Nuxurka Qodobada Dacwad Ka Dhan Ah Guddoomiyaha UDUB Oo Axmed Yuusuf
Yaasiin U Gudbiyey Maxkamadda Sare Iyo Khilaafka Xisbigaas Oo Cirka
Isku Shareeray
Hargeysa (TNN) - Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee
UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Maxkamadda Sare ee Distooriga ah u
gudbiyey Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbigaasi Daahir Rayaale
Kaahin, taas oo salka ku haysa talo maroorsi iyo guddoomiyenimada
Rayaale ee Xi sbiga UDUB.
Dacwadan, oo todobaadkan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed
Yuusuf Yaasiin u gudbiy ey Maxkamadda sare, ayaa waxa uu kaga
dalbaday in Maxkamadu aanay u aqoonsan Daahir Raya ale Kaahin
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee sharciga ah, isla markaana ay xayiraad
Maxkamad du sa arto guud ahaanba hawlaha Xisbigaasi inta khilaafka
sharci ee xisbiga UDUB ay Makamaddu goa an ka gaadhayso.
Qoddobada dacwadda uu Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyey Maxkamada sa
re, ayaa waxa ka mid ahaa In Maxkamaddu Aqbasho in aanu Daahir
Rayaale ahayn Guddoomiyaha Xisbiga, iyada oo tix gelinaysa Qodobka
11.7 XGXU, In Maxkamaddu Diido Jawaabta Daahir Rayaale Kaahin, in
Maxkama ddu Aqbasho Racfaanka Dacwaddan Inay Maxakamddu Baabiso
Goaanka Guddi da Diiwaan Gelinta ee ku taariikhysan 17/04/2012, In
Maxkamaddu Farta ugu fiiqdo Guddida Diiwaa n gelinta Wax qabadka
Xisbiga Sida Shirkii Golaha dhexe iyo Goaankii kala saarista
Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga iyo In Maxkamaddu Xayiraad Saarto
Xisbiga UDUB inta ay Goaan rasmi ah ka gaadhayso Khilaafka Xisbiga.
Dhinaca kale, Qoraal uu guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed
Yuusu f Yaasiin u gudbiyey Guddida diiwaan gelinta oo nuqul ka mid
ah uu heley Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu nuxur kiisu
tilmaamayaa heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka u dhexeeya garabya
da Xisbiga UDUB u qaybsan yahay.
Qoraalkan Guddoomiye ku xigeenka UDUB, ayaa waxa uu ku doodayaa in
talaabooyinkii uu qaaday isagu intii uu Xisbiga ka maqnaa
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ay sharci ahaa yeen,
waxaanu ku eedeeyey Daahir Rayaale inuu Golaha dhexe iyo Guddida
fulinta ku darsaday X ubno dheeraad ah oo ka badan intii uu sharcigu
siinayey.
Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Qoraalkiisan ku dooday in
sharciga Xisbigu dhigayo, had dii uu Guddoomiyaha Xisbigu ku
guuldareysto hal mar Murashaxnimada Madaxweynaha dalka uu banaynayo
Jagada Guddoomiyenimada Xisbiga, isaga oo tibaaxay in Daahir Rayaale
Guddoomiyeni ma da Xisbiga hadda ku joogo tixgelin, hase yeeshee
aanu sharci ahayn joogitaankiisu, waxaanu sheegay in aanay wakhtigan
wixii ka danbeeya aanay wax ixtiraam ah siin doonin, Maadaama oo
joogitaankiisu ay ka hor imanayaan Xeerka iyo Shuruuda u taala
Xisbiga UDUB.
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka dhex alloosan Xisbiga UDUB, ayaa
u muuqda mid sii xoogeysan aya,kaas oo garabyada Xisbigaasi u kala
qaybsan yahay ku sii kala fogaanayaan, iyada oo dacwad an iyo
Qoraalada uu u Gudbiyey Maxkamadda iyo Guddida diiwaangelinta
Ururada Axmed Yuusuf Y aasiin ay muujinayaan in Hogaanka sare ee
Xisbigaasi uu khilaaf culusi u dhexeeyo, iyada oo hogaa nka sare ee
Xisbigaasi ku guuldareystay in ay xaliyaan khilaafkooda.
Wargeyska Saxansaxo.
|