Qaar ka mid ah Ergadii Xalinta Shaqaaqada Ceelbardaale oo Xabsiga la dhigay?
 


Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Laba oday oo ka mid ah Ergadii  dhex dhexaadinta u metelayay gobolka Gabiley xallinta shaqaaqadii deegaanka ceel bardaale ayaa caawa ciidamada booliisku xabsiga u taxaabeen.

Ilaa imika lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay xadhigooda hasa ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay oo la soo xidhiidhay shabakada wararka Longlivesomaliland News caawa cawayskii wax yar uun ka dib markii  labad aasi oday la xidhay ayaa noo sheegay in ay labadaasi kala yihiin: oday Cali Cabdillaahi Xareed (Weerar) iyo oday Aaden Cilmi Ceelaabe

( Aaden Dheere). Waxa wararka aan ka helayno gobolka Gabiley oo lagu kalsoon yahay ay intaa ku dareen in labadaasi oday laga soo kala qabtay Magaalada Kala baydh iyo Gabiley ka dibna loo taxaabay xabsiga dhexe ee Magaalada Gabiley.

Inkasta oo aanu isku daynay in aanu khadka telefoonka kula xidhiidhno masuuliyiinta gobolka si aanu arintaasi faah faahin uga helno, hasa  ahaat ee, taasi nooma ay suurto galin.

Xadhigan labada oday ayaa ku soo beegmay waqti ay xiisada shaqaaqada ceel bardaale aan ilaa imika wax xal ah laga gaadhin. Waxa kale oo arintan lala xidhiidhinaya soo qabasho la’aanta dadkii jidgooyada ka gaystay jidka udhexeeya kalabaydh iyo dilla.


Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Odayaasha kala soco shabakada wararka ee  Longlivesomaliland News



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland