Qoraaga Caanka Ah Ee Jamac Musse Jamac oo Berbera Ka Soo Deg ay Faahfaahina Ka Bixiyay Qorshayaasha Cusub Ee Uu Wado


 

Berbera-(TNN)- Qoraaga caanka ah ee Jamac Muuse Jaamac ayaa saaka ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Berbera halkaas oo ay ku soo dhawayeen qaar ka mida Naadiga Akhristayaasha Berbera.

Qoraaga oo shir jaraaid ku qabtay xarunta ururka wadaniga ah ee YOVENCO kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii bulshadu wax u akhriyi lahayd waxna u qori lahayd, isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshaha sanadkan uu wado, waxaannuu yidhi,” Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargaysa waxaa uu sanadkan ka dhici doonaa Beerta xorriydda 22ka julaay,waxaase bisha todobaad oo dhan loo doortay inay noqoto bis hii ololaha kobcinta wax akhriska iyo qoraalaka.


Mar kale sida uu xagaagii u soo dhawaaday ballantii sannadlaha ahayd ee bandhiga caalamiga ah ee buugaa gta Hargaysa (Hargeysa International Book Fair).qiraalkan waxaanu aanu idiinku sii horumarinaynaa mawd uuc sanadkan iyo waxyaabaha kale ee bandhiga ku cusub.


Fikirk sanadkan waa in la dhuuxo nuxurka iyo macnaha “xasuusta wadareed” xasuus wadareeddu waxa ay leedahay kaalin gudasho bulsho (social function) lagama-maarmaan ah,waxa ayna wax weyn ugu fadhidaa mid ahaanta bulshada ama umada,waxay siddaa oo xanbaarsan tahay nuxurka taagtaadii bulsheed iyo dha cdooyinkii ay so mareen,teedii dhabta ahayd iy teedii maleega ahayd ba.hadaba sanadkan doorashada hal qabsiga waxaa aanu u doorbidnay in si cilmiyaysan u soo jeediyaan casharo anaga oo martiqaadnay shakhs iyaad ku takhakhusay cilmiga bulshada ,oo gaar ahaan xasuus wadareeda ka cilmibaadhaya muddo dheer .yoolka fog ee sannadkani waa in ummada ogaato wax aka dhexeeya ,isla markaana fackastaba xasuustiisa midaynaysa weelna u samaynaysa .


Hadii sanadahii hore hargaysa uun buugaagta iyo qoraaga loo imanayey ,sanadkan marka hore buugaagta oo socota iyo qoraayadooda,oo ay galbinayaan naadiyada akhrisku,ayaa magaalooyinka soo booqan doo na,inta aan laysgu imin hargaysa.nuxurka “moving library”waa wacyi galin sidii magaalo kasta loogu samayn lahaa rugta buugaagta iyo akhriska.Magaalooyinka Burco,Boorama,Berbera,Cerigaabo,Gabilay, iyo Sheekh ayaa laga abaabuli doona maalinta akhriska iyo qoraalka oo ay buugaagta soo booqan doonaan.
Safaradaasi waxay noqon doonaan inta u dhaxaysa 10-18kajuly.waxaana lagu kaabi doonaa suugaan iyo wacyi galin beegaal ka dhigaysa baahida qaran ee in la xoojiyo wax akhriska iyo qoraalka.

Bisha todobaad oo dhan waxaa loo doortay bishii ololaha wacyigalinta akhriska iyo qoraalka,warbaahinta qaranka,saxaafada madaxa banana,dhalinyarada,ururada bulshada,haayada qaranka,intuba waxay xooga saari doonaan wacyi galinta ummada sidii loo xoojin lahaa akhriska iyo qoraalka. Waxaa lagu soo afjari doonaa ololaha bishi todobaab bandhigga caalamiga ah ee buugaagta hargaysa oo sannad kasta xilligan oo kale la qabto,sannadkan waxaa lagu qaban doonaa Beerta Xorriyadda 22kailla 26ka julaay2011.


Waxaa ka mida dhacdooyinka ugu xiisaha badan tartan qarameedka Sheeko iyo Shaahid oo sannadkan afar jirsaday oo habeen gaara lagu siin doona jaa’isado guulaystayaasha sannadkan,aqoon korodhsi ku saabsan habka qoraalka afsoomaliga iyo sheeko curinta oo loo qaban doono dhalinyarada.


Warbixinta Naadiga Akhristayaasha sannadkan waxaa kale oo cusub oo aanu ku darnay in kooras deg deg ah oo ku saabsan habka qorista iyo xeerarka afsoomaaliga,kooraskaas o ay bixinayaan martida qaarkood waxaana loo qaban doona 15 dhalinyar ah.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka saaxil Khadar Cali Cilmi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa aad ugu mahad celiyay Qoraaga kana codsaday inuu marar kale soo booqdo Berbera si uu uga caawiyo kor u qaadida wax akhriska iyo qoraalkaba.


Waxaa isna halkaa ka hadlay Axmed Abokor oo ka tirsan ururka YOVENCO oo sheegay in dadka reer berbera sababta loogu xanto in ay waxbarashada ku danbeeyaan tahay iyaga oo aan la saaxiibin akhriska buugaagta loona baahan yahay in kor loo qaado goobaha akhriska iy qoraalka.,

Source:Berberanews