Professor Axmed Ismail Samatar oo ku tilmaamay dadka reer Somalia ” Dadka ugu caqliga xun adduunka “

 


 

Waxaa Magaalada Djibouti bishan September dhammaadkeeda 2010 ka dhici doona shir ay  is kugu imanayaan Aqoon yahanno , Siyaasiyiin , iyo wax garad Somaliya oo ka kala imanaya  ad duunka. Shirkaas oo ay maal galinayaan Kuwait iyo Dawlado Carbeed waxyaalaha lagaga hadli doonaa waxaa kamida 4-tan qodob.

1 . in halkaa lagaga dhawaaqo in Dawladda Sheikh shariif fashilantay loona baahan yahay in Dawlad Cusub loo soo dhiso Somalia

2 . in dawladda cusub ee Somalia loo soo raro Somaliland, Somalilanders gacantana laga geliyo dawladda Somalia guud ahaanba

3 . in Caasimadda Somalia laga dhigo Hargeisa kadibna dhammaan Hay’adaha iyo Safaaradaha adduunka la dejiyo Somaliland

4 . kadib in Somaliland Caalamku dib ugu soo dhiso lacag dhan $ 600 oo milyan oo doolar

Shirkan waxaa maal galinaya dawladaha Carbeed gaar ahaan dawladda Kuwait . Warar  xogog ogaal ah oo laga soo xigtay aqoon yahan ka qayb galaya shirkaasi wuxuu sheegay in qaban  qaabada shirkaasi soo socday muddo dheer . Warar kale oo xogogaalihina waxay cadeeyeen in Dawlado kale oo Carbeed ay iskood u maalgalinayaan siyaasiyiin Somaaliyeed sidii xilka ay ugala wareegi lahaayeen Sheikh shariif.

Ujeedada Shirkan oo ahayd ” Counter Strategic ” Qorshe ku wajahan doorashada Somaliland waxaa loogu talo galay in rayiga Caalamka lagu mashquuliyo si looga sii jeediyo Caalamka  Ictir aafka Somaliland haddii doorasho xaq iyo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland oo soo dhaweyn  kar ta Ictiraafka Somaliland. Qabanqaabada shirkaasina wuxuu ka bilaabmay dalka Maraykanka.

Aqoon yahanada dejiyey qorshaha shirkan
waxaa ka mida Professor Axmed iyo Cabdi Ismaciil Samatar , Professor Afyare Abdi Elmi oo wax ka dhiga Qatar University, Prof Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya , Siyaasiyiin iyo aqoon yahano kaloo badan oo ka soo jeeda Somaliya kuna nool qurbaha. Waxay qorshahoodaa u ban dhigeen , Maraykanka , Ingiriiska, Europe , UN-ta iyo dawladaha Carbeed. Qodobka ugu muhiimsan ee ay ku  andicoon ayeen nimankaa aqoon yahannadu wuxuu ahaa in dawladda Somalia ay fashilantay , sida  kali ya ee Somalia dawlad loogu dhisi karaana ay tahay in Dawladda Somalia guud ahaanba  gaca nta loo geliyo Somaliland , Somaliland-na Caalamku dib u soo dhiso , Caasimadda Somaliyana laga dhigo Hargeisa. Hase ahaatee qorshahaasi wuxuu noqday mid u cuntami Waayey  dham maan dawladaha reer Galbeedka , hase yeeshee waxaa qorshahaa qaatay Qaar ka mida  dawl adaha Carbeed oo ay ka mid yihiin Sudan , Masar , Qatar , Kuwait iyo Saudi Arabia oo ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland. Taas ayaana keentay inay bixiyaan lacagta ku baxaysa shirkaa la filayo inuu ka dhaco Djibouti oo ahayd halkii markii hore lagu soo dhisay dawladda Sheekh Shariif iyo kuwii ka horeeyeyba

