Qarankuu u hiiliyey Goormuu Qiimeyni?
Abwaan Cabdi Aadan Xaad
Cabdi Qays

 


Waan kuu hogaansamay kugu soo hamiyi jiray
hadba kugu warwari jiray oon hoos iyo guud
hawlahaaga wadi jiray hor Illaah walaahiye
hamadii aan kuu qabay hiladaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo hir lagaaga baaqe

hadalkii macaanaa hilaadaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo hir lagaaga baaqe
horta waa abaalkaa hadimada ku gaadhiyo
waxaad hawl la kulantee Ma ka heestay Ceel Dheer


Afeef:
Markaad akhriyeyso maansooyinka maanka ku hay odhaahdan- “Horta baryahaa lama tirin kareyn maanso.haddii kale waa inaad geed,gabadh ama jaceyl ugu soo gabataa.Inkastoo haddana hadaad tidhaa “tawradii wareertayee’ay kuwii nabad-sugidu u badali jireen in loo jeedo ’kacaankii wareeryee’ oo dadweynihii ayaa sidaa doonayey una macneeyey” ayuu yidhi Cabdi Aadan Qays....



Golaha baarlamaanka (Kongereska)wadanka Maraykanka ayaa bilad sharaf ugu deeqay gabadhii ka soo jeeda qoomiyada madoow. Waxay aheyd gabadhii madoobeyd ee ugu horeysay in loo qaado goobaha dagaalka xilligii uu socday dagaalkii 2aad ee aduunku.Muddo ayaa laga soo shaqeeyey dhacdadan xaqiijinteeda iyo sida looga abaal marin lahaa.Gu’gii 1943 ayey ku jirtay koox haween ahaa oo loo xilsaarey magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska inay ka hawlgalaan gaadhsiinta waraaqo loo dirayey ciidamadii Maraykanka. Fariimaha inay isku gudbiyaan reeraha (Family) iyo xubnaha ciidamada ayaa aad loo taageeraa.Waraaq qofka qoriga sida uga timid reerihiisa ama sawiro ayaa keena dhiirigalin, niyad wanaag iyo hawl qabad wanaagsan.

Sidaa darteed ayey Anna Mae Robertson iyo kooxdii kale ee ay ku jirtay kaalin weyn oo wax ku ool ah ka geysteen hawshaa fulinteeda. Dawlada Maraykankuna waxay garatey inay aqoonsato hawlgalkaa ay dalkeega u fulisay.

Akhriska qoraalka dhacdadaa laga qoray ayaa iila jibaaxey gu’gii lixdankii iyo hagardaamadii ku habsatey soomaaliland miyaan jirin dad ka dhiidhiyey.Miyaaney dadkaasi bulshada ku laheyn qiimeyn iyo qadarin?.Ma xabaasha dusheeda ayaa darajada la isku siiyaaa?...waydiimahaa ayaa dhex-jibaaxey maankayga.Warcelintiina waxay noqotay maad adiguba qalinka ku caleemo saartid mid ka mid ah dadkaa damqadey,bulshaduna qalinka iyo codkaba ha u huraan qaar kalee..

Gu’yaashii 60aadkii ayaa bulshada reer Soomaaliland tirsaneysay dhibaatooyin badan. Maamul kasta oo isbadalaa wuxuu u garaabi waayey,garana waayey ujeedadii la iskugu darsamey.Maamuladaasi ayaa xeradoodii oo xoolo kale ugu soo biireen u arkey hadyada ay reer Soomaaliland u bixiyeen xornimadoodii.Dadka reer Soomaaliland aad bey u damqadeen, hawlgalo badana waa la sameeyey si mar labaad Maandeeq loo soo xero galiyo.
Miyaan la aqoonsaneyn dastuurkii u codayntiisa reer Soomaliland diidmada cad ka muujiyeen; Miyaan la xasuusaneyn inqilaabkii milatari ee reer Soomaaliland isku dayeen inay Maandeeq dib ugu boqraan;Miyaan la xasuusaneyn qaxitaankii bulshada reer Soomalialnd ugu wanqaleen Bakeyle Qalad; Miyaan la xasuusaneyn iscasilaadii wasiiradii ka soo jeeday reer Soomaliland; Miyaan miyaan, iwm.

