Policeka South Africa ayaa maanta Qabtay Hub sida la sheegay Loo waday Puntland
 


South Africa (TNN)-Wararka naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Durban ee dalka K/Africa ayaa sheegaya in Booliiska Dalkasi ay qabteen Makhaasiin Buuxa oo hub ah kuwasi oo la waday Wadanka Soomaliya gaar ahaan ciidamo la sheegay in loo tababarayo la dagaalanka kooxaha burcad badeedka.

Booliska ayaa si hoose loogu soo dusiyay guri ku yaala xaafada Westville ee magaalada Durban in lagu haayo hub fara badan, waxana durbadiiba weerar cidka iyo dhulka ah lagu qaaday  gurig aasi lagana helay maqaasiin hubka ah.

Police-ka sida gaarka ah u tabobaran iyo guuto ka tirsan sirdoonka dalkaasi oo ay hor kacayaan raxan eeyo ah ayaa baaritaano kale ka wado gooba kale ee isla magaaladasi oo todobaadkii  las oo dhaafay la sheegay in ay ka kacday dayuurad hub siday.

Afayeen Police-ka u hadlay oo lagu magacaabo Vincent ayaa sheegey in la qabtey 4 naagood iyo hal nin oo guriga loogu tagay, guriga waxaa laga dhex sameeyey xafiisyo laga heley  dukumeen diyo muujinaya xogo badan.

Afhayeenka waxa uu sheegey in baaritana hordhac ah oo la sameeyey uu muujinayo in hubka uu ka yimid jasiirada Malta balse aanan la aqoonin sida uu Koonfur Afrika ku yimid.

Hubka la qabtey ayaa gaaraya 300 oo qori, dhowr qoryahaya toogta fog loogu talogalay, illaa 600 oo rasaas ah, iyo waliba xoqado (soo dhaweyso) iyo juuqlaay (cinjirka qoryaha afka looga xiro ee shubinaya shanqarta dhicista qoriga.

Kolkii hubka la qabanayay waxa uu ku jirey qasnadihii lagu safrayay waxana uu diyaar u ahaa in la daabulo

Baaritaankani waxa uu daba socdey mid horey Police-ka ay u wadeen kadib markii dayuurad  Dur ban ka kacday oo hub sidey ay ka degtey magaalada Hargeysa halkaasoo lagu hayo, labbo  joorn aaliiste oo K/Afrika u dhashay oo dayuuradaasi la socdey ayaa dalka dib ugu soo laabtay  waxaa na la fahamsanyahay in Police-ka ay waraysi la yeesheen wariyeyaashaasi.

Matt Bryden oo ah xariiriyaha gudiga kormeerka cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee  Soom aaliya ayaa todobaadkani booqdey dalka Koonfur Afrika kadib markii uu kasoo laabtay Somaliland oo isagoo indhihiisa kusoo arkay dayuurada hubka u sidey Puntland oo ciidamad u tabobaraysa shirkada lagu magacaabo Saracen International oo uu asaasay calooshiis u shaqayste hore oo Koonfur Afrika u dhashay.

 



Mohamed Deeq Muse Noor (Deeqdarajo)
Cape Town, South Africa