Qaadhaankii
Jaamacada Gabiley Ma Badhasaabka G abiley ayaa
la degay mise Ololaha Xisbiga UDUB ayay
ka dhex raacday?
Tan
iyo markii Gabiley loo macaabay Gobolka 22/03/2008 waxa dadwaynaha
reer gabiley ubaryay waa Cusub oo wakhtigiisa iyo waayihiisaba wata,
waxaana isugu biiray farxada Gobolka oo ay mudo dheer sugayeen, oo
ay u soo mareen dhib iyo dhe ef-ba iyo Maamul Cusub oo qurba
jooga oo xilkii Gobolka loo ma gacaabay, waxaa soo baxay
rajooyin iyo ididiilo horleh oo la ko wsaday Gobolka curdinka
ah iyada oo dadku ka filayaan horum ar iyo Mashaariic wax ku
ool ah, Maamulka Cusub ee Gobolka Gabiley waxay dar dar
galiyeen markii loo magacaabay hawlo badan oo ay ka mid ahayd Gudida
hor umarinta Gobolka oo la dhisay, iyo Qaadhaan ururinta jaamacada
iyo Dhakhtarka Gabiley,waxaanay noqotay Talaabadii ugu horaysay ee
Lagu farxo soona jiidatay qof kasta oo rajo ka qabay in gabiley
horumar gaadho.
wax yar ka dib waxaa uu Madaxayne Rayaale Digreeto ku Amray
Jaamacada Ga biley oo uu Wasiirka Waxbarashda Xasan Gadhwayne
dhagax dhigay,taasi wax ay soo noolaysay rajadii ardaydu ka
qabeen hirgalinta Jaamacada, Badhasabka Gabiley ayaa isaguna kulamo
la yeeshay Maamulka Jaamacada Camuud ee Bora ma, waxaanu kala
hadlay sidii loo hirgalinalaa jaamacada Gabiley Univesity, dad badan
ayaa is waydiinayay Dhagaxdhigaasi armuu noqdaa kii xukuumada
riyaale lagu yaqaanay ee Dhisme aan jirin inta la dhagax dhigo
dabadeeto halkaa lagu ilaawi jiray, wax yar ka dib Badhasaabka
Gabiley Mr.Xabiib waxa uu u ambabaxay Safar dibada ah oo uu ku
sheegay inuu Jaamacada Gabiley qaadhaan ugu raadin ayo,
safarkaasi oo uu ku soo maray wadamo badan oo ka mid ah Qaarada
yurub, halkaasi oo uu kula kulmay jaaliyadaha kala duwan ee ka soo
jeeda gobolka oo balan qaadyo badan uu ka soo sameeyay, ka dib
markii uu soo noqday waxaa uu noo sheegay inay fuliyeen Balanqaadkii
kaliya laba jaaliyadood oo kala ah Jaaliy ada Feland iyo
jaaliyda Woqooyiga swedan, halka wali aan la hubin inay oofiyeen
Balantii jaaliyadaha kale. Gudoomiya Xabiib waxa uu Saxaafada lab
jeer ka shee gay in la dhamaystirayo Jaamacada Gabiley iyo
Dugsiga caafimaadka lagu barto Dabayaaqadii sanadkii 2008 ilaa
horaantii 2009, isaga oo waliba ku daray in ard ayda sanadkan
ka baxaysay Dugsiyada Sare la bilaaban doonaan Waxbarashad
ooda iyaga oo ku qaadanaya Gabiley University.
Hadaba waxaa is waydiin leh Maxaa hakiyay Firficoonidii iyo
dardartii cusbayd ee loo hayay Hawlaha horumarka Gobolka? Mise
qofkii Xukuumada riyaale ku biira maalintaasi ayaa runta ugu
danbaysa? Maamulka Gobolka Gabiley waxa uu ku fashilmay arinta
Dhismaha Jaamacada Gobolka, waxa ay dhawaan ka bilaabeen magaalada
arabsiyo Xaflada kale oo qaadhaan ururinta jaamacada loogu magac
daray, ma garanayo in Ololaha udub Qaadhaanka loo ururinayo iyo in
jaamacad loo ururinayo, waayo waxaa isku dhex milmay hawlihii Danta
guud iyo Dantii gaa rka ahayd ee raali Galinta Xukuumada
Rayaale. Qaadhaan ururintaa danbe ee dalka laga sameeyay Waxaa la
filayay inay daboosha baahiyaha Aasaasiga ah ee Gundhiga jaamacada,
si,aanay ardayda Sanadkan baxaysaa uga hadhin san ad
dugsiyeedkooda, oo ay ku qaataan Gabiley University.
Balse waxaa dhabar jab ku noqotay dadwaynaha reer Gabiley Maamulkii
Gobolka oo ku mashquulay ololaha udub ku kaliyaysatay, oo maalin
walba ku hawlan sidii ay usoo ururin lahaayeen dhalinyaro ay ku
raali galinayaan Daahir riyaale oo ay leeyihiin Waxay ka soo bexeen
xisbiga kulmiye oo noqotay Mashruuca ugu wayn ee Amaanta laga
kasbado Madaxtooyada Somaliland, Taasi oo ay ku tartamaan Maamulka
gobolka iyo Golaha deegaanka, halka uu Badhasaabku bilad sharaf
ka ga qaato Hawlaha kala jabinta axsaabta mucaaridka ah. waxaa kale
oo uu Ma d axtooyada u hayaa Hawlo badan oo ay ugu wayntahay
danta Gaarka ah ee raali galisa Madaxwayne Riyaale iyo Marwadiisa
koowaad Huda Barkhad aadan, Hadii aan tusaale Gaaban ku soo qaato,
Isu soo Bixii kulmiye ee gabiley waxa uu isu dayay inuu baajiyo,
isaga oo dib uriixay hal maalin,balse aanay usuuro galin in uu
baaqdo isu soo baxaasi oo laga sameeyay dhamaan Gobolada iyo
Degmooyinka Somaliland, iyada oo loo diiday inay lagu qabto
fagaaraha khayrida oo kaliya loo ogolyahay xisbul xaakimka udub iyo
Cid si gaar ah utaageeraysa Daahir riyaale, waxaanay ku qabteen
Munaasabadii isu soo baxaasi Xarunta Dhexe ee Xisbiga kulmiye uu ku
leeyahay Gabiley.
Isla markii uu bilaabmay Banaanbaxyada xisbiga mucaaridka ah ee
kulmiye kaga soo horjeedo Diiwaan galin la,aanta doorashooyinka iyo
Go,aamadii Komishanka ayaa waxaa uu bilaabay Badhsaabku inuu u kuur
galo Bal waxa ay mucaaridka ka kala hadlayaan Dadwaynaha reer
gabiley,Waxaa uu dhuumasho ku soo galay Farmasi ka soo horjeeda
Xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye oo ahayd barta lagu qabanayo isu
soo baxa masuuliyiintuna ay kala hadlayaan dadwaynaha, waxaa na uu
ka dhagaysanayay khubadaha kala duwan ee ay halkaasi uga jeedinayaan
masuuliyiinta kulmiye dadwayne-ha reer gabiley, Banaan baxaasi waxaa
uu ka mid ahaa Banaan baxyadii ugu waawaynaa ee Abid ka dhaca
Gabiley, waxaana Goob joog ahaa Gudoomiye, ku xigeenka koowaad ee
Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Abiib
Timacad, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, C/laahi Xuseen Cige (C/laahi
Black) iyo Masuuliyiin tiro badan oo magac wayn ku leh xisbiga
kulmiye, Badhasaabku waxa kala waynayd dadkii daawana yay sida
foosha xunleh ee uu ukhaawisayay Madaxda kulmiye iyo
Banaanbaxy ada dadwaynuhu kaga soo horjeedaan xukuumada sirdoonka
uyahay, Danta ga arka ee uu ku raali galinayo Madaxwayne
rayaale.
Waxaa iswaydiin Mudan in la ogaado halka sartu ka qudhuntay? Dad
badan ayaa Aaminsan in Xabiib loo keenay Gobolka in uu wiiqo Awooda
baaxada leh ee Muca aridku ku leeyihiin Gabiley, taasi oo
tusaale kuugu filan talaabooyinka bilawga u ah Hawlaha loo igmaday
oo uu ku talaabsaday, isaga oo ay dadku aaminsanaa yeen inuu
wax wayn kusoo kordhin karo gobolka, laakiin aan laga filayn inta
dhal inyaro lasoo ururiyo inuu yidhaahdo arinta ceelbardaale reer
gabiley baa ku qal dan, awdalna sax ayay ku taagantahay.
Waxaan kula dardaarmayaa Maamulka Gobolka Gaar ahaana Badhsaabka
inaanu ka dooran Masiirka umada iyo Karaamada uu ku dhex lahaa,
raali Galinta shakhsi dan gaar ah loo fulinayo iyo Xisbiga taagta
daran ee taageerada looga raadina yo Gabiley, Arinta
jaamacadan waxaan leeyahay, Hadii Daacad laga yahay in Gabiley loo
dhiso jaamacad aan Kolba cid ku qaadhaaman, balse hadii anay jirin
cid dan gaar ah ka wadata arintaasi, Dugsiga Hoose ee ka dhisan
Gabiley magaa lada korkeeda oo aanay cidi ku jirin wakhti
xaadirkan in la dhamaystiro dhismi hiisa halka laga bilaabayo
sees Cusub oo kale, somaliladu waxay tidhaa “Dani waa seeto” waxaa
muhiima in horta waxaad haysato aad wax ku darsado oo la qabyo tiro,
waa hadii la doonayo in dadka wax sax ah loo sheego oo aan la marin
habaabin. Hadii kale waxay noqon doontaa dhakhtarkii Gabiley ee
Marka ololuhu soo dhawaado Marwada madaxwayne riyaale kolba inyar ku
dari jirtay,Qurba jooga iyagana waxaan odhon lahaa Hadii ay daacad
idinka tahay inaad dadkiina wax uqabataan usamaystay Gudi ka madax
badanaan siyaasad ku sheegta Som aliland ragaadisay oo
usmaystay Dad daacad ka ah Danta guud iyo masiirka umada Somaliland.
Wa bilaahi Tawfiiq
Nimco Muxumed
Ibraahin
qaali540@hotmail.com
Hargeisa Somaliland |
|