Qalabkii Doorashada
lagu galayay qaarkood oo dalka soo gaadhay & aragtida Komishanka
Hargeysa (TNN)- Qalabkii u horeeyey ee loogu tallogalay in lagu galo
doorashadda mada xtooyadda Somaliland, ayaa shalay dalka soo
gaadhay, kaasi oo ay siday diyaarad ka soo qaaday magaalada Nairobi
ee dalka Kenya.
Sada xalay lagu faafiyey telefishanka Universal, waxa dalka soo
gaadhay sanaaduuqda lagu codaynayo marka bisha June ee sannadkan loo
dareero doorashada madaxtooya dda, kuwaasi oo lagu sameeyey
dalka Denmark ee qaarada Yurub.
Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in
waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey
iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan si labada
toddobaad ee u horeeya bisha May ee sannadkan 2010 loo qaybiyo
waraaqaha codaynta ee lagu beddelayo kuwii ay hore u haysteen dadkii
doorashada isu diwaangeliyey.
Md. Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah xubnaha komishanka
doorashooyinka oo faah-fa ahin ka bixinayay nooca qalabka shalay la
soo gaadhsiiyey, ayaa sheegay in qalabka la soo gaadhay inta ugu
badani tahay Sanaaduuqdii loogu talagalay codbixinta, oo ah noocii
ugu casrisanaa sanaaduuqda doorashooyinka dunida. Waxaanu xusay in
Sanaaduuqda loo keenay laga dhex arkayo Waraaqaha codaynta marka
lagu rido (Sanaaduuq Muraay a d ah).
“Qaybtan na soo gaadhay waa qaybtii ugu horreysay qalabka doorashada,
isla markaana waa qalab casri ah oo tayadiisu aad u sarrayso, oo
shirkadda Qandaraaska qaadatay ay ka soo iibisay magaalada
Copanhegan ee dalka Denmark. Qaybaha qalabka doorashada ka hadhsani
waxay noo imanayaan maalmaha soo socda, si is daba-joog ah ayaana
qala bkaas loo keenayaa illaa inta laga soo dhamaystirayo.
Waxyaabaha hadhay waxa ka mid ah, Waraaqihii codaynta, kaadhaddkii
lagu beddalayay kaadhadkii hore ee diiwaangelinta, khadkii
codbixiyayaasha lagu calaamadinayay iyo noocyo kale oo badan oo ka
mid ah qalabka aannu sugayno, si dhakhso ahna waa loo keenayaa
qalabkaas,” ayuu yidhi; Md. Cabdiraxmaan Dixood.
Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa maalintii la kala saxeexday
xeerka anshaxa caddeeyey in doorashada madaxatooyadda Somaliland ay
dalka ka dhici doonto bisha June ee sannadkan 2010.
Source:Somalilandorg
|