Qabsataye wuxuun qabo
 

 

 

 

Wax dhan baad qalwada sare
Qoollaalinaysee
Wax dhan baad qar iyo buur
Qarda-jeex ku maraysee
Kol haddaad qolkii timid
Xaruntii qabweynida
Kursigii qaboobaa
Qac ku siisay badhidii

******

Bal in qaranku hiigsado
Quruumaha adduunyada
Qaxootiga in laga baxo
Qarafaysi naga hadho
Qaraamaadku joogsado
Bal in qalinku meel maro
oo qorigu xero ba’o

******

Qandhadiyo xanuunkiyo
La daweeyo qaaxada
Jahligiyo qulquladaha
Quraafaadka laga baxo
In qaraabakiilkiyo
Qoys-qoyska laga tago
In qabyaalad laga baxo
Qarannimo la aamino

******

Qawad waa belaayee
Quudhsiga in laga baxo
Qaadkiyo wareerkiyo
Talo qaaci lagu jaray
Qayilaadda laga tago

******

Waa qani dalkeennuye
Macdan iyo la qodo dahab
Qof kastaa itaalkii
Wax qabsiga u sara kaco

******

Xeer baaniyaal qoray
Inta loo qabbiranyahay
Qormadeennu weligeed
Qabyo waayi maysee
Hadday laba isqabatana
Qawlkii rasuulkiyo
In Quraanka laga dayo

******

Qalbiyaal is aamina
Isqadarin walaalnimo
Iyo qiime nololeed
Qorma nabada loo helo

******

Qorshahaagi meel mari
Yaanu kaa qallocsamin
Qabsataye wuxuun qabo.

 

Xasan  C. Madar