Madaxda Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamaanka kaga jira Gobolka Gabiley oo Munaasibad qado sharafeed ah u sameeyay 21-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Gabilay

 


Munaasibadaasi qado sharafeedka ah oo ka dhacday hottel maan-soor ee magaalada Har geysa ayaa.....daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN)- Madaxda xukuumada iyo golayaasha baarlamanka kaga jira gobolka Gabil ey ayaa maanta munaasibad qado sharafeed ah u sameeyay 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka degmeda gabiley oo uu hogaaminayo maayarkoodu.

Munaasibadaasi qado sharafeedka ah oo ka dhacday hottel maan-soor ee magaalada Harg eysa ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland C/casiis max amed samaale, wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta abiib diiriye nuur, agaasi maha guud ee wasaarada ganacsiga abiib Axmed, xildhibaan c/laahi xuseen cige (Black), xildhibaan ibraahim axmed haybe, xildhibaan xasan cawaale caynaan, xildhibaan bashiiir xuseen tukaale, xildhibaan cali gabiley oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland, badhasa abka gobolka gabiley axmed cali-nuur, maayirkii hore ee degmeda gabiley axmed muxumed qaalib (axmed samir) xoghayaha dawlada hoose ee degmeda gabiley c/raxmaan nuur abokor, badhasaab ku xigeenka gobolka gabiley cali Case, iyo 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka degmeda gabiley.

Ugu Horayn Waxaa Munaasibadaasi Hadalo Kasoo Jeediyey Xildhibaan C/Laahi Xuseen Cige (Black) Isaga Oo 21-Ka Xildhibaan Kula Dar-Daarmay Inaanay Noqonin Kuwo Golaha Deegaanka Gabiley Ka Shaqaysta Ee Ay Noqdaan Kuwo Daacad Ugu Shaqeeya Dadkoooda, Kuna Dadaalaan Sidii Ay Wax Qabad Muuqda Oo Lagu Faano Uga Samayn Lahaayeen Magaalada Gabiley, Lana Shaqeeyaan Maayarkooda.

Maayarkii hore ee Degmada Gabiley Axmed muxumed qaalib (axmed samir) oo ka hadlay m unaasibadaasi ayaa isaguna sheegay in looga baahan yahay xildhibaanada cusub inay cad aalad ugu shaqeeyaan umadii soo dooratay, waxaanu kula dardaarmay inay sidii ay ugu soo dadaaleen mudadii doorashada iyo si kasii badan ay dadaal dheeraada u sameeyaan.

Waxa isaguna munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Axmed Cali-nuur waxaanu ilaahay uga baryey inuu ilaahay xilka u fududeeyo maadaama oo xilkii iyo masuuliyadii Gabiley ay la wareegayaan inay si cadaalada u maamulaan, noqona kuwii ku kala qayb qaybsama oo ay isku duubnaadaan,

xildhibaan ibraahin Axmed Haybe oo ka mida xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa isa guna hadalo dardaarana halkaasi uga soo jeediyey waxaanu sheegay inay masuuliyada saarani ay tahay mid culus, ka xildhibaan ahaana sheegay ina looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay uga Gudbilahaayeen culayskaa badan ee horyaala maadaamoo bulshada soo dooratay ay uga fadhiyaan inay ogaadaan waxay ku seexdeen iyo waxay ku soo toose en.

Xildhibaan cali axmed yuusuf (Cali Duul-duul) oo ku hadlayey afka 21-ka xildhibaan ee Deg mada Gabiley ayaa madashaasi hadalo kooban kasoo jeediyey waxaanu yidhi “ waxaanu nahay 21 xildhibaan hadii aad wax nala qaban waydaan waxaanu noqon 21 is eryada hadii aad wax nala qabataana waxaanu noqon qaar waxqabta anagana waxaa nalaga sugayaa inaanu kaanu u dooranay mayirka iyo ku xigeenka aanu is garabtaagno oo aanu wax la qab ano” Ayuu yidhi.

wasiirka wasaarada War faafinta iyo wacyi galinta Somaliland ABiib Diiriye Nuur ayaa shee gay inay kulan kan isugu yeedheen 21-ka xildhibaan ujeedadiisu tahay inay is waji bartaan waxaanu intaa ku daray inay wixii dardaarana ee kale maalinta xil wareejinta odhan doona an balse tani ay tahay isbarasho oo kaliya.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Isaguna madashaasi had alo soo dhawayn ah kasoo jeediyay ayaa waxa uu yidhi “waaxaan soo dhaynanaa 19-ka wiil iyo 2-da gabdhood si gaara waxay farxad iigu tahay inay hablo ku jiraan aad baan u jecelahay Golaha deegaanka inay hablo ku jiraan waxaanan idinkula dardaarmayaa 19-kiinaa nin inaad labadaa hablood soo dhawaysaan ixtiraam-taan oo aad talada ka qaadata an waayo habluhu raga way uga naxariis badan yihiin raga waxyaabo badan ilaahay baa u kala sameeyey oo hooyo iyo aabe ayeynu kala nahay ubadkana hooyada iyo aabaha hooy adaa uga baxariis badan munaasibadani waa mid qado ah anagaana jeclaysanay inaanu isugu nimaadno runtii farxad wayna way noo tahay wax is barashada iyo qadada dhaafsiis an may ahayn munaasibadu, waxaa intaa weheliya dardaaran waalid nimo golayaasha dee g anka ee soo baxayna waxa sidoo kale farxad wayn noo ah inay dhalinyaradu ku badan tahay” Ayuu Yidhi.

 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland