Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Doorashadii Soma li land Sheegtayna In Ay Diyaar U Tahay Taageerada Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

 




Hargeysa (TNN) :- Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa sheegtay inay diyaar u t ahay inay taageero ka gaysato dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ka dib doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi.

Warsaxaafadeed uu xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay soo saaray shalay, wuxuu ku sheegay inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynaha la doortay ku bogaadinayo doorash ada wanaagsan ee ka qabsoontay Somaliland. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeys ay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka (KUL MIYE) doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland” taas oo shalay ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee “Somaliland”.

Goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalkaba waxay tilmaameen in geedi-soc odka doorashada iyo codeyntuba ay guud ahaan u qabsoomeen si nabad ah ayna ka soo baxday natiijo lagu kalsoonaan karo. UNSOM way soo dhoweynaysaa arrinkan, waxayna ku amaanaysaa hogaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa dhaqanka ee “Somaliland” sida ay u xalliyeen murankii la xidhiidhay doorashada ee soo if-baxay. UNSOM waxay ku boorinaysaa maamulka xilka la wareegaya inuu sii wado horumarinta siyaasadda loo wada-dhanyahay iyo xoojinta demoqoraadiyadda, nabadda iyo xasilloonoda dadka reer Somaliland.

UNSOM waxay ku hanweyntahay inay ka amba-qaaddo xidhiidhka kala-dhexeeya Somaliland ee ku dhisan khariidaddii/tubtii lagu heshiiyay ee Qaramada Midoobay ay ku kaalmaynayso “Somaliland” iyo Qorshaha II ee Horumarinta Somaliland. UNSOM waxay sidoo kale diyaar u tahay inay taageerto dib u billaabidda wada-hadalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo “Somalil and”Hargeysa(Geeska)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay taageero ka gaysato dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ka dib doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland loo doortay Muuse Biixi Ca bdi.

Warsaxaafadeed uu xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay soo saaray shalay, wuxuu ku sheegay inuu shacabka Somaliland iyo madaxweynaha la doortay ku bogaadinayo dooras hada wanaagsan ee ka qabsoontay Somaliland. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyey say Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka (KUL MIYE) doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland” taas oo shalay ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee “Somaliland”.

Goobjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalkaba waxay tilmaameen in geedi-soc odka doorashada iyo codeyntuba ay guud ahaan u qabsoomeen si nabad ah ayna ka soo baxday natiijo lagu kalsoonaan karo. UNSOM way soo dhoweynaysaa arrinkan, waxayna ku amaanaysaa hogaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa dhaqanka ee “Somaliland” sida ay u xalliyeen murankii la xidhiidhay doorashada ee soo if-baxay. UNSOM waxay ku boorinaysaa maamulka xilka la wareegaya inuu sii wado horumarinta siyaasadda loo wada-dhanyahay iyo xoojinta demoqoraadiyadda, nabadda iyo xasilloonoda dadka reer Somaliland.

UNSOM waxay ku hanweyntahay inay ka amba-qaaddo xidhiidhka kala-dhexeeya Somaliland ee ku dhisan khariidaddii/tubtii lagu heshiiyay ee Qaramada Midoobay ay ku kaalmaynayso “Somaliland” iyo Qorshaha II ee Horumarinta Somaliland. UNSOM waxay sidoo kale diyaar u tahay inay taageerto dib u billaabidda wada-hadalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo “Somalil and”

 





Xigasho: Wargeyska Geeska