Waxaa jirtay in Jariiradda Alsharq Awsad ee Afka Carabiga kaga soo baxda Magaalada  Lond on ay qortay ” Secret Memo ” Warqad sira 01.08.2010 oo ku saabsan wada hadalkii uu la  ye eshay Sheekh Shariif Madaxda Carabta Bishii July 2010 iyo wixii lagula taliyey oo ahayd inuu si sira isaga oo aan ogaysiin dawladaha reer Galbeedka ula heshiiyo Jabhadaha Islaamiyiinta ee dagaalka kawada Somaliya , maadaama aanay jabhadahaasi aamini karin dawladaha reer  Gal beedka , Saudi Arabiya , Sudan , Masar iyo Qatar-na ay dawladda Sheekh Shariif ka  caawiya an heshiiskaa . Waxaa kale oo taladaa ka mid ahayd in Madaxweyne Sheekh shariif faraha ka qaado Somaliland Dawladaha ay xidhiidhka wanaagsan la leedahay oo la tuhunsan yahay inay ka mid tahay dawladda Ingiriisku , oo Sheekh Shariif cabasho iyo walaac ka muujiyey  xidhiidh ka wanaagsan ee sii xoogaysanaya ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kadib doorashadii Somaliland oo Ingiriisku gacan weyn ka geystay.

Waxaa jirtay bishan an soo dhaafnay in Masuulka cusub ee UN-tu u soo magacawday Arimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga uu Nairobi kaga dhawaaqay in Xafiisyadii UN-ta ee  Ari maha Somalia qaabilsanaa loo soo rari doono Puntland iyo Somaliland , qorshahaas oo la  tuh unsan yahay inuu dabada ku hayo waano UN-tu ka heshay aqoon yahannada qabanqaabinaya shirka dhawaan ka dhici doona Djibouti .

Professor Axmed Ismail Samatar oo muddo saddex sano ka hor ku tilmaamay dad reer Somalia ” dadka Ibn-Aadenka ugu caqli xun ” ayaa maanta ah ninka Arimaha Somalia gacanta ku haya oo ay ku kaliftay ka soo horjeedka Somaliland uu ka soo horjeedo. Shir ka dhacay Magaalada London 3 sano ka hor ,oo uu soo qabanqaabiyey SOAS ” School of Oriental and African Studies , London University oo lagu qabtay Khalili Theatre , oo lagaga hadlayey waxyeeladii Ciidamada Ethiopian-ku u geysteen Somalia markii Ethiopian-ku ay soo galeen Magaalada Mugadisho , Wariyihii hore ee Wakaaladda Reuters-na uu ku soo bandhigay sawiro naxdin leh oo uu  qaad ay markii Ethiopian-ku sida xun u duqaynayeen Magaalada Mugadisho , Professor Axmed  Ism ail-na lagu casuumay inuu khudbad shirkaa ka jeediyo, ayuu Professor Axmed si xun ugu  afla gaadeeyey , dadka reer Somalia , Jendayi Frazer xoghayihii hore ee Arimaha Africa u  qaabil sanayd Maraykanka iyo Somaliland-ba. waxaanu yidhi ” Maan aqoon dadka reer Somalia barigii hore waxaanse bartay intii danbe ee aan shirarka la yeelanayey , waxaan ka geyn waayey inay yihiin dadka adduunka ugu caqli xun . Kadib gabadh Somaliyeed oo halkaa fadhiday ayaa weydiisay Suaal ahayd ” waayo ” ?

Waxaanu ugu jawaabay , Suaal ayey ku weydiinayaan , adoon tii uga jawaabin ayey mid kale ku weydiinayaan , waxaa dhici karta iyada oo aanad midnaba uga jawaabin inay mid  saddex aad ku weydiiyaan , markaa markaan u fiirsaday waxaan is idhi maskaxdoodu sida saxda ah ee dadka adduunku u fakaro uma shaqaynayso oo ah tan ku keentay dhibaatada maanta  hays ata.


Professor Axmed wuxuu aflagaadeeyey oo kale Jendayi Frazer ” Waxaanu yidhi ” haddaan  sh ahaadad aqoonta ah siin lahaa Jendayi Frazer waxaan siin lahaa darajada C waayo waan  aq aanaa oo maaha qof aqoon wanaagsan leh shakhsiyan. Kadib wuxuu wax ka sheegay  Somalil and waxaanu yidhi ” Maaha in dadka lagu qasbo inay ka go’aan Somalia ee waa in la weydiiyaa ” . Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahano badan oo reer Europe-ba , Wariyaal iyo Siyaasiyiin badan , waxaa si weyn looga biyo diiday sida aan ixtiraamka lahayn ee Professor Axmed faalada uga bixiyey dadkaa , Cedric Barnes oo ka socday Wasaaradda Arimaha  dibad da ee Ingiriiska ayaa wuxuu Professor Axmed ugu jawaabay, haddaad reer Somalia tihiin  ma aha inaad Somaliland wax ka sheegtaane waa inaad kaga dayataan wanaaga Somaliland ku dhaqanto.

