PROF BUUBAA IYO WAFTI XILDHIBAANO AH OO UU
HOGAAMINAYO OO SOMALILAND IMANAYA

Ismaaciil
Hurre Buubaa oo ka mid ah Xildhibaannada Dawladda Soomaal iya, isla
markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheega y in
isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ka mid ah Xildhibaannada
Dawl adda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya, ay dhawaan imanayaan oo
ay ku soo fool leeyihiin Somaliland. Waxaanu ka war bixiyay ujeedada
Socdaalkooda iyo magacyada qaar ka mid ah Weftiga uu hoggaaminayo.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ee
dalka Kenya uu Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka xalay Waraysi kula
yees hay, waxa uu sheegay in Weftiga Xildhibaannada ah ee uu ka mid
ka yah ay, isla markaana Somaliland imanayaa ay ka kooban yihiin
Xildhibaan nada Baarlamaanka Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee
Soomaaliya ku jira ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo
Puntland. Waxaanu ku dheeraaday ujeedada socdaalkoodan, isaga oo
sheegay in ay xidhiidh la soo sameeyeen Dawladda Somaliland, isla
markaana hawlaha ay u socda an ay ka mid tahay xallinta khilaafka
Juquraafiyadeed ee Gobollada Sool iyo Sanaag ee
Somaliland iyo
Puntland.
Waraysigaas uu Wargeyska Ogaal la yeeshay Ismaaciil Hurre Buubaa oo
dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan;
Ogaal: Waxa nagu maqaalo ah in Adiga iyo Wefti aad hoggaaminaysaa
imanaysaan Somaliland, arrintaa maxaa ka jira?
Buubaa: Haa way jirtaa oo waan imanayaa, waxaananu jeclaan lahayn in
aanu ku nimaadno habka ugu habboon. Waxa jirta Warqad aanu u qorn ay
Ahmedou Ould-Abdallah (Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan
Somalia) oo aannu kaga hadlayno arrinta Somaliland iyo Puntland,
Anaga oo Lix Xildhibaan ah, saddex Somaliland ah iyo saddex Puntland
ah.
Ogaal: Waxa kale oo na soo gaadhay in Axadda aad imanaysaan Somalila
nd Adiga iyo Xildhibaano kale, arrintaasi ma jirtaa?
Buubaa: Haa, waxa weeye Xildhibaannada ugu yaraan Aniga, Cabdalle X.
Cali, Cali X. Maxmauud (Cali-Baashe) nin la yidhaahdo, Caydiid
Cabdilaahi Ilko-xanaf iyo Nin Cali Ismaaciil Cabdi-giir la yidhaahdo.
Sidaas ayaanu je cel nahay in aanu ku nimaadno. Laakiin
waxaanu jeclaan lahayn oo aanu doonaynaa in aanu Caalamka ka
dhaadhicin in loo soo jeesto dhinaca So maliland, balse waxaan
rejaynayaa in Maamulka Somaliland-na uu arri maha wax debciyo
oo Anaga oo wada socona aanu nimaadno. Wixii qayn uunka
Somaliland odhanayo diyaar baanu u nahay in aanu marno, maba joogno
hadda Xamar, mawqifkayagana waad arki doontaan.
Ogaal: Markaa taa macnaheedu ma waxa weeye in mawqifkiinii is-bedelay
oo aad hadda u ololaynaysaan sidii Caalamka aad ugu soo jeedin
lahaydeen dhinaca Somaliland?
Buubaa: Haa, waxaanu u ololaynaynaa in dhinaca Somaliland loo soo
jeesto iyo in xagga Puntland loo soo jeesto. In la dhammeeyo
dhibaatooyinka arrinta Sool iyo Sanaag la dhammeeyo oo si xoog ah
arrintaa Siyaasadda Somaliland si firfircoon uga hawl gasho. Xagga
Caalamkana waxaanu rabnaa, Somaliland iyo Puntland haddaan wax loo
qaban oo aan Mashaariic ka dhicin, dadka Koonfur isku haystaa waxay
dunida ku odhanayaan, kuwaaba (Somaliland & Puntland) waxba looma
qabane, maxay dunidu naga doonayaan. Markaas Anaga waxay nala tahay
iyada oo sideedabana hadday Hargeysa, Burco iyo dhinacan Puntland-ba
camiran yihiin oo ay wada shaqaynayaan, dee dadka Soomaalida ahi
Badda iskumay daadiyeen ee way u soo shaqo tegi lahaayeen,
Caalamkana dhibaatada badan ee ka haysata dhinaca Budhcad-Badeedda
iyo waxan may dhaceen. Markaa waxaanu aragnaa inay lagama-maarmaan
tahay in dhinaca dadka Somaliland-na ay dan iyo manfacad u tahay,
tusaale-na ay u tahay Soomaali oo dhan dejinta dhibta ka taagan
Koonfurta iyo bartamaha waddankana door ka qaadan lahayd oo haddii
dhinacaa (Somaliland & Puntland) la camiro, waddanku wuu iska wada
degi lahaa.
Ogaal: Dawladda wax xidhiidha ma la soo samayseen, goormaase laga
yaabaa inaad Somaliland timaaddaan?
Buubaa: Wey jiraan xidhiidho aan la soo sameeyay Masuuliyiinta
(Somaliland) qaarkood, hase ahaatee, ma jecli arrintaa wax tafaasiil
ah oo intaa ka badan aan ka sii bixiyo. Laakiinse, waxaan jeclaan
lahaa inay suurtogal noqoto in aanu nimaadno, xaggan Laascaanood
qudheeda waxaanu jecelnahay in aanu gaadhno, sababtoo ah waxa jira
Caleemo-saar Garaad Ismaaciil. Markaa maaha in aanu meeshan uun
fadhino ee waxaanu doonaynaa oo aanu jecel nahay in aanu ka qayb
qaadano dib-u-dhiska waddanka oo dhan, khaasatan nin (Weftiga la
socda) waliba dhinaca uu ka yimi. Qolada Puntland sida aanu u
jecelnahay in Somaliland la dhiso, ayay iyaguna u jecel yihiin in
Puntland la dhiso, waxaananu labadayaduba isku waafaqsanahay wixii
dhibaatooyin ah ee jira in si nabad ah lagu xalliyo oo waddanku fur-furmo.
Ogaal: Ilaa hadda dadka aad la xidhiidheen iyo Warqadda aad u
qorteen Ahmedou Ould-Abdallah, maxaad ku sheegteen?
Buubaa: Waxaanu ku sheegnay in marka hore aanu ka xunahay dhibta ka
taagan ee haysata Dawladdii dhexe eek u-meel-gaadhka ah (Sooma
aliya) iyo qoladan Xag-jirka ah ee laga ladi la’yahay. Waxaananu ku
boo rinay in Caalamku caawiyo dawladdaas, balse waxaanu ku nidhi,
arrimaha halkaa ka socdaa waxa laga yaabaa in ay dhibaato weyn ka
samayso waddanka oo dhan, aadna waanu uga welwelsanahay dhinaca
Somaliland iyo dhinaca Puntland in qalalaasahaasi u tallaabo. Sidaas
aawadeed, kolka horeba waxa loo baahan yahay Somaliland iyo Puntland
inay arkaan dhibaatada ku soo socota oo ay ka gaashaantaan oo
dhinaca nabadgelyada oo kale iska caawiyaan, dhinaca dhismaha iyo
dib-u-dhiska Waddankana, gaar ahaan dhinaca bariga (Somaliland) oo
aad mooddo in aan waxba laga qaban, wax laga qabto, dhinaca Sool iyo
Sanaag-na la xalliyo. Waxa kale oo aanu doonaynaa in istiraatajiyad
midaysan ay ku heshiiyaan Puntland iyo Somaliland, isla markaana ay
ka shaqeeyaan in aanay dhibaatada dhinaca Koonfurta Soomaaliya
joogtaa aanay iman iyo inay iyaga oo wada-jir ah wax ka qabtaan
dhibaatadaa jirta, Caalamkuna uu u soo jeesto dhinaca Somaliland oo
wax lala qabto oo wax lala dhiso. Taas ayaanu u aragnaa inay jawaab
muhiim ah oo Caalamka ka imanaysa ay u noqonayso sidii loo soo
af-jari lahaa dhibaatooyinkaas.
Ogaal: Siyaasi ahaan, ma filaysaa in Dawladda Shariif Sh. Axmed ay
ka samata-bixi doonto qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya
ee lagula jiro?
Buubaa: Wallaahi aad baanu uga welwelsanahay, waanad mooddaa,
Waraaqda aanu Ould Abdallah (Ergayga Qaramada Midoobay) aanu u
qornayna waxaanu ku nidhi, waxa aad mooddaa Xamar, koonfurta iyo
bartamaha Waddankaba in Nimanka Xag-jirka ahi ay leeyihiin Gacanta
sare, haddaan waddanka loo soo gurman-na ay suurtogal tahay in
Waddanku gacanta u galo nimankaas.
Ogaal: Arrinta Sool ee aad isla eegteen idinku ka Xildhibaanno ahaan,
ma waxa jira xal aad haysaan oo aad ku dhexdhexaadinaysaan
Somaliland iyo Puntland oo ay arrinta Sool ku dhammayn karayaan?
Buubaa: Wallaahi Anagu wax allaala iyo wixii nalooga baahdo hadday
tahay u-kala-dab-qaad, isku soo dhawayn, dhinacyada
Madax-dhaqameedka, isu-soo-jiidista dhinacyada kala duwan ee Sool
iyo Sanaag dhexdeeda iyo Somaliland inteeda kale iyo dhinaca
Puntland. Waxa jira Urur la yidhaahdo Center for Humanitarian
Dialogue oo qudheeda arrintaa aanu kala hadalnay oo aad u soo
dhaweeyey sidii arrintaa loo maarayn lahaa ee laysugu soo dhawayn
lahaa in aanu ka shaqayno diyaar baanu u nahay iyo in aanu ka
caawino Maamullada Somaliland iyo ka Puntland-ba sidii qaybaha kala
duwan ee Dunida ee wax ka qabta arrintaas aanu ugu soo xidhi lahayn
ee aanu uga shaqayn lahayn. Laakiinse, waxa weeye in lagu baraarugo
arrintaas oo xal la raadiyo ayaanu jecelnahay, sababtoo ah
Dib-u-dhiska dalka ayay hor taagan tahay, dee dad badan baa ku
marmarsoonaya khalkhalka halkaa (Soomaaliya) ka jira aawadeed
baananu ugu tegi karayn Waddanka oo aananu waxba ka qaban karayn.
Ogaal: Tiradiina guud ee Weftigan Somaliland imanaya waa imisa
Xildhibaan?
Buubaa: Wallaahi runtii Xildhibaano faro badan baa jeclaan lahaa
inay yimaadaan hadday suurtogal tahay oo wax allaaliyo waxa
Somaliland ka soo jeeda oo dhami nin aan jeclayn ma jirto in uu
yimaaddo, laakiinse waanu ogsoonahay dhibaatooyinka jira iyo sida uu
qaynuunku arrimahaas (ku-biirista TFG) uga soo horjeeday, waxaananu
jecelnahay in arrimahaa la dabciyo. Kolka dambena Dawladda
Somaliland ciddii ay aragto ee danaheeda ka hor imanaya ay ka joojin
karto inay qayb ka noqon karaan Baarlamaanka, waanu ogsoonahay
rabitaanka Siyaasadeed ee dadka Somaliland. laakiinse, waxaanu
leenahay waar arrintu siday ku hagaagaysaa waxa weeye in
Waddooyinkii Dibloomaasiyadda ee aad mooddo inay xidh-xidhmeen la
fur-furo. Taasna waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadano oo
Somaliland wax allaale wixii laga qabanayo aanu sahlino.
Ogaal: Markaa ma idinka oo rabitaanka Shacabka ku shaqaynaya ayaad
doonaysaan in aad Dawladda Somaliland wax kala qabataan dhinaca
Dibloomaasiyadda?
Buubaa: Horta, sideedaba Anagu rabitaanka dadka ixtiraam 100% ah
ayaanu u haynaa, rabitaanka dadku waxa ugu dambeeya ee arrini ku
dhammaato weeyaan. Laakiinse, arrintii in loo maro waddooyinkii
rabitaankaasi uu suurtogal ku noqon lahaa, dadkii ay wax ka wada
dhaxeeyeen ee dhibaatadu ay haysatana wax loogu qaban lahaa. Waad
ogsoon tihiin Ereteriya iyo Itoobiya sida arrintoodii ku dhammaatay,
waxay ahayd iyada oo Ereteriya ka soo qayb qaadatay dhibaatooyinkii
ka taagnaa Itoobiya ee Addis-Ababa xorraynteedii ay ka qayb qaateen,
dabadeedna uu Baarlamaankii sidaa ku ogolaaday in laba waddan oo
walaalo ah la wada noqoto. Laakiinse, waxa jira siyaabo ka duwan
Aniga tayda mooyaane wax kale ma jiraan ee arrinta lagu waday.
Balse, sidaan hore u sheegay rabitaanka dadka cidina kama hor iman
karto.
ogaal
|