Odayaasha
Xaafadda Jigjiga yar oo walaac ka muujiyay xaalada Amni ee
xaafadaasi oo Faraha ka sii baxaysa

Hargeysa(TNN) Xaafadda Jigjiga yare e magaaladda Hargeysa oo ah
xaafad Ganacsiga Meheradaha ka la duwan ee waaweyni ku fidayaan ayaa
ay dhibaato dhinaca Amaanka ahi soo foodsaartay kadib mar kii ay
xaafadaasi ku sii xoogaysteen dhalinyaro isku dilaysa Kooxo kooxo
kuwaas isweydaarsanaya Ra saas iyo Tooriyo.
Sida ay Waaheen u sheegeen Odayaal ka tirsan xaafadaasi waxa xalay
laga maqlayay badhtmaha wa dada marta xaafadaasi ee u kacda Hotelka
Maansoor Rasaad ay isku Adeegsanayeen kooxahaasi, taa soo sababtay
in Meheradihii Ganacsiga la xidho isla markaana ay dadkii kala
yaacaan, inkasta oo ay ma rkii danbe Ciidamo bilays ahi soo gaadheen
oo ay kala eryeen.
Dhacdadan ayaa ah mid soo jiitamaysay oo xaafadda dhibaato ku haysay
muddooyinkan danbaba wax aanay Odayaasha Xaafadu ku tilmaameen inay
tahay masiibo loo baahan yahay in laga hortago intaa nu khasaaruhu
sii badan. Isla markaana waxa ay codsadeen in loo sameeyo Rug
Booliis oo ku dhextaala xaafadda si looga hortago kooxahaasi.
Marka laga yimaado xaafadaha waxa iyana cabashooyin kale ka
muujinaya dhalinyaradaasi meheradah a kala duwan ee Ganacsi ee
xaafadaasi ku sii badanaya gaar ahaana Hudheelada waaweyn iyo Super
Market-yada kuwaasoo sheegay inay ku hayaan iyaga iyo
macaamiishoodaba dhibaato weyn.
Source:Waaheen
|