Qofkii raba dib u noqod ha doorto Kulmiye, qofkii raba in aan dhinacna loo socon ha doorto Ucid qofkii raba hore u socod ha doorto Udub

 

Sooyaalka taariikheed ee hogaamiyayaasha u dhashay sland ee doorarka kala duwan kasoo qaatay hawlaha hogaamineed laga soo bilaabo halgankii dalka lagu xoreynayey illaa wakhtigan xaadirka ah ee aynu joogno waa mid cida caqliga leh ee taariikhda haysaa ayna ka qaldanayn oo ay xusuusan tahay, waxaa hubaala in ay dadwaynuhu ka warqabaan maanta hogaamiye kasta oo u tafaxaydan siduu ugu fadhiisan lahaa kursiga dalka ugu mudan taariikhda uu ku leeyaha bulshada dhexdeeda samo iyo xumaan labadaba,

Waxaa wanaagsan in shacabku si qotodheer u axadhaan oo ay iswaydiiyaan qaab-dhismeedka xisbiyadu maxay ku kala duwan yihiin , xisbigeebaa u qalma in ladoorto? Sababta uu ugu qalmaa maxay tahay? Miyeynu dooranaa xisbi kooxo gaara ka kooban oo aan koobsan dhamaan bulshawaynta Somaliland ? miyaynu dooranaa xisbi laga dhadhansan karo in uu ka kooban yahay ama laga daawan karo beelo gaar ah? Miyaa la doortaa xisbi hogaamiyaashiisu ay Cumaha isa soo hayeen illaa halgankii oo ay magacyo badan kula soo baxeen? Jawaabta su’aalahaa waxaan u dhaafayaa dadwaynaha jecel horemarka iyo in aan dib loo noqon.
Haddii aan u daadago nuxurka maqaalkaygan; xisbiga Kulmiye oo kamid ah seddexda xisbi qaran waxaa hubaal inay isugu tageen ragii ku abtirsan jiray ururkii SNM, ee waliba sida xoogan isaga soo horjeeday wakhtigii halgankii islamarkaan khilaafkoodaasi uu ahaa mid ragaadiyey halgankii xoraynta dalka , waxaana uu hadda khilaafkaa mid lamid ahina ka aloosan yahay xisbiga ay isugu tageen ee kulmiye kasoo illaa hadda meel daran maraya waxaana ku adkaatay inay isu sameeyaan isutanaasul, hogaanka kulmiye runta marka loo dhaba galo waxay ku sifaysan yihiin kelitalisnimo, kalasoo dhawynsasho hanoqoto mid shakhsiyeed iyo mid beeleed intaba, korsi jacayl ayna hayn dariiqeedii lagu gaadhi lahaa, waxay haddaba iswaydiintu tahay , sidaan sare kusoo xusay haddii la ogaa tii halgankii ku dhexmartay iyo tan xisbiga ka dhexjirta hadda , haddii ay hogaaminta dalka ku guulaystaan maxaa laga filaan karaa? Waxaan anigu odhan karaa , waxaa laga filaa waa burbur aan laga soo waaqsan oo ay hor utahay inay soo noqoto xaaladiii aynu soo marnay ee 1992 ee ayna jirin haykal dawladeed , islamarkaana ay iman karto inay isku dhacaan beelaha maanta walaalaha ah ee gacamaha ishaystaa, Markaa waxaan leeyahay shacabka maanta ayaad fursad lahaystaa intaanad warqada codaynta aanad sanduuqa ku hubsan ka fikir halka adiga iyo dalkaba dantu ay ugu jirto.

Xisbiga ucid oo sida la ogyahay ubadan dhalin yaro qurba jooga oo aan odhan karo malaha khibrad maamul iyo dawladeed intaba marka laga bilaabo gudoomiyahooda , filimaayo inay dalka wax kusoo kordhinkaraan, waxan odhan karaa hadii ay talada ku guulaystaan wax dhibaato ah uma keeni karaa dalka waxna kuma kordhin karaan, waxaana ay shanto sanoba dhamaan doontaa inta ay isku maaweelinayaan oo ay kasheekeysanayaan hogaaminta qaranka ee ay ku guulaysteen , sida xubinta kasoo baxday xisbigooda ee noqday gudoomiyaha baarlamaankaba ee ay illaa hadda madaxda sare kaga baanaan kulamada la isugu yimaad, , waxaan odhan lahaa xisbigani waxa uu inoo wanaajinayaa jiritaankoodu habka dimoqoraadiya ee ku dhisan xisbiyada badan.

Xisbiga hadda taladda dalka hayaa ee Udub isaga waa mid aan u baahnahayn in laga hadlo hogaamiyayaashiisa iyo nidaamkiisa hogaamineed oo hadda ayayba taladii dalka hayaan, waana mid qofkasta oo muwaadin ahiba uu arki karo halka aynu taagnayn wakhtigii uu talada qabtay iyo halka aynu maanta marayno. Waxa uu xisbigani talada qabtay iyada oo nidaamka dalku ku dhisan yahay qaab beeleed illaa uu soo gaadhsiiyey nidaamkan dimoqoraadiyadda ee aynu hadda ku jirno.Waa xisbi ay ka wada dhex muuqdaan dhamaan bulshawaynta ku abtirsanta Jamhuuriayadda Somaliland halka xibsiyada kale ku suntan yihiin gobolo gaara iyo beelo gaara. Labadaba, hogaamiyaasha xisbigani waa kuwa kanasahan qabyaalad iyo cid jeclaysi halka hogaamiyaasha xisbiyada kale qaar ka mid ahi ay ku sifaysan yihiin. Waa xisbi ka madaxbanaan waxa layidhaa cunsuriyad halka hogaamiyaasha xisbiyada kale ay ka muuqato oo lagu ogyahay inay ku dhaqmaan. Waxa hogaamiyaasha xisbigani ay meel iska dhigeen kursi jeclaysi. Halka hogaamiyaasha xisbiyada kale iyaga oo aan gaadhin hogaaminta dalka ay kursi jeclaysi isku haystaan, xisbigooda dhexdiisa sida haddaba ka muuqata.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa waxaa la yidhi ninka maanta waxa jooga aan garan ma garto waxa soo socda, indhihiinu way hayaan maanta waxyaabo badan oo ay tahay runtii inaad ku tusaale qaadataan oo ku xidhan mustqabalkiina iyo ka dalkaba, markaa yaanay idin seegin inta warqadiina codayntu gacantiina ku jirto inaad indhaha iyo caqliga furtaan oo aad ku ridaan halka maanta ku habon in la dhigo.


 



C/rasaaq Sh Cali Askar

Hargeisa, Somaliland
Mobile: 4418174