Nuxurka Khudbadii C/Raxmaan Cirro Ka Jeediyay Wanqalkii Urur
siyaasadeedka WADANI

Baaniddii Samaale iyo Badhaadhihii Xildhibaan Buubaa iyo Balan
qaadkii Cirro
Hargeysa,October 6th, 2011 (TNN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Somaliland Md. C/Ra xmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno badan
oo ka mid ah garabkii isbedel doonka ee dhawaan shaaciyay inay ka
baxeen xisbiga UCID, ayaa maanta Xaflad balaadhan oo la gu qabtay
Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur
siyaasadee d cusub oo la magac baxay Wadani.
Xafladii loo sameeyay wanqalka urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI
waxa ka soo qe yb galay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha
Wakiilada iyo masuuliyiin badan oo kala duwan iyo taageereyaashii
UCID ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Ururkan Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi (Cirro) furitaankii wanqalka ururka waxa uu ka jeediyay
khudbad dheer oo uu kaga waramay asb aabaha ay uga digo rogteen
xisbiga UCID, waxa ururkani kag duwan yahay axsaabta kale.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay ururkan wax ka aasaaseen tobaneeyo
Xildhibaan o o ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada kaga jiray
Xisbiga UCID.
C/Raxmaan Cirro khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladaas iyadoo
dhamaystiran waxay u qornayd sidan:-
“1. Hordhac
a. Bisimilaahi raxmaani raxiim, Alxamdulillaah, Wassalaatu
Wassalaamu Calaa Rasuulillaah……….
b. Mudanyaasha Golaha Gurtida, Mudanyaasha Golaha Wakiilada, Madaxda
Axsaabta Qara nka, Sulaadiinta,Cuqaasha, Madaxda Axsaabta Qaranka,
Culimaaudiinka, Siyaasisiyyinta i yo aqoonyahanka, Ururadda
Bulshadda, Ururada aan dawliga ahayn, Haweenka , Dhalinya radaa,
saxaafadda iyo dhamaan marti sharafta Mudanayaal iyo Marwooyin
waxaan idinka salaamayaa salaanta islaamka Salaamu calaykum wa
raxmatulaahi wa baraakatuhu waxa anan si kal iyo laaba, qalbi muran,
waji furan iyo niyad wanaagsan idiin ku soo dhawaynay aa walqasha
urur-siyaasadeedka WADANI.
Barigii aynu dhalinyarada ahayn, inta i leeg baan sheegya, marka
filim la galo ee uu dham aanayo waxa hordhac la iska tusi jirya
filimka habeen dambe la dhigayo waxaana la odha n jiray boorsaminto.
Kulanka maanta waxa uu hordhac u yahay shirweynaha urur siyaasa
deedka WADANI, oo aan fillimkii idiin soo bandhigi doono.
Mudanyaal iyo marwooyin
Maanta maalin wax ka sheeg maaha. Markaas annigu cidna wax ka sheegi
maayo.
Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo
madaxda Xisbiga UC ID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta
iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xu binamdii Xisbiga UCID kana
mid ahay aasayaasyaasha urur siyaasadeedka WADANI, mark aan eegay
Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad,
Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo
Asxsaabta Siyaasadda lana tashaday garyaqaano oo ii cadeeyay in
talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL (
Reference President EGAL).
Sidoo kale doodo dhaadheer ka dib, waxa mudanyaasha Golaha Wakiilada
JSL ee ka soo baxay UCID, oo aan ka mid ahaa , aan magacyadooda ku
dhawaaqi doonaa go’aansadeen inay iska casilaan xubinamdii iyo
xilalkii ay ka hayeen Xisbiga UCID kana mid noqdaan aaasayaasha Urur
siyaasadeedka WADANI,
Md Bashiir X Xuseen Tukaale
Md Xaashi Xussen Caabi
Md Xuseen Maxamed Cigge
Md Ibraahim Mahdi Buubaa
Md Cabdulqaadir Askar Xasan
Md Mahdi Cabdilaahi Maxamuud
Md Maxamed Baaruud Shide
Md Faarax Maxamuud Cabdulle
Md Siciid Maxamed Cilmi
Md Maxamed Faarax Qabile
Md Muuse Maxamed Ismaaciil
Md Maxamed Jaamac Cali Guuleed
Md Jaamac Xasan Adan
Md Nasir Xaaji Cali Shire
Md Cabdilaahi Axmed Yuusuf
BACKGROUND
2. Sababaha Dhalashada WADANI
a. Ka garnaqii khilaafkii UCID, waxa Maxkamadda Sare JSL ka soo
saartay Go,aan u qoraa sidan:
• Waxay go’aamisay in dhamaan hay’adaha Xisbiga UCID ee lagu doortay
shirweynihii 2aad ee Xisbiga 27/6/2006 ay muddo dhaaf yihiin
jiritaanka xaaladooda qaanuuneedna ay tahay mid ku meel gaadh ah
inta laga qabanayo shirweynihii Xisbiga.