Dadaalkaa badan ee bulshadu sameynaysay ayaa Abwaan Cabdi Aadan Qays uu ka mid ahaa dadka maanso ku sugay.Isagoo sababta saaraya waayaha, rabana inaanu niyadjabin dadkan dhiiran ee soo jeeda ayuu yidhi:

Wakhtiyahaw lagdamayaa,
Habeenkaaga laaciyo,
Maalintaada luulkii,
Nimay kala lusheenoo,
Kala leexiyeenoo,
Leeleel qabaan ahee,
Sida aan u liitiyo,
Laftaad iga wareentay,
Laba kala fog weeyee,
Lugooyada ma daysaa,
Mise ruuxa Laangadhaa,
Sii liici mooyee,
Soo loodi maad odhan.

Dawladaha Lixdankii isbadbadalayey ayaaney dani ugu jirin reer Soomaaliland.Mar kastoo midi dhalato loona wanqalo waxay u aheyd geeri iyo xabaal qodid bulshada reer Soomaaliland. Waxa kaloo ay aheyd in bulshada reer Soomaaliland iyo hankoogii dib ula soo noqoshada Maandeeq ay sii kala durkayaan. Kala fogaanshahaa yimid ayaa abwaan Cabdi Aadan Qays ku hayey xanuun iyo doog uu ka seexan waayo.Hubka Illaahay ugu deeqay ayuu adeegsadey,maansooyin dhawr ah ayaanu ku tilmaamey sida uu kala durukaasi u dhibayo.Waxaanu yidhi abwaanku mid ka mid ah maansooyinaa arintaa sugaya:

Geedigaan u baaqaa Guruc u horseedayoo
Markaan guri yagleelaba Adaa gees baneeyee

Waa garasho naagoodeey Waa garasho naagodeey

Markan guur idhaahdeen Awrka gibilka saareen
Guri doogle geeyaba Adaa gees ka dhaafee

Markaan guunyo waabeen Geed hadhaca oodeen
Galabtii caraabaha Adna iga garaacdaa

Waa garasho naagoodeey Waa garasho naagodeey

Mar kale isagoo abwaanku ka waramaya sida bulshada reer Soomaaliland ugu hanweyneyd la soo noqoshada Maandeeq iyo sida aaney ugu hirgaleyn xilliyadaa ayuu maanso ku cabiray.Wuxuu abwaanku xusayaa in dadaal jiro, ummaduna ay hawlgaleyso. Waxaa ka dhimani uun uu yahay dadaalka oo rumooba. Waxaase mudan in la xuso inuu abwaanku marna ka gabneyn sheegista dareenka bulshada reer Soomaaliland.Waxaanu yidhi abwaanku:


Anigiyo naftaydaa
Habeen madow gudaysoo
Geedbay qof moodee
Tii oon gudin u hayn bay Laamo goo i leedohoo
Gacmihii i daaleen

Garaad dumar ma dheeree
Yaa garwaaqsan jirayeey
Gabadh kibirtay oo ladan
Yaa garawsan jirayeey
Geenyo aan jaraysnayn
Yaa dagaal ku galayeey
Gooni u halaabee
Yaa garan waxa i gubay


Gu’gii 1969 ayaa inqilaab Milatari oo aad loo soo dhaweeyey ka dhacey dalkii la odhan Jamhuuriyadii Soomaaliya. Waxaa faraha ka batey farxada, damaashaadka, iyo heesaha la isla dhex marayey.Aqoonyahan badan ayaa xilligaa bilaabey inay dadka baraarujiyaan. Halka koox kale u xadhko xidhatey wax la qabashada kooxdii inqilaabka samaysey ee uu hogaanka u hayey Afweyne. Dadka reer Soomaaliland ayaa il-rajeed u yara furatey markuu ra’iisal wasaare noqdey marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. IShaasi ayaa bakhtiday markii Inqilaabku dhacey.Naftii la sasabayey ayaa gaagaxdey mar labaadoo kacdoon hor lihi u bilaabmey.Abwaanka oo dareenka bulshada ka af-celinayey ayaa yidhi:



Sasabada naftaydaay
Janadaad ku sooryeeyn
waa sagaal gu’ iyo subax
intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee
Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana
Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbena maxay noqon

