Qadaadxiir Qumane muxuu ka yidhi weedhii dhanxiir laba afle. Walee Ina Xaashi cilmi lamaanaa.
 


Waa Ilaahay mahadii kol haddii labaatan sano kadib Dhaxiir bilaabay in uu ku hadlo "broken English" oo safarkii madaxweynaha isaga oo sumad laba aflaynaaya marba si u dhigay. Dhanxiir intaad  Mada xweynaha oo keliya ka hadlayso miyaanad maqalayn khudbadii koobnayd ee Sacad Cali Shire isku lab a rogey madashii Bariga London iyo hoygii SNM-ta.

Aan ku xusuusiyee wuxuu yidhi:"Waxaanu salka u taagi doonaa dawlad distoorku ka sareeyo ee aan ka sareen, dawlad iyo dad u hogaansan sharciga.

Dawlad dadka u adeegta ee aan adeegsan. Dawlad awooda maamulka ku baahisa gobolada, degmoo yinka iyo tuulooyinka. Dawlad ku dhaqanta oo hirgelisa talooyinka ka soo fula tuulooyinka ilaa heer Qaran iyo weliba dhanxiirka oo maashaa alladiisa iyo wagartiisa la mideeyo oo ul iyo diirkeed laga dhi go.

Haddaba waxaanu u baahan nahay dad nala xisaabtama oo aanu la xisaabtano. Waxaanu baahan  na hay dad na saxa markaanu qaldanahay, umma baahnin dadweyne noo sacaba tuma oo hay hayda gura sax iyo qaladba."


Markaan intaa maqlay anna waxaan idhi: "Wallee kii ina Xaashi Cilmi muddo ayuu suke amma madi ah aaye maantuu lammaanaaday, oo golihii wasiirada wehel ku yeeshay."



Dadweynihiina wuxuu yidhi:"Curadaba loo soo dhigayow kaygii dhanxiir laba aflana waxaa la yidhi  dh akhtar baa la geenayaa oo labada af midbaa la tolayaa.Tolow ma wagartaa mise waa maashaa allaa da? Bal adba  ............

 

 

 

 

 

Hamud Duale