Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Hargeysa oo Qodobo ka soo Saaray Xildhibaanadda iska soo sharixi kara Gobolka Maroodi jeex


 

 


Waxaa Isaguna Xafladaasi Hadal kooban Ka Jeediyay Jaamac Hilaac Oo Soo Dhaweeyay Qodobada Shirkaasi


Hargeysa (TNN)- Qaar Kamida Odayaasha Dhaqanka Hargeysa ayaa shir ay kaga arinsan ayeen dadka aan Deegaanka Hargeisa u dhalan ee Iska soo sharaxaya Golayaasha Deegaan ka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa ku qabtay Hotel Crown ee Magaalada hargeysa..

Shirkaasi oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen Madax dhaqameed aad u tiro badan ayaa wax aa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gudiga Beesha Nuux Ismaaciil Md.Cali Xasan Xoore , Caaqil Rash iid Oo Kamida Caaqilada Beesha Ciidagale, Caaqil Maxamed Cabdi Cilmi, Oo Kamida Caaqilada Beelaha Lahayb Sooco, Caaqil Siciid Cabdi Jaamac, Caaqil Xasan Badmaax, Jaamac Hilaac, Chi ef Caaqil Cali Cige Jaamac, Xildhibaan Khadar Axmed Like, Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige, Xildhibaan Jaamac Shabeel,.


Bilowgii Xafladaasi Waxaa Hadal Kooban Kasoo Jeediyay Gudoomiyaha Qaban-Qaabada Shirkan Mr: Cali Xasan Xoore Isaga Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Ujeedada Shirkaasi Sheegayna Inaanu Shirkani Ahayn Kii Koowaad Ee Ay Dhowr Jeer Oo Hore Qabteen Shirar Noocan Oo Kale Ah Waxaana Hadaladisii Kamid Ahaa “Waxaynu Shirarkeenii Hore Iskula Qaadanay Oo Aynu Isla Garanay In Aynu U Sheegno Ururada Siyaasada Hadii Aanu Nahay Reer Hargeisaad In Aan Cid Aan Deegaanka Ahayni Iskasoo Sharixi Karin Hargeisa Sidaa Ayuu Yahay Ajandeheena Aynu Shirkeena Ku Wadanaynaa”.

Caaqil Rashiid Oo Ka Tirsan Caaqilada Beesha Ciida Gale Oo Isaguna Hadal Kooban Xafladaasi Ka Jeediyay ayaa ka hadlay Nuxurka Kulankan Waxaanu Yidhi “Hadii Aan Faahfaahiyo Nuxu rka Ujeedada Kulankani Waa Laba Qodob Uun Qofkuna Inuu Mawduuca Kaboxo Oo Uu Waxa an Mawduuca Ahayn Kahadlaa Maqurux badna Laba Qodob Oo Kaliya Ayaa Ujeedada Kulankan Ee Manta Aynu Iskugu Nimid Ay Tahay Qodobka Kowaad Gudigii Farsamo Ee Soo Qaban Qaabisay Shirkani Waxay Isla Qaateen Oo Ay Doonayaan Inay Shirwaynahan Manta Ka Ansaxsadaan In Lasameeyo 25 Xubnood Oo Odayaala Oo Reer Hargeysaada Oo Horumar inta, Danaha Iyo Arimaha Hargeysa Ka Shaqeeya Waana Sobobtay U Keenayaan Qodobkaa Shirka Si Shirkan Layskugu Yimidna Uu U Ansixiyo Kabacdi Gudi Farsamo Loo Saaro Gudidaasina Ay Soo Xulaan Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Hargeisa Siday Kala Noqonayaan Dabadeedna Gudidaasi Noqoto Tuka Shaqaysa Horumarka Iyo Arimaha Hargeisaad, Qodobka Labaad Gudidii Arintan Soo Qabanqaabisay Waxay Isla Qateen In Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Soo Socda Ay Waajib Tahay In Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Ay Iskasoo Sharaxaan Oo Kaliya Intii Golaha Deegaan Ka Hore Uga Tirsanayd Ama Deegaanka Hargeysa Ahayd Ee Maantaba Golohooda Fadhida” Sidoo Kalena Caaqilku Wuxuu Uga Digay Ururada Siyaasada Ee Dalka Ka Jira Inay Soo Sharaxaan Nin Aandeegaanka Hargeisa U Dhalan.
Waxaa Isaguna Xafladaasi Hadalkooban Ka Jeediyay Jaamac Hilaac Oo Soo Dhaweeyay Qodobada Shirkaasi Lagusoo Bandhigay Kuna Booriyay Inay Ku Soo Daraan Gudiga Xubno Aqoonyahano Ah.
Gebagabadii Xafladaasi Waxaa Hadalo Koob-Kooban Kasoo Jeediyay Xildibaan Khadar Axmed Like, Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige, Iyo Xildhibaan Jaamac Shabeel Oo Dhamaantood Soo Dhaweeyay Nuxurka Shirkaasi Kasoo Baxay.


Odayaasha oo Soo saaray Warsaxaafadeed ay ku sheegayaan Qododbada ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan” Dimuqraadiyadii bilaaban tahay 10 sano ka hor waxay noqotay mid dhiirigalisay dadka reer soomaaliland, tusaalena u noqotay geeskan afrika guulo aad u badan oo is daba jog ah, oo dunidu inagu tixgaliso ayaa ina soo maray. Waaloow hirgalintoodu ay xaasaasi ah aayeen mararka qaarkodna hakad ina galiyeen waxaynu kaga soo gudubnay midnimo,niyad wanaag, iyo isutanaasul saldhigoodu ahaa wadaniyad.


Labaatan sanadood haddii aynu curdin soo ahayn maanta waa inaynu gaashaan qaad noqonaa wixiii naga soo baylahay khasaare yay noqon ee waa inay xisaabta inoo galaan si kale hadii loo dhigo khaladaadkeenii hore waxay inoo noqonayaan waayo aragnimo waayo aragnimona waahanti. Haday noqon waydo waa ayaan daro iyo dib u dhac culus.
Dhacdooyinka baryahan dambe inaga soo fuliyay oo xeerarkeena iyo shuruucdeena raad-xumo wayn kuyeelan kara inaynu iska qancinaa ayaa haboon haddii talaabo dib loo qaaday wixii soo kordhay waa in dadka la fahamsiiyaa.cadaaladana dadkuinuu wadahelo oo kaliya maahee,waa in dadku wada dareemo oo kawada markhaati koco in aynu cadaalad kudhaqmayno horaa loo yidhi nin gunti xumi inuu wax qarsanayaa lamoodaa.


Dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee inasoo maray waxaa kamid ahaa:-

1- Xeerarkii doorashooyinka ee awal ba qabyada ahaa dhamaystir ha joogee waxbaaba kasii dhinmay ama sibuuxda looguma dhaqmo waxaynu ogayn jiho wareer kii inagasoo gaadhay kalareebkii ururada mugdibadan oo sharci oon loo baahnayn ayaa ku gedaaman.


2- Diwaangalintii dadka iyo kaadhadhkii dhalashada waa lalaalay waa wixii kali ahaa ee asxaab ,goleyaal, iyo caalamkuba isla ogolaaday,ee wakhtiga iyo hantida badani kubaxday.dawladan maanta joogtaa waa tay ku sharci garowday. Xaqii muwaadinka iyo xaqii dadka martida ah wax lagu kala saarayaa majiro waa run oo qaladaad (5-10%) qiyaastii ayaa layidhi way kujirikartaa, laakiin wakhti badan ayaynu haysanay oo lagu dhamaystiri karayay waxa dhiman.


3- Xeerkii caasimadu ma dhamaystirna oo hargeysi xeer malaha, wixii ay magaalooyinka kale kaga duwanaan lahayd lama samayn, xuquuqdiidadkacaasimadu yeelan lahaayeen iyo diwaan galintoodii labaduba way maqanyihiin.


4- Markii waxyaabahaa iyo kuwo kale oo badan oo baryahan dhacayay aanu eegnay waxaanu fahmikariwaynay xigmad munaasibad ah oo inagu kalifta in sidaas wax noqdaan anagoo arinka ka eegayna inta nakhusaysa iyo doorashooyinka golaha deegaanka, waxaa halkaa nooga muuqday in aanay kala ridasho meesha kamadhnayn.


5- Golaha deegaanku wuxuu kaduwanyahay goleyaasha kale sida magiciisuba tilmaamayo ,wuxuu khuseeyaa heer gobol ama degmo. Waxaana looga jeedaa intii isku dhan ihiba inay horumarkeeda kawada arinsato. Sida kucad xeerka islaamka gobolada iyo dagmooyinka xeer no:23 xubinta 3-aad, qodobkiisa 11-aad farqada 2-aad ee baahinta awoodaha islaamka,degmo kasta waxaa ku waajib ah inay suurto galiso hanashada adeeegyo bulsho iyo dhaqaale oo xilkoodu saaranyahay, sida caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada gudaha, xanaanada xoolaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta, ilaalinta deegaanka, iwm.


6- Hadaanu nahay hogaamiyeyaashii dhaqanka deegaankan Hargeysa anagoo ku hadlayna afkii dadka Hargeysa, waxaanu si wadajir ah iskula garanay inaanu hay’adaha qaranka iyo umadaba usoo bandhigno, midnimadayada iyo wax wada lahaanshiyahayaga taariikhiga ah, anagoo si adag u astaynayna in golaha deeganka hargeysa noqdo mid ka turjumaya rabitaanka shicibka kamana noqonayno magac uyaal. Anagoo raacayna sida sharcigu ina siiyay iyo sida ugu haboon ee dalka iyo dadwaynaha horumarkiisu ku jiro,waxaanu isla garanay qodobada soo socda:


7- Dadwaynaha Hargeysa ku dhaqani waa inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo biyo nadiif ahi u horayso magaalada afarteedada cal sisiman uwadagaadha. Waa in waxqabadka cisbitaalada, maanta daciifnimadaba dani hayso kor loo qaado. Waa in wadooyinka liita iyo nadaafada xumada jirta wax laga qabtaa oo Hargeisa caasimad casriya oo kuwa caalamka la mida ay noqotaa. Waxaanu doonaynaa in adeegyada dibada loogu tago laga maarmo iyo in cashuurtaaanu bixino si sax ah loogu isticmaalo danta guud oo kaliya.


8- Waa in dadkii isbedel ka dhabta ah keeni lahaa la hello Waxa loo baahan yahay in la helo dad kala-kaan ah oo aqoon iyo leh xirfado kala duwan oo is dheelitira. Laakiin ka siman xaga hindisaha, hal abuurka, iyo dhawrsanaanta guud oo la qiyaasi karo wuxuu qaban karo iyo qofnimadiisaba waxa la doonayaa in lasoo xulo, qof la ogyahay inuu yahay shariif aan sharaf xumo u keenayn deegaanka Hargeisa.


Xildhibaanka lasoo xulayaa wuxuu maamuli doonaa khayraadka dabiiciga ah ee dadka u dhexeeya waxa loo igmanayaa, hantidii ka dhexaysay umada oo malaayiin ah, cashuur bixiyeyaasha iyo tabarucayaasha, iyo kuwa kale ee maalgashadkuba waa inay kalsooni ka muujiyaan miisaankiisii shakhsinimo isla markaana ay u dheer tahay aqoon aad u saraysa oo aad ugu haboon. Waaya aragnimadii saxda ahayd iyo marag-furkoodiiba waa in ay jiraan.”
 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland