Nuxurka Kulan Maanta Dhexmaray Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Wefti Dawladda Ingiriiska Ka Socda

 


Hargeysa (TNN)-Shirguddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay  ku lan la yeeshay Wefti ka socda Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isla markaana waxay ka wadahadleen qodobbo door ah oo ay ka mid yihiin kaalmooyinka Somaliland Ingiriiska iyo caalamka kaleba uga baahan tahay, dhi simaha Hay’adaha dawladda, dhiirrigelinta dimuquraaddiyada, amniga iyo arrimo kale.

Wefigan dawladda Ingiriiska ka socda oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Caasimadda  Soma liland ee Hargeysa, isla markaana kulammo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa shalay kulan gaar ah oo aan warbaahinta loo ogolayn la yeeshay saddexda xubnood ee Shirguddoonka Wakiillada, hase ahaatee, Guddoo miyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), oo wax laga waydiiyey ayaa faahfaahin ka bixiyey nuxurka kulankooda iyo waxyaabaha ay kaga wadahadleen.

“Horta Safiirka, Xoghayaha labaad ee Safaaradda Ingiriiska magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo Sarkaal ka socday Xafiiska kaalmooyinka ee Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Narobi ee dalka Kenya, ayaannu maanta (shalay)ku qaabbilnay Shir-guddoon  aha an xafiiskayga.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiilladda Somaliland, waxaanu isaga oo  ha dalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi;

”Waxannu uga warannay xaaladda guud ee dalku marayo, waxa shacbiga reer Somaliland ka filayaan Ingiriiska iyo dalalka kale ee deeq-bixiyeyaasha ah. Waxa kale oo aannu kala  hadal nay in kaalmooyinka Somaliland la siin jiray oo aad u koob-naa, si toos ahna loo sheegi jirin markii hore iyo sidoo kale dhismaha Hay’adaha dawliga ah.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in kulankoodu muddo saacado ah qaatay, isla markaana Weftigu dhinacooda uga warrameen sida ay uga go’an tahay inay Somaliland dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaale, dimuquraaddiyadeed, nabadgalyo, dhismaha hay’adaha iyo guud ahaanba waxyaabaha ay suuragal tahay inay wax kala qabtaan, taasoo ay xuseen inay ka midaysan yihiin Midawga Yurub iyo Maraykankuba.

Source: Togaherer