QARANIMO ( Maxaabiista la siidaayay iyo ciidanka Qaranka ee dib loo soo raray . Nabadgelyada ma wax bay taraysaa mise wax bay yeelaysa?

 

 

Waxaan leeyahay dhamaan akhristayaasha sharafta leh RAMADAAN KARIIM. ILaahayna khayrk eedda ha ina siiyo, cibaadada bisha RAMADAAN ha la inaga aqbalo.

Waxaa maalmahanba war baahinta Soomaliland aad iyo aad ugu jirtay arinta Xagal Toosiye, oo gebogebedii ay noqotay in dawladda Soomaliland aqbasho shurudaadkii uu ku xidhay wada hadalka nabada .

Shurudaadkaa oo intii ugu muhiimsanayd la fuliyay kuwaas oo ahaa
1. Taageerro dhaqaaleh oo lagu taageerro Jabhadda Xagal toosiye ka madaxyahay
2. In la siidaayo dhammaan maxaabitii laga qabtay Jabahadda Xagal toosiye, dhaqaalena la siiyo maxaabiistaas
3.In dhamaan ciidanka qaranka laga soo raro jiida Buuhoodle lana keeno Qorulugud
4.In saamiga dawladda qaybtoodda la siiyo.

Aniga oo taageersan in laga wada shaqeeyo Nabadgeliyad,Midnimada,Qarannimada Wadanoolashaha iyo wax aliyaale ee adkaynaya Qarannimadeena, hadana waxaan iswaydiiyaa arimaahaasi miyaanay dani ugu jirin reer soomaliland oo dhami, sida ay aniga oo reer Burco ah dani iigu jirto miyaanay reer Buuhoodle dani ugu jirin,waxaan qabaa inay maanta intaas oo dhami reer Buhoodle iga baahi badan yihiin haddii uu caqliga saxda ahi shaqaynayo, mana aha inay Nabadgelyada shuruud ku xidhaan , haddii ay dhacdona in laga aqbalo ama laga oogolaadu angu uma arko inay xal tahay.
Buhoodle waa degmo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada Gobolka Togdheer ee in la buunbuuniyo ma ah ee waxaan jecelahay inay markastab xaqeeda hesho iyana ay fuliyaan waajibkooda saaran waayo xaq kastaab waajib ku saaran baa jira oo banaan inaad ka soo baxdid oo xaq aan waajob lahaynin ma jiro.

Waxaan jecelahay inaan waxooga ka iidhaahdo afartaa qodob inaan qodob qodob uga faaloodo.

1.Taageeradda dhaqaale ee Jabhada Xagal toosiye la siiyaya
Waxaaynu ogayan shirkii magaalada WIDH WIDH ee sanad ka hor ka dhacay inay Soomaliland ku kharash garaysay lacag gaadhaysa 430 000 Dollar.
maxaa ka soo baxay ee faaiid ah ee kharashkaa la dhaafsaday?
Waxaynu markii uu Kayse oo ka mid ahaa Jabhada Xagal toosiye uu wadahadalka nabadeed la gelayay Xukumada in intaas maanta Xagal toosiye loo Fuliyay oo kale isna loo fuliayay oo la gaadhsiyay in xitaa Urur Siyaasadeed loo furay la yidhaahdo SSC, bal hadaba aan is waydiine maxaa ka soo baxay oo faaiido ah?
Maanta dhaqaalah Xagal toosiye lagu taageeray waxaa ka soo bixi doona lama garanayo ee waa khamaar kale oo aan la hubin, iyada oo Wasirkii Caafimadku uu dhawaan codsanayay in mishiinka kelyaha safayn jiray ee dhakhtarka Hargaysa oo xumaaday dadka qurba joogu ka soo caawiyaan iyo madaarka Burco oo isna qadhaankiisi qurba jooga laga codsanayay, madaaarka Boorame oo dayac badani ka muuqdoo aan la hadal haynin iyo doorashooyinkeena oo dawladaha debaddu u soo qaadhaamaan , waxaynu ogayan in shirkii daallo si loo joojiyo lagu kharsh gareeyay lacag ka badan 300 000 dollar, halka ay ururka Alisaax na Hargaysa shirwaynohoodii ku qabsatay.
Markaan arimahaas oo dhan arko waxaan i dhaahdaa MA IDINKA WAALAN TOLOW MISE XAMAR BA LA IDNKA HEESAYAA.

2.In la siidaayo dhamaan maxaabistii laga qabtay Jabahada Xagal toosiye dhaqaalena la siiyo.

Maxaabistaasi waa kuwii la dagaalamay ciidanka Qarnka Soomaliland ee habeen iyo maalinba soo weerari jiray dawac iyo dhimashona u geeystay hadaba marka maalin kasta la siidaayo kharashna loogu darro sidee bay u arkayaan ciidanka Qaranku ee habeen iyo maalinba u heeganka ah difaaca Qaranka.
maxayse ku dhacaday inamadii waagii dhawayto soo weeraray xeradda ciidanka Qaranka in maxkamad milateri la taago oo dil lagu xukumo, kuman oo in kabadan dhawr sanadoodna inta la siidaayo lacag ay ku ambabaxaana la siiyo, waxaan u arkaa arin aad iyo aad u khaldan oo dhawac u gaysanaysa cadaalada Soomaliland oo lagu dhaariyay Madaxwaynaheena.
Waxaan ka filayaa Madaxwaynaha inuu inamadaasna si deg deg ah u soo daayo xaqul ciidkoodina soo siiyo dharkii ciidan u soo iibiyo.
Haddi kale arintu waxay u ekaanaysaa MA INKAA WAALAN MISE XAMARBA LA IN OOGA HEESAYAA.

3.In dhamaan Ciidanka Qaranka laga soo raro jiidah Buhoodle oo la keeno Qorilugud

Ciidanka Qaranku waa astaanta Qarannimada marka laga soo rarayo Buhoodle ee Qorilugud la keenayo waxaan garan laahay waxay kala yihiin halka laga rarayo iyo halka la keenayo ma midba dal kale ah miyaanay ahayan labadii magaalo ii isu dhawaa ee aan garanayo mise dhul kala laga hadlayaa, arinkaasi waa waddo khaldan oo furantay berto haddi reer Qorilugud yidhaahdan ha nalaga raro ciidan waxaan u arkaa inay xaq u leeyhiin dabadeena Burca ku xigi doonta xalkeenu wuxuu ku danbayan doonaa tosbax furma ee waxaan laayahay CIIDANKA QARANKU GORGORTAN MA GELI KARO EE ARINTAA HA LAGA NOQDO.

Maqaalkan Qarannimo waa mid taxan ah ee la soco qaybiihiisa kale
 


Faisal Farafidiye

U.K