• Waxay maxkamadu go,aamisay in shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabto
, laguna qabto muddo saddex bilood gudahood ah oo ka bilaabmeysa
maalinta go,aankan lagu dhawaaqo, waxaanu shirweynuhu ka
koobnaanayaa xubnihii ka qayb galay shirweynihii 2aad inta ka nool.
b. Waxaa go’aanka maxkamada ku cadaadinay jirin cid gaar oo loo
xukumay ama la siiyey Xisbigii UCID.
c. Waxaad mudanayaal iyo marwooyin la socoteen go,aanka ka dib in
aqlabiyad hogaankii, fulintii , Golihii dhexe, masuuliyintii
Gobolada iyo laamaha dibedda ee UCID is casilayeen si joogta ah oo
ay ugu dambeysay mudanyaashii Golaha Wakiilada ee UCID
d. Waxaan ku qanacnay in xaaadaha qaarkood danta Qaranku ka mudan
tahay wax kasta.
e. Taas darteed waxaan ku qanacnay in go,aanka maxkamadda Sare JSL
iyo Go,aan asaaska urur siyaasadeedka WADANI tixgeliyey kana
horeysiiyey danta qaranka wax kasta.
f. Go aanka lagu aasaasay urur siyaadadeedka WADNI wuxuu ahaa mid
loogu tudhayna Dalka iyo Dadka una danaynayna xasiloonida iyo
wadajirka bulshada Somaliland.
MISSION
3. Muxuu u taaganyahayururka Wadani, Somaliland National Party?
a. Wadani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka
b. Waxauu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta
Somaliland gaar ahaan dhallinyarada.
c. Waxauu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada
Somaliland higsanayso
d. WADANI wuxuu u taagan yahay ka rumaynta riyada Muwaadinka
Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka
e. Waxa uu u taagan yahay gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale.
f. Wuxuu u taagan yahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka
shuruucda( LAW & ORDER)
g. Wuxuu taagan yahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolashad ,
dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta .
MABAADIIDA URUR-SIYAASADEEDKA WADANI
4. Siyaasadda ururka
a. Ururka Wadani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana
muuqdo bisayl hogaaminadeed
b. Ururka Wadani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah
c. Ururka wadani wuxuu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir,
isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo
wadankeena Somaliland
d. Siyaasadda ururka Wadani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta
dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo
siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.
e. Ururka Wadani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada
Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirade badan yahay talada wadanka
uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada
ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka
f. Siyaasadda Wadani waxa mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha
Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.
URURKA WADANI IYO BAAHIYAHA SOMALILAND
5. UrurkaWadani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu
weyniyihiin:
a. Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u
hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo.
b. Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u
noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno
isu-fiirsiga hoose .
i. Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay
aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya.
Ururka Wadani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas,
waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas.
ii. Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni,
waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno,
dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan xajiin siyaasadeed, taasna
waxa u taagan ururka Wadani
6. Ururka Wadani waxa uu tixgalinayaa
a .Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland.
b. Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah.
c. Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba.
7. Balanqaadka Ururka WADANI.
a. Wuxuu WADANI ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin
toosan.
b. Siyaasad Mudakara iyo Xuquuq siman.”
Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka
koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, waxanu
sheegay inuu si kalsamiya u soo dhawaynayo ururkan Wadani oo uu u
rajeeyay inuu noqdo sadexda urur ee u gudba xisbinimo.
Md. Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta xisbiga
UDUB ee sheegay inaanay ku galayn doorashada diiwaan gelintii
codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee kalhore,
waxaanu ku tilmaamay kuwo ka baqanaya inay ku hadhaan doorashada
Goleyaasha deegaanka.
Guddoomiye Ku Xigeenku waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo u soo
jeediyay inuu ka hawl galo sidii ay dhawaan u qabsoomi lahayd
doorashada Goleyaasha deegaanka.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xoghayihii hore ee xisbiga
UCID Md. Muuse Xaaji Muxumed Guulleed (Muuse Inji) iyo Afhayeenkii
hore ee xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Codyare, waxaanay ka warameen
ahdaafta ururkoodan cusub oo ay sheegeen inuu noqon doono mid
dimuqraadi ah.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha
Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa ayaa sheegay inuu
iska casilay xubinimadii xisbiga UCID oo uu ku biiray urur
siyaasadeedkan Wadani.
Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsanaa xisbiga UDUB, ayaa
sheegay inuu ka baxay xisbiga UDUB kuna biiray urur siyaasadeedkan
wadani.
source:Somaliland.Org
|