Ninkii dameerkiisii lumay iyo jawaabtii uu ka bixiyey

 


 

Mar kale iyo qiso qosolkeeda leh,turjimada laga bixin karana aan u dhaafayo akhristaha
Sheekooyinka aad maqlayso ee maaweelada iyo qosolka ka qeyb qaataa ma yara,inkas ta oo aad moodo intooda badani in ay sidaan fariin sarbeeb ah.haddaba sheekadii hore ee aan soo qoray oo aheyd iyaduna ila qosol iyo murti waxa faalo la tiigsaday oo meel dheer ula kacay gaar ahaan dhinaca siyaasada qoraaga Ahmed Iid Aden iyo  akhristaya aal kale oo ku soo biray arintana wax ka yidhi.marka waxaan leeyahay mar labaad bal tana ila eega.


Dameerku waa mid ka mid ah,xayawaanada inta badan laga alifo sheekooyin kala duwan oo qaarkoodba wax ku saabsan yihiin.

Waxa jiray haddaba qoys lahaa dameer,dameerkaasi oo ay ku qabsan jireen dhamaan shaqooyinka intii uu qaban karo oo dhan.waxay lahayeen dameerkaasina muddo aad u badan,ninka dameerkaasi lahina aad buu u jeclaa,weliba si xad dhaaf ah oo mararka  qaa rkood ay dadku yaabi jireen. Waliba kamuu degi jirin oo maalin walba wuu saarnaan jiray gaadiid uu raaco waxna ku qabsado ayuu u ahaa. maxa dhacay haddaba maalintii kali ahayd ee uu ka degay?

Waxa dhacday in uu maalin si kedis ah dameerkii u lumay .kadib markii uu Odaygii reerku uu maalin dayacay qeybtii uu shaqada ku lahaa oo ahayd inuu dameerka ku soo adeego. Markaa arrinta lumitaanka waxa hor ogaatay haweenaydiisii oo ka naxday arrintaa. Waxay kaloo ka sii warwaraysay naxdinta weyn oo soo wajihi doonta odaygeeda ka dib marka ay u sheegto in uu lumay dameerkiisii u jeclaa. Maxaase dhacay?

Waxa dhacday