Abwaan Cabdiqays ayaa sameeyey ruwaayad dhawr bilood ka dib inqilaabkaa.Wuxuu abwaanku ruwaayadaa ugu wanqalay magaca ““Gaal iyo Islaam Gabdhoow yaa idin leh”.Abwaanku durbaanadan la qaatey isagoo la yaaban ayuu sameeyey ruwaadaaa. Wuxuu abwaanku dib u jaleecay darxumada iyo daalka ka muuqda Maandeeq.Waxay la noqon wayday inuu la jaanqaado kuwan mashxarada iyo damaashaadka ku jira. Abwaanku wuxuu markaa soo bandhigay in Soomaaliland weli dhib badani ka jirto aaneyna gaadhin halkay ku ladi laheyd.Sidoo kale ayuu abwaanku u sheegay kuwa damaashaadka ku jira inay tahay farxad iyaga u gaar ah.Waxaa maansooyinkii ku jiray ruwaayadaa ka mid ahaa ee uu damaashaadkaa dhinaca kaliya ahaa ku muujinayey ka mid ah:
Aduun baaba gabadhyahay gadafeeyay timahoo
gogolo lagu bulsheeyeyo guur u feedhanaaye
miyuu wiil gayaani go'e maanta jooga
geeri weeye caydhuye sawtan laysay gaajadu
mid aad garabka saartiyo miyuu geesi noolyahay

Aduun baaba geenyooy wabigii ganaaniyo
gacan wabi ku yaaloo haraad li'i u gamaaye
geestayada miyuu faras gaashaan qaadi joogaa
geeri weeye caydhu ye sawtan laysay gaajadu
midaad garabka saartiyo miyuu geesi noolyahay
Dhinacaad ka gashaba maansooyinka abwaan Cabdi Qays waxaad ka arkeysaa inuu qabey boholyoow iyo kacdoon laabeed. Waxaa mar kasta dareenkiisa ka soo hirqanayey weedho u hiilinaya Maandeeq raadinteeda iyo la soo noqoshadeeda.Silsiladii Siinley ayuu maansadiisii ugu horeysay ku sheegay in siddeedii gu’ ee lagu jiray dawladihii rayidka ahaa boqno-gooyeen jiritaanka bulshada iyo dalka Soomaaliland, sidoo kale ayuu sheegay in xididadiina in la siibana ay u hawl-gashey tii Afweyne. Waxaanu yidhi abwaanku isagoo u jawaabayey abwaan Hadraawi:

Ina wallanwaloow samir
haweenka isa seegtee
siddeed nabar adoo qaba
waa taa kii sagaalaad
seedaha ku gooyee
maxaan kuu sameeyaa
siinkaa ku jiidhee

Hadh iyo habeen maanka abwaan Cabdi Qays kamay bixin dib-ula soo noqoshada Maandeeq. Waxaase mar kasta boqno-goyn jiray dad badan oo waayeelnimo iyo aqoon biddo oo ka aragti duwanaa una xaglinayey Jamhuuriyadii Soomaaliya. Waxaase mudnaanta leh in aanu ka seexan dagaalkaa joogtada ah,dhiigisan ay dhex maaxeysay Maandeeq oo loo daaq geeyey goob wanaagsan,baad iyo biyoba leh.


Marka aan habeen qudha,
Hurdo nabada seexdaba,
saw hees walwaaleed,
Hablo iima qaadaan,
Caawana hirkaan degay,
ma hawd iyo callaydh baa,
hawlihiyo caashaqa,
ma ka galay halkaygii

Ummad waliba waxay horumar ku gaadhaa markay ku hirato hormoodkooga. Bulsho waliba waxay liibaan haybsataa markaa maamuusto hormoodkooga.Waxaan ku soo gunaanadayaa maansadiisii Abwaanka ee uu la hadlayey maamulkii Afweyne markuu isku caleemo saarey Libaaxii Afrika, wixii ka hor yimaadana xadhig, dil iyo xoolahoogoo lala wareego dan mooday:
Hilaacaad la socotaa Dayaxaad hadhaysaa
daruurahaad u hoyataa heegadaad dul jiiftaa

wey kuu hagaagtee wey kuu hagaagte

hadaad maanta hodan tahay midna haybsan mayside
Habeen miyaan lulooda hurdo miyaan xasuusta
hamibaa i lumiyee Waa la soo hadhiyeey
hawli wey imanay Nafsaa hiilin doonee

Habar iyo habeenkeedaa Habar iyo habeenkeeda


Ururintii,qalinkii, iyo isku-duba ridkii:


Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan
www.farshaxan.org iyo www.farshaxan.com