Qaramada Midoobay Oo Dalacaysa Darajada Amni Ee Somaliland
Isu duwaha Xafiiska Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Mark Bowden, ayaa qoraal uu dhawaan u qaybiyay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya, oo uu kaga hadlay xaaladda ammaan ee Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ku ammaanay dawladda Somaliland oo uu tilmaamay inay xil iska saartay xoojinta ammaanka Xarumaha Qaramada Midoobay iyo weliba ammaanka guud ee caasimadda Hargeysa Qoraalkaas oo aan saxaafadda
loogu tallo gelin balse uu nuqul kamid ah helay xafiiska Nayrobi ee
Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu Mr. Bowden, ku dammaanad qaaday in
Qaramada Midoobay badhta maha sannadkan dib u eegayso go'aankaas ay
hoos ugu dhigtay darajada amni ee Somaliland. "Bishii January aniga
iyo maamulaha baanka adduunka ee Somaliya, waxaanu u socdaalnay
Hargeysa. Waxaanu ka soo wada hadalnay arrimo la xidhiidha ka soo
kabash adii iyo dib u dhiskii, iyo sida aanu intaas in ka badan u
sii dhisi karno fursadaha horumar." Ayuu yidhi Mr. Bowden, ku yidhi
qoraalkiisa uu Geeska Afrika helay oo ku qornaa luuqadda Ingiriisida,
waxaanu intaas raaciyay, "Sidoo kale waxaan fursad u helay inaan
arko horumarka ay sameeyaan Qaramada Midoobay iyo maamulka
Somaliland, ee soo gebagebeeyay walaacayagii amni."
|