Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha Beelaha Awdal iyo Salal oo baaq Canbaarayn ah udiray Ugaaska Beesha Gadabuursi oo la sheegay inuu dhagax dhigayo Dekada Lughaya
 

 


Waxay Madaxdhaqameedkani ku baaqeen in la wada dhawro nabada iyo wada deganaashaha


Hargeisa (TNN)-Salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Beelaha wada Dega Gobolada Awdal iyo Salal a yaa kulan balaadhan oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeisa waxay Ka soo saareen Baa q Canbaarayn ah oo u soo jeedinayaan Ugaaska Beesha Makaahiil (Gudo-Buursi) oo la sheegay in uu dhawaan ku soo fool leeyahay Deegaano ka trsan Xeebta Galbeed ee Somaliland, isla markaa na lagu talo jiro inuu dhagax dhigo Dekad Cusub oo laga hir galinayo Magaalada Lughaya, arinata asi oo uu dhawaan ka dhawaajiyay Ugaaska Beesha Makaahiil.

Salaadiinta iyo Cuqaasha Beelaha wada Dega Awdal iyo Salal ,waxay Baaqooda ku sheegeen in a y in badan dhawreen nabad galyada iyo Xasiloonida deegaanadaasi, waxaanay intaasi ku dareen in aanay dhagaha ka furaysan Karin intaa wax ka badan hadalada ka soo yeedhaya Ugaaska Bee sha Makaahiil ee ah inuu dhagax dhigayo Dekada ay yeelato degmada lughaya, taasi oo ay sheeg een in ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana ah mala awaal aan suurto gal ahayn balse ar intan Degmada Lughaya ay khusayso Beelaha Dega.

Dhinaca kale waxay Saladiintani Baaqooda ku sheegeen in ay baaqooda la socodsiiyeen Xukuum ada Somaliland iyo cidda ay khusaysoba, isla markaana ay sheegeen in Ugaasku ku kooban yahay Deegaanada Jiida Borame oo kaliya sidii ay Xukuumadu hore u sheegtay.

Gabo gabadii shirkaasi waxay Madax dhaqameedkani ku baaqeen in la wada dhawro nabada iyo wada deganaashaha, wixii intaasi ka dabeeya waxa ay sheegeen in ay gacan wax kaga qaban do onaan cid kasta oo isku dayda in ay deegaanadaasi fawdo ka abuurto.



-Suldaan Aadan Diiriye Faarah
-Suldaan C/laahi Nuur Xasan
-Caaqil Cali Cumar Boon
-Caaqil Idiris Nuur Sahal
-Aqoonyahay Cismaan Cali Maydhane

 

 

 

 


Cali Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeisa/somaliland