geri go’an cidla ah ka dhaqaaqay. Waana sobobta ku abuurtay in ay
iyadu dadkii dhaqan celin ku samayso oo barto in la isku naxo oo la
isku naxariisto oo aan la noqon abbaheed oo kale.
Berbera oo ahayd maqaalo ku fadhida ilbaxnimo qota dheer oo ay degan
yihiin jinsiyado iyo qoomiyada kala duwani ayay ka mubsuuda oo
degtey. Halkaas oo ay isdabirtey oo ka hirgalisey cayaarta qoob ka
cayaarka amma raqas oo ay kala timid Sudan. Waa lagu soo dhaweeyey
Berbera. Naxariistii ay aabaheed iyo abkeed ka weydey ayay Saaxil
kala kulantay.
Intaanan hordhacan, aan ku dheeraaday, gundhigiisa u daadegin bal
aan soo dhexgeliyo sheeko KU ARROOREYSA biyo dhaca isla arraartayda
OO AAN KA SOO minguuriye xusuus qorkaygii baaliga ah. Waa
sheekooyinkii bilawgii 90aadkii oo aan kuwa maanta jooga waxba ku
kala duwaney. Weli qooba lama rogin.
Waatan sheekadii iyada oo kooban ee ku soo dhawaw: Madasho waa hool
ku yaal Bariga London, Algate East, Tonbee Hall. Waa bilawgii
sagaashanaadkii. Hoogaamiyaha Somaliland waa alla ha naxariistee
Mudane Cabdiraxman Axmed Cali. Waxaa la iskugu yimi shir la doonayo
in Somaliland idaacad qaran loogu iibsho oo maalintaa ay ahayd in
beel waliba lacagtii badka soo dhigto. Wuxuu ahaa shirkii ugu
hadalka koobnaa ee ugu baanaha yaraa ee ay Somali iskugu timid, ee
aan weligee arakay. La iskuma raagin ba, waxaa lagu soo koobay
su’aal iyo jawaab ah “Haa iyo Maya”.
Waxaa shir guddoomiye ahaa alla ha u naxariistee Cumar Meygaag
Samatar oo shirkii furay. Mabuu badin hadalkee wuxuu ku soo koobay:
“ Waa halkii wadaada eh, Qabdi ma lahayaa?” oo uu ula jeedey
lacagtii ma sidaan.
Waxaa istaagey odaygii ka soo jeedey beesha Cabdiraxman Maxamud
Axmed Cali oo ku tiraabay: “Haa, oo xayaga qabdigii waa diyaar,
waanu sidnaa lacagtii”. Waxaa ka daba kacay dhigiisii ka soo jeedey
Beesha Axmed Silaanyo. Wuxuu dadkii ku wergelyey: “Maya, Inta dawlad
la helayo wax lacag ah iyo idaacad la iibinayaa ma jirto”. Waxaa
kaana ka daba kacay nin ka soo jeeda beesha shir guddoomiyaha Cumar
Meygaag, oo in kamid beeshaa afkooda ku hadlaya, oo yidhi: “ Maya,
Inta mujaahidiintu cagaagan yihiin, ee aanay xil hayn, lacag la
dhiibayaa ma jirto”.
Markii intaa la isdhaafsaday oo uu jawigii cakirmay Cumar Meygaag
cid kalaba muu sugin. Waxay ka fursan weydey in uu shirkii degdeg u
xidho. Waa la salaamo naqsaday waana la kala tegey, iyada oo koox
waliba guul tirsanayso, oo takarta iyaga fuushan mooyee ta kuwa kale
fuushan arkaysa.
Markaan ka soo baxay waxaan la kulmay nin qiiraysan oo la yaaban
kuwan lacagtii idaacada qaranka bixin waayey ee diidey. Waxaan ku
idhi kuwa diidey iyo kuwa bixiyey isma darajo dhaammaan, waa dameer
iyo labadiisi daan. Midna Caqli wax kuma diidin, midna caqli wax
kuma bixin ee dhammaantood arrintoodu waa aabahay goblan ee adiga
ayaan la yaab iyo ammakaag ku naafayn oo dhoorku kugu daalin.
Gundhigii maqaalkan iyo biya dhiciisii waa todobaadka danbe.
|