QIIMAYNTII SODAALKII GUDOOMIYAHA GOLAHA
WAKIILADA EE UK

 

Sannadkan cusub ee 01/01/16 maalintii uu curtay ayuu Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla m arkaasna ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayuu Dalkan Britain ama England safar shaqo ku yimid isagoo hogaaminaya Xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo Xisbigaba.
Ujeedada socdaalkoodu wuxuu ahaa u guur gelida iyo dardar gelinta hawlaha Xisbiga mid dha qaale, iyo taageeroba sidii kor loogu qaadi lahaa Xisbiga Waddani ee dalkan England ama guud ahaan qurba jooga reer Somalilanday uga qayb qaadan lahaayeen.
Waxaa Arintaas weheliya soo bandhigida Nidaamka siyaasadeed ee Xisbiga Waddani uu dalka ku hogaamin doon Mustaqbalka haddii Alaha Awooda lihi uu idmo.
Sidaas darteed waxaa u Gudoomiye Ciro iyo Wafdigiisu ay shacabka Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan Bahweynta Xisbiga Waddani ugu baaqayaan midnimado wadda jir, waxa wad da qabsi, in lagu raadiyo Aqoonsiga Janmuuriyada Somaliland. Waxaa intaas dheer in ay kula mo la yeeshee madax ka Tirsan Golayasha Baarlamaanka, iyo degaanada ee dalkan (Member Of Parliment And Councilors) Iyagoo ka wada xaajooday xaalada Somaliland ee Aqoonsi Raad inta, nidaamka Dimuquraadiyada, iyo Nabad gelyada guud. Magaalada Sheffield waxaa uu kula kulmaya madaxa ka tirsan Xisbiga liberal democrats Mr. Steve Ayris.

Hadda waxaa maalinta Jimcaha ee Toddobaadkan 15/01/16 Xisbiga Waddani uu ku soo band higayaa magaalada London Xaflada balaadhan oo ay ka soo qayb gelayaan Gudoomiyaha Md Abdiraxmaan Mohamed Abdilahi Ciro iyo wafdiga uu hogaaminayo.
 

 


Afhayeeka Xisbiga Waddani La'aanta Sheffield
Mataan Maxamuud Cumar