Qiimaha Raashinka Oo Hoos U dhacay

 


Iibka qiimaha Raashinka quutal daruuriga, gaar ahaan noocyada Bariiska , Sonkorta, Daqiiqda iyo Baastada ee suuqyada Hargeysa ayaa hoos u dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

Iyadoo ay tusaale ahaan qiimaha Kiishka Bariiska ee 50kg ah suuqyada Hargeysa ka marayay inta u dhaxaysa $44 ilaa $45 lacagta Maraykanka , halka uu markii hore ka ahaa $50-$52 Doollar.

Sidoo kale iibka raashinada ay ka midka yihiin Daqiiqda , Sonkorta, Baastada ayaa iyagana hoos ay u dhaceen qiimahoodu, kuwaasi oo la kala siisanayay Kiishka Daqiiqda ah = 34 Doollar
Kiishka Sonkorta ah = 24 Doollar.

 

 



Hormood