QIXINTA SOOMALIDA SIRTA KA DANBAYSA[JANDAYI FRESI 70 MILYON AYAAN
BAD HAYSAN] WAKE UP BROTHERS

Waxa bad aan haysan 70 milyan oo xabashiya waa hadalkii ay jandaaya
freysi ay si fagaara ah uga sheegtay mudo ka hor.habartan oo ka
tirsan kooxda maraykanka ah ee sida wayn u taageera dalka
xabashidaayaa si aan cabasho ku jirin u soo bandhigtay waxa ay
doonayso inay qabato mustaqbalka.
soomalida badankooda ayaan ka warqabin ujeedada ka danbaysa qixinta
maanta ka bilaabantay gudaha soomaaliya.
ilaa wiigan oo dhan ayaa waxa qaxaya oo dalka ka baxaya shacabka
soomaliya ayagoo
u gudbaaya dalalka jaarka ee kenya iyo ethoobiya.
Waxa is waydiin leh abaarahani waligoodba way jireen dadkuna kamay
qixi jirin dalkooda
maxaa maanta keenay in dadku ka qaxaan dalka una gudbaan wadamada
kenya iyo ethoobiya?
jawaabta su,aashan waa sidan hoos ku qoran ka dib markaan si wayn u
eegay kana fiirsaday.
1-Dalalka westrenka ee bixiya shaxaadka ama sidaa idinku u taqaanaan
deeqda inkastoo deeqi tahay ta ilaahay
ayaa in mudo ah aan wax shaxaada gayn dalka soomaliya , waxay
gacmaha kala baxeen
dhamaan dhulkii ay ka shaqayn jireen ee dadka masaakiinta ay ku
caawin jireen.
taasi waxay keentay in baahi badani ka dilaacdo gudaha soomaliaya.
2-ururka alshabaab ayaa iyaguna si cad uga saaray dhulka ay gacanta
ku hayaan dhamaan
hay,adaha caalamiga ayagoo ku tilmaamay basaasiin waana sabab kale
oo keentay macaluusha
iyo gaajada iyo in la qaxo.
3- dawlada soomaliya oo ah mid aad u daciifa oo aan habayaraatee
waxba ku caawin karin
dadka tabaalaysan ayaduna waa sabab kale oo keentay in la qaxo ,
4- dagaalada iyo colaadaha aan dhamadka lahayn ee wali ka taagan
gudaha soomaaliya
kuwaas oo ay isku horfadhiyaan kooxda alshabaab iyo dawlada taagta
yar ee ay taageeratyaan
wadama brundi iyo uganda.
Sirta qarsoon ee ay wataan wadamada reer galbeedka ayaa ah mid aad u
qoto dheer walow ay jandaya
freysi ay qarxisay ayadoo afkeedu ka xaday kuna dhawaaqday in
ethoobiya aan bad haysan soomaliyana ay leedahay
bad aad u dheer oo aan cidi ka faa,iidaysanayn.
Waxa iska cad in wadamada reer galbeedku ay rabaan in soomaliya laga
qixiyo shacabka ku jira
reer galbeedku ayagaa ayaa 4 qodob ee aan kor ku sheegayba ka
danbeeya oo marka horeba abuuray
ayaga ayaa ciidamada shisheeye keenay ---- ayaga ayaa taageera
kooxaha gudaha ka dagaalamaya
ayaga ayaa gayn waayay raashinkii ay gayn jireen. [ kulu fidna cinda
geel weeye arinku].
---waa maxay sababta dalka gudihiisa loogu caawin waayay shacabka
soomaalida , waxa jira dhul fara badan oo nabada
oo la gayn karo raashin lagu caawiyo ama lagu taageero dadka
soomalida.
-----maxay tahay sababta dadka loo leeyahay ilaa kenya ama ethoobiya
u socda ee xeryaha waawayn looga samaynaayo
ayagoo afar cesho ama shan cisho u soconayaan kenya waxa laga yaabaa
in meelo nabada oo soomaliya ka mida ay u socan
karaan saacado kaliya.
--- maxay tahay sababta somaliland oo la jaara soomaaliya ahna
walaalahood loo odhan waayay dhinca somaliland u qaxa
hada waxa jira qaxooti badan oo in badan deganaa s/land maalin
qudhana lama odhan dadkan wax siiya.
Waa xaqiiq in wadamada reer galbeedku rabaan in soomaaliya laga
dhameeyo dadka ku jira oo maalinba in laga saaro
mar ay badaha ku dhamaadaan oo doonyo la saaro
mar ay kaamam qaxootiya ku bakhtiyaan macaluul
mar ay gudaha soomaliya ku bakhtiyaan macaluul
mar xeryo waawayn hadba meel bigil looga afuufo oo la ydhaa soo
yaaca waxbaan idiin haynaaye
mar dhoof iyo dalka meel kale looga saaro ka dibna ay jeelasha
aduunyada ku dhintaan
iyo mar ayaga layskugu dhiibo hub iyo rasaas oo la yidhaa is dila[
ayaguna caqli kala celiya malaha waad aragtaa].
gabagabdii
Nin kasta oo ka masuula macaluusha ubadka yaryar iyo haweenka
gaajaysan ee ka qaxaya soomaaliya
waxa weeyaan mid maalin la waydiin doono.
umalaynamaayo in danuubtan laga galay aadmigan masaakiinta ah in
aakhiro layska dhaafayo
dabcan dhamaan kooxaha ku dagaalamaya iyo hogaamiyayaashooduba waa
ka masuul waxa maanta ka socda
dalka soomaaliya, nin kasta oo debeda jooga ama gudaha jooga oo
taageera dhibka soomaliya ka taagan
waa mid asagu masuuliyadeeda qaadi doono maalinta aakhiro.[ilaahoow
na ilaali oo na nabad gali aaamiin]
wabilaahi tawfiiiq
Siciid cCabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|