Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku eedeeyay Itoobiya in ay ka baxday ballantii

 

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta shaaca ka qaaday in Dowladda Itoobiya ay ka baxday ballanqaadkeedi ahaa in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed quud-dareynayeen in ay Itoobiya Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, hayeeshee aysan taasi dhicin.

“Dowladda Itoobiya mudadii ay qabsatay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya waa laga gudbay, hadana waxay dagaallo ka waddaa gobollo ka tirsan Soomaaliya, taasina waxay noo muujineysa in Itoobiya aysan rabin in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu sheegay in ay ku baaqayaan in ay Itoobiya Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, sidoo kalena ay Ciidamada kale ee shisheeye ka baxaan, “Soomaaliya uma baahna Ciidamo shisheeye, dhibaatana waxaa ugu filan middii ay u geysteen Dadka Soomaaliyeed Ciidamada Shisheeye ee haatan ku sugan”ayuu mar kale yiri Maxamed Xasan Xaad.

5-tii bishan ayay ku beegneyd mudadii ay Dowladda Itoobiya u qabsatay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, balse waxaa muuqaneysa in Dowladda aysan weli diyaar u ahayn in ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

 



Hiiraan