Orodyahanka
Dalka Ingiriiska ee u Dhashay Somailland oo Tartan Orodka 10-ka KM
ah Maanta ku Qabayana Gabiley
Orodyahanka caanka ah ee
tartanada orodada caalamiga ah u safta dalka Ingiriiska Mr. Maxamad
Faarax oo u dhashay dalka Somaliland
, ayaa markii u horreysey soo bandhigey inuu qabanayo tartan orodka
10-ka km ah oo ay ka qeyb qaadan doonaan in kabadan boqol orodyahan
oo ka kala socda labada Gobol ee Maroodi jeex iyo Gabiley.
Wareegan oo sida uu sheegay Mr Maxamed Faarax lagu guddoonsiin doono
tobanka orodyahan ee ugu horeeya kaalinta koowaad abaal marino isugu
jira qalabka ciyaaraha, gaar ahaan orodka iyo qadar lacag ah ayaa
lagu wadaa in uu maanta axada sitoosa uga bilaabmo magaalada Gabiley
ee Xarunta Gobolka Gabiley.
C/risaaq Xasan Bidaar oo ah Xubnaha qurba jooga reer London ee
ciyaaryahanka lasoo abaabuley Tartankan Wareega 10km ah ayaa sheegay
in abaal marinta Orodyahanka Maxamed Faarax ee u dhashey dalkan
Somaliland uu wareegan ugu talagaley ay tahay mid qiimaheedu adag
yahay, taas oo ujeeddadeeduna tahay sidii loogu dhiirrigalin lahaa
dhallinyarada orodka xiiseysa oo mustaqbalka laga yaabo hadii ay
kaalin wanaagsan ka gaadhaan orodka iney dalkooda Somaliland usoo
jiidaan sumcad aad u weyn.
Waa markii labaad ee wareeg Tartanka Orodka 10km ah lagu qabto
Gobolka Gabiley,iyadoo Wareegii kan ka horeeyey lagu qabtey wakhti
imika mudo kooban laga joogo,hase yeshee wuxu wareegani kaga duwan
yahey kaa hore waxa ka mug weyn dhinaca abaal marinada oo kabadan
kuwii hore.
Togdheernews
|