QARANNIMADII
LAGU HUNGOOBAY: QEYBTII 2

Sagaal
iyo afartan sannadood ka dib maalintii koonfur Soomaaliya ka
xoro day gumeysigii, ayaa maanta bulshadaasi weli raadgoobaysaa oo
hadba ciddii hoggaan u noqotaa ku hadaaqayaan midnimo Soomaaliyeed.
Midnimada loo hanqaltaagayaa waa
tii goof xamar ku yaal ku dhacday 1dii Juulay, 1960. Cidda aan weli
quusanna wakhtiga ayaa si fiican u qancindo ona, Soomaaliyana
waxa la gudboon in ay la yimaadaan farsamadii ay kaga gudbi
lahaayeen dhibaatada dalkooda ka aloosan iskana illaawaan wax
loo gu yeedho "Midnimo Soomaaliyeed" oo dib loo yagleelo. Waxa
haboon in wixii aan berri ka maalin laga fursan doonin in hor laga
yeelo. Qasab, juju ub, iyo sundulayn midna lagu helimaayo in
mar dambe Somaliland iyo Soma lia qarannimo wadaagaan.
Sababtuna waxay tahay mar haddii lagu hungo obay rajadii laga
qabay SHANTOO ISWEHESHADAY, waar kala quusataye Soomaali koonfureed
qoomamo la'aaday. Maalinta aad u dabaaldegeysaan sannad guuradeedii
sagaal iyo afartanaad midhihii laga dheefsaday waxay noqdeen in
maanta ummaddii Soomaaliyeed ee lixdankii isu soo hilowday kala
dhaqaaqdo oo dib la isugu soo dabaali mkariwaayo. Intaa markaan
halkaa ku dhaafo, bal dib an u eegno maalintii 1da Juulay, 1960, iyo
qaskii iyo majarhalowgii madashii labada dal ku midoobi lahaayeen
hadheeyey iyo sidii wax loo maamulay.
ISDHEXYAACII 1da JUULAY 1960
Laba dal oo ka xoroobay laba maamul gumeysi oo dhaqanka iyo
xeerarko odu kala duwanyihiin midayntooda si loo maareeeyaa aad ayey
u adagtah ay haddii aan marka hore laga baaraan degin
iswaafajinta distoorada iyo shuruucda ka farcanta, midaynta maamulka
guud, dhaqaalaha, caddaala da, waxbarashada, Ganacsiga,
Bangiyada iyo Lacagaha, iwm. Taasina waxay u baahnayd in mudo dheer
looga hawl galo ka hor intaan xiligii gobanimada la gaadhin. Hadaba
iyadoon wax daraasad cilmiyeysan ah la samayn ayaa wakhti kooban
gudihii la damcay in wax loogu yeedho “Jamh uuriyad
Soomaaaliyeed” la dhoob dhoobo. Halka sartu ka qudhuntay wax
ay ahayd khaladaad farabadan oo dhacay maalinataa bisha Juulaay 1dii
1960 ayaa markale khaladaad kuwii hore ka sii daran la doonay in
wixii khaldamay dib loogu saxo.
MUGDIGII 1da JUULAY, 1960
Madmadowga ku gadaaman dhacdooyinka taariikhiga ee la jaanqaaday
dhalashadii “Jamhuuriyadda Soomaaliya” iyo sidii sharciyaddiisa loo
meel mariyey waxa lafa guridoona garyaqaanada ku xeesha dheer
arrimahaas. Sida ku cad dhammaadka distoorkii koonfur Soomaaliya,
waxa jirey shan qodob oo dheeraad ah kuna tilmaamnaa Qodobo ku Meel
Gaadh iyo Qaar kama Dambeys ah [Transitional and Final Provisions].
Qodobka koowaad [Fulinta Awoodo Ku Meel Gaadh ah], Faqraddiisa 2,
ayaa dhignaa sidan soo socota:
“Ka dib marka la saxeexo heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia
ayaa Golaha Wakiilada qaranku si deg deg ah udoorandoona Madaxweyne
ku-meel-gaadh ah si waafaqsan Distoorka Soomaaliya qodobkiisa 70,
faqraddiisa 2; Madaxweynahaas oo xilka heyndoona ka hor inta la soo
dooranayo Madaxweynihii u horeeyey ee dalka, amaba la dooranayo
Madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo kale sida uu qeexayo qodobka IV,
faqradiisa1 ee qodobada ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah.”
Haddii la is waafajin lahaa labadii distoor iyo labadii xeer midow
ee labada dal, meesha waxa ka dhalan lahaa qaran waara oo ‘Seddexdii
Maqnaana’ ku soo hirtaan. Himiladaasina waxay u dhicisoowday oo
caqabad ku noqday loolankii adkaa ee siyaasiyiintii koonfureed ugu
jireen awood qaybsiga.
F.G: Ereyada Dowladdda Soomaaliya ee ku Meel Gaadh iyo Dowladda
Fede raalka Soomaaliya ee ku Meel Gaadh ah, ee ilaa hadda ay
Soomaali koonf ureed ku dheggantahay waxay salka ku haysaa
Qodobadaa ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah ee distoorkoodii
1960; welina waxay raadgooboyaan Dib-U-Midayntii labada dal!
Hadaba iyadoo sidaasi jirtey, markaynu sooyaalka taariikhda dib u
raadra acno, qodobkaa isaga ah siduu u dhignaa ma loogu dhaqmay?
Jawaabta oo koobani waa MAYA, sabtuna waxay tahay: Iyadoon la isla
meel dhigin hashiisyadii labada wadan ku midoobi lahaayeen, ayaa
1dii Juulay, 1960, labadii Gole Sharci dejineed Md. Adan Abdille
Cismaan, uu doorteen Madaxweyne ku Meel Gaadh ah.
Waxa xussid mudan in dhammaan wax yaabaha la isla ogolaaday ee la
damacsanaa in labada dal lagu mideeyo waxay u qornaayeen qaabka:
1. Heshiisyo mabda’iyan la isugu raacasanyahay; “Agreements in
principle”;
2. Heshiisyo laba geesood ah; “Bilateral Agreements.”
Kolayba waxa hubaal ah in aan Heshiis Mabda’iyan ah iyo Heshiis laba
geesood ihi isku awood ahayn marka laga eego dhinaca sharciyadda.
Iyadoo sidaasi jirto bal an is weydiino Sua’aalahany: Ma jiraan
heshiisyo kama dambeys ah oo labada dal isku raaceen? Noocey
ahaayeen? Xilima ayey dhaqan galeen? Ayaa labada dal wakiil uga ahaa
goobtii heshiisyada lagu saxeexay?Jawaabta oo kooban waxa weeye: Wax
heshiisyo ah oo la isla meel dhigay haba yaraate ma jiraan oo
waafaqsan sida uu qeexayo xeerka Caalamiga ah ee Heshiisyada laba
Geesoodka ah.
Halka muruga iyo ismaandhaafku ka jiraa waa sharciyadda lagu meel
mariyey israacii labada dal sidaan hore u soo sheegay oo
waafiqiweydey xeerarka caalamiga ah, fasiraadda waxaynu u daafi
garyaqaanada arrimahaas aqoonta u leh.
Habeenimadii ay Soomaali konfureed u diyaargaroobaysey xoriyadeedii,
ayaa waxa soo shaac baxay xeer labada dal ku midoobaan oo si weyn u
khilaafsan kii Somaliland ayey soo bandhigeen. Marka xaal halkaa
marayo, ayaa Golihi xukuumadda Somaliland wuxu go’aansaday bishi
Juun 30ii 1960:
1. In aan la saxeexin “Xeerka Midowga SOMALILAND IYO SOMALIA.’’
2. In xeerka midowga mabda’ ahaan la ogolaado, aanse la saxeexin;
3. In labada dowladood [Somaliland iyo Somalia] diyaariyaan xeer
Labada dal ku midoobaan;
4. IN Xeerka midowga labada dal la hor geeyo labada Gole sharci
dejineed
si kama dambeysna loo Ansixiyo.
Sida la wada ogsoonyahay madax bannaanida koonfur Soomaaliya waxay
horey ugu mudeysnayd 2 Bisha Decembar, 1960. Hada si ay ula midowdo
Somaliland ayaa Ururka Qaramada Midoobay soo dedejiyey madax
bannaanidii koonfurta lloguna cayimay Bishii Juulay 1dii, 1960.
Sidaa ayey koonfur Soomaaliyana ku noqotay gobolkii labaad ee
gumeysiga ka xoroobay in kastoo qaar ka mid ah qaryaaqaanada ku
xeesha dheer qawaaniinta adduunku ay tibaaxayaan in Koonfur
Soomaaliya aanay madaxbaanni iskeed u helin haba yaraate ee ay ka
dhextoostay “Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
DHACDOOYINKII 1da JUULAY, 1960
Halkaa markay marayso ayaa subaxnimadii Juulay 1dii,1960 labadii
Gole Sharci Dejineed mabda’ ahaan isugu raaceen dhalashadii
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA, isla fadhigaa laftiisa ayaa MD. Aaden
Cabdille Cismaan Dacar loogu doortay madaxweyne ku-meel gaadh ah.
Isla maalintii 1 Juulay, 1960 ayuu Aaden Cabdille Cismaan wareegto
madaxweyne ku meel mariyey “Xeerka Midowga Somaliland iyo Somalia-Wareegtada
Tirsigeedu aha: 1 ee 1da Juulay 1960.”
Su’aal: wareegtadaa madaxweynuhu iyo distoorkii koonfur Soomaaliya
ma is daboolayaan? Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee isla
wareegtadu ka dhawaajisay iyo distoorka la dhaqan geliyey ma
iswaafaqsanyihiin? Intaba jawaabtoodu waa MAYA.
Distoorkii koonfur Soomaaliya ee 1 Juulay 1960, qodobkiisa 63,
faqradda seddexaad ayaa u dhignayd:
“Haddii aan xeerarka wareegtoyinka ah muddo shan maalmood gudohood
ah loogu bedelin xeer, waxa lumidoodoona ku dhaqankooda laga soo
bilaabo maalintii la shaaciyey.”
Wareegtadan oon distoorkii koonfurta laftarkiisa waafaqsanayn iskeed
ayey isu burisey maxaa yeele shan maalmood gudohood Golihi Sharci
dejinta laguma hor geyn si xeernimadeeda loo ansixiyo.
Sida taariikhda ku xussan mudadii u dhexaysay 1960-1965 dalkii la
isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa lagu maamuli jirey
Wareegto madaxweyne[Presidential Decree], Wareegto Sharci dejineed
[Legislative-Decree], Xeer Barlamaan[ Laws], Wareegto Wasiir
[Ministrial-Decree] iwm.
Sida la wada ogsoonyahay todoba bilood kadib markii xornimada la
gaadhay ayaa la dareemay mugdigii iyo madmadowgii ku gadaanaa
midowgii labada dal. Bishii Jan. 18, 1961 aya mar labaad GOLIHI
Sharci dejinta la horkeentay xeer labada dal ku midoobaan oo cusub
ka dib marka afti loogu codeeyo; bishii Jan. 31, 1961 wakiiladii
labada dal aya xeerkii ansixiyey. Tixraac xeerka tirsigiisu yaha
lambar 5 ee 31 January 1961, laguna daabacay Wargeyskii Rasmiga ah,
tirsigiisa Lambar 2, 1961. Daqan galka xeerkani wuxu ka soo
bilaabmayaa Juulay 1dii, 1960? Haddaan meesha jahawareer hadhayn,
maxaa sabab u ah in sharciyaddii midowga [Waa haddiba ay jirteye]
mar labaad la baadi goobo?
SHARCIYADDII MIDOWGA
Bal dib aynu u yara raadraacno qoraalo iyo cilmi baadhis ay
sameeyeen garyaqaaano iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin Dr. Xaaji
N.A. Nuur Muxamed, John Drysedale, Rajagopal and Carroll, iyo
Yuujiin Qudraan, Garyaqaano ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee
Koonfur Afrika, Weftigii xqiiqo raadinta ahaa ee Midow Afrika iyo
qaar kaleba waxa ay tilmaamayaan in aanay jirin qqab sharciyeysan oo
Somaliland iyo Somaaliya ku midoobeen.
Ugu horeyn aynu eegno sida uu qoray garyaaqaanka la yidhaa Yuujiin
Qudraann bal laba qodob aynu ka soo qaadano xeerkii midowga ee
Cusbaa:
Qodobka sagaalaad faqradihiisa 1 iyo 2 ee xeerka midowga ee cusub
ayaa u dhignaa:
1. Qodobada xeerarka Soomaaliya amaba Somaliland, oo uu ka mid yahay
Distoorka Somaliland, oo ka hor imanayaa distoorka Jamhuuriyadda
Soomaaliya, dhammaantood waa la laalay;
2. Qodobada xeerka midowga Soomaaliya iyo Somaliland iyana
dhammaantood waa la laalay, marka laga reebo qodobka 11,
faqaraddiisa 4.
Qodobka sideedaad ee Xeerka Midowga cusub ayaa tibaaxaya:
“Sharciyadii lagaga dhaqmi jirey Somaliland iyo Somalia xiligii la
aasaasay Midowga sidoodii ayey u shaqeyndoonaan iyaga oo waafaqsan
qodobada Distoorka, Xeerka, iyo Xeerarka mustaqbalka.”- Tixraac
wareegtada Madaxweynaha lambarkeedu yahay 19, kuna taariikhaysan
Oktoobar 11, 1960, laguna daabacay Warkeyska Rasmiga ah
lifaaqyadiisa 1-4, 1960.
Distoorka Somaliland ee la laalay wuxu qeexayaa qab dhismeed
dowladeed oo u kala qaybsanaa: Fulin, Sharci Dejin, iyo Garsoor.
Sida aynu ogsoonahay garsoorka waxa hoos imanaya dhammaan Xeerarka
iyo shuruucda dalka u taal.
Sual: Haddii Distoorkii iyo Xeerkii midowga ee Somaliland lahayd
gebi ahaan noqdeen qaar lid ku ah Distoorkii Soomaali koonfureed
samaystay oo loo dhaqan geliyey in uu noqdo distoorkii Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed, sidee ayey labada dal ku midoobeen? Dalkan
Distoorkiisii iyo Xeerkiisii Midowgaba la deedifeeyey sow ma
noqonayo dal xaqiisii jiritaan, qaranimo, iyo taariikheedba la
tirtiray oo ku dhex milmay mataantii dhigiisa ahayd ee
madaxbannaanaata Bishi Juulay 1, 1960?
AFTIDII DISTOORKA: 20kii JUUN 1961
Iskusoo wada xooriyo, iyada oo laga duulayo xeerkii Bishii January
31st, 1961 ee tirsigiisu ahaa lambar 5, ayaa dalkii la isku odhan
jirey Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa laga hirgeliyey afti guud oo
ka koobnayd laba qaybood oo is xambaar ahaa: Distoor/Xeer Midow
xalaaleeya israacii labada dal. Aftida waxa loo mudeeyey in ay
dhacdo 20th June, 1961, waxay ahayd isxambaar ka kooban Distoor/Xeer
Midow. Waa halka la yidhaa Hal xaaraan ihi, nirig xalaal ah ma
dhasho.
Xisbigii SNL oo xiligaa uu hoggaaminayey Allah ha u naxariitee
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu u ololeeye in aan loo codeyn
aftida Distoorka, waanu ku guuleystey oo aqlabiyadda dadka reer
Somaliland intii codeysey waxay ku codeeyeen MAYA, in badan oo
bushlada ka mid ihina mabay codeyn. Xukuumaddii dhinaca koonfureed
ka rarnayd marnaba may tixgelin xaqiiqada jirtey. Bishii September,
1961 ayaa natiijadii aftida xeer lagu dhaqan geliyey oo Wargeyskii
Rasmiga ahaa lagu daabacay, waxan qalinka ku duugay Md. Aden
Cabdille Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ahaa
madaxweynihii iyo Raiisul-wasaarihii xiliga. Markaa ma wax la meel
mariyey natiijo labadii dalba aqlabiyad ugu codeeyeen, mise waxay
ahayd mid dhinaca koonfureed ka raran?
Oodobka Afraad, faqraddiisa 1, ee Qodobadii Ku Meel Gaadhka iyo Kama
Dambeysta ahaa aynu hore usoo sheegnay wuxu ka hadlayaa Natiijada,
waxanu u qorna sidan soo socota:
" Haddii natiijada Aftidu ka hortimaado daqan galka distoorkan,
Golaha Sharci Dejinta ayaa shan iyo toban maalmood ka dib marka ay
Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijooyinka, ayaa doorandoona
madaxweyne cusub oo ku meel gaadh ah, kii horena aanu xilka sii
heyndoonin; Golaha Sharci Dejinta ayaa ka hawl gelidoona
daqangelinta distoor cusub oo afti loo qaado lix bilood ka dib
magacaabidda madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee cusub."
Meelmarinta natiijo aftiyeed oon waafaqsanayn xeerarka Caalamiga
ayaa noqonaysaa waxba kama jiraan. Waa marka u horeyse eh tiro koob
rasmi ah laguma hawl gelin; goobjoogayaal Caalami ihi markhaati
kamay ahayn; natijada qaabka loo turjumayo heshiis laguma ahayn.
Waxaan marnaba isqabanayn laba dal ayaa midowgoodii qiil loo
raadinaya iyo waxa ay dowladdii xiligaa talada haysay la shir timid.
Iyadoo sidaasi xaqiiqadii jirtay tahay, bal an eegno
xeeldheerayaasha haya keydka taariikhda iyo siyaasadda Soomaaliyada
ee la kowsatay Aftidii la qaada 20 Juun 1961, iyaguna waxay
isxambaarka aragti ahaan uga yidhaahdeen:
“Waabaa beryey bilicsan; waxa mar qudha daaha loo rogay taariikhdii
gumeysiga iyo wixii ka horeeyeyba. Qaarada Afrika waxa ku soo
kordhay dal cusub oo la magic baxay: JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA,
midaysnaandoona tan iyo inta suurta laga affuufayo, sida ku qeexan
Xeerka Dib-U-Midowga Qodobkiisa ^&, faqraddiisa *#!!’’. Hawraarsan
weeyaan haddan kontonkii sannadood ee u dambeeye wixii dhacay aan
warkooda la wada heyn; nin ka been abuuriyo iyo mid sideeda u
sheegaba ha joogtee, waxaan marnaba lagu murmeyn laba erey oo
suugaanta afka Soomaaliga ku soo kordhay aftida dabadeed: "Walaweyn"
iyo "Aaden Yabaal" oo tilmaamaya cod isdabamarin iyo sanaaduuqdii oo
la cabbeeyey- "Vote Rigging and Ballot Stuffing." Labadaa tuulow
iyagana nasiib darrodaa taariikhiga ah aya ku habsate kow dheh.
Waxa isla sannadkaa 1961 Wargeyskii Rasmiga aha lagu daabacay
qodobadii “Xeerkii Midowga Somaliland iyo Somalia” ee xukuumaddii
Somaliland koonfur ula tagtay!!!
Bishii December 10th, 1961 ayaa Saraakiishii Ciidanka Somaliland
(Somaliland Scout) oo uu hoggaaminayo Allah ha u naxariistee Xasan
Cabdille Walanwal isku dayeen afgambi in ay qaranimadii Somaliland
dib ugu soo ceshaan. Nasiib darro afgambigaasi wuu dicisoobay.
Saraakiishaas waxa lagu soo oogay dacwad dil ah oo socotay Bishii
December 10th, 1961 ila Bishii Abril, 1963; ka badbaade oo xeer
tiirka qabadsiiya waa loowaayey iyadoo xeerarkii Jamhuuriyadda
Soomaaliya ku midoobeen iyo distoorkeediiba waxba kama jiraan
noqdeen.
Wa taciyahaa udunun waaciya
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Email:
asabeyse@hotmail.com
|