Nuxurka Kulankii Dhex Maray Madaxwayne Silaanyo Iyo Koomishanka Doorashooyinka KOMISHANKA-DOORASHADA

Hargaysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay x afiiskiisa ku qaabilay guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ka wada hadlay hawlaha do orashooyinka iyo diiwaangelinta.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin warar ayaa sheegay in kulanka oo ay dalbadeen guddiga doorashooyinku lagaga wada hadlay bilowga diiwaangelinta cod bixi yayaasha oo bilaabmaysa 21 June 2015 iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka qaran ka.

Warku wuxuu intaas raaciyay in guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliy een ku xigeenkiisa Saylici iyo xubno wasiiro ahi, ugu xog warameen bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo arrimaha doorashooyinka. Sida ay ilahani sheegeen waxay guddiga d oorashooyinku Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen sida ay muhiimka u tahay in la cadee yo wakhti rasmi ah oo la isku raacsanyahay oo doorashooyinka la qabto.

Golaha guurtida ayaa muddo kordhintii ay sameeyeen waxay ku go’aamiyeen inay doorash ooyinku qabsoomaan horaanta sannadka 2017 halka ay xisbiyada iyo xukuumadu isla qaate en in doroashooyinka la qabto bisha December ee sannadka 2016. Waxaanay guddiga door ashadu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in la isla qaato labadaas wakhti midkood si loo gudo gawlo hawlaha doorashada iyo jadwalka shaqo ee guddiga doorashooyinka.

 Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada u sheegay inuu ku h awlanyahay xal u helida khilaafka ka taagan wakhtiga doorashada la qabanayo. Madaxwey ne-xigeenka Md. Saylici oo isna halkaas ka jeediyay hadalo kooban ayaa tilmaamay sida ay qaran muhiim u tahay in la isku raaco wakhti la isku raacsanyahay oo aan khilaaf ka taagna yn. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madasha fadhiyay ayaa isna la sheeg ay inuu tilmaamay inay xukuumad ahaan jecelyihiin inuu hirgalo heshiiskii ay wada gaadhee n xisbiyada iyo xukuumadu, isagoo dhinaca kalena tilmaamay go’aanka golaha guurtida. Si kastaba ha ahaate kulanka ayaa lagu tilmaamay mid marka laga tago warbixino la iska dha gaystay aanay ka soo bixin natiijo miisaan leh oo la xidhiidha xal ka gaadhista khilaafka doorashada.
 


Xigasho: Wargaysa Geeska Afrika