Waxaa hubaala in aanay lacag dawlado Carbeed bixiyaan ama Qorshe dhowr Professor soo samaystaan aanay waxba ka qaban karin dhibaatada Somalia illaa xalku ka yimaad Somaalida dhexdeeda. haddase Somalia waxay noqotay ” reer ba’ow ayaa kule ” in nin aan u dhalan iyo dawlado shisheeye Somalia ay ka dhigtaan Carwo kolba dal shisheeye shir loogu qabto si  qofk aasi ama dalkaasi ugu fushado dan gaara.

Waxaa wax laga xumaado ah in Caalamku wali is diidsiinayo xal u helidda wixii dhaliyey  dhibaat ada Somalia oo ahayd dagaalkii Somalilanders-ka iyo dawladdii Somalia oo ah xididka uu ka soo unkamay xanuumka Somaalia hayaa maanta. Nabad iyo degenaanshana kama dhalan karaan Geeska Africa inta Caalamku iska indha tirayo qadiyadda Somaliland , Somaliyana waxay ahaan doonta Carwo kolba qofkii ama dawladdi Magacdoonaysaa adduunka u soo baddhigo  dhibaata da dadka Somaliyeed haysata sida xukuumadda Djibouti ama dawladaha IGAD.

Waxaa hubaala in aanay dawladaha Carbeed waxba yeeli karin Somaliland, lahayna awood  siy aasadeed oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka holcaya dalalka Carbeed dhexdooda iyo guud ahaanba Caalamka Islaamka oo aan ahayn lacag yar oo ay ku laaluushaan koox yar oo dan  ga ara wadata , taasina ay keento inay sii huriso dhibaatooyinka ka dhex jira dhammaan  dawla daha Islaamka. Yemen , Saudi Arabiya , Libya , Masar iyo dhammaan dawladaha Carbeed  wax aa maanta ku dhexnool boqollaal kun oo Qaxooti Somaliya oo dumar iyo Carruur u badan,  gaaj ana ugu dhex dhimanaya Wadanadaa. Waxaanu Caalamku ka dheregsan yahay kufsiga ,dilka, Mastaafuriska iyo dhaca ay Carabtu ku hayaan dadkaa Somaaliyeed ee ku dhibaataysan  dal alkaa Carbeed.

Professor Axmed Ismail Samatar waxaa u suurta gashay inuu afhayeen u noqdo Somalia oo  a anu u dhalan , haddaba waxaa isweydiin leh ; maye Professors , Aqoonyahannadii, Siyaasiyii ntii, Saraakiishii iyo wax garadkii u dhashay Somalia?. Waxaa iman doonta maalin ay dadka  re er Somalia fahmaan ujeedada uu Axmed Ismail Samatar uga duday dalkiisii hooyo iyo halkuu ka dhashay oo aanay fahansanayn maanta , haddase wuxuu ka qab qaadanayaa Somalia oo  noq otay ” Nin buka boqol u talisay “.

Sannadka waxaa loo diyaar garoobayaa Maabka cusub ee Geeska Africa , wiigan waxaa  add uunka loo soo bandhigay balaankii ” Rhino City ” Caasimadda Jamhuuriyadda cusub ” Republic of Southern Sudan oo la filayo in ay dhalato Jan 2011 , Eritrea way xorawday , Bishan waxaa kale oo la soo afjaray dagaalkii 30 sano usoo dhaxeeyey Jabhada Somali-galbeed iyo Ethiopia , Somaliland iyo Somaliyana waxaa hubaala in aanay fogayn inay sidoodii ku soo noqdaan , laba dal oo walaalo ah oo jaara sidii boqollaalka sanoba ay soo ayahd.

 

 

 

 

Qalinkii : Dr Mohamed Abdo
Kensington & Chelsea , London , UK
mohamed-abdo@hotmail.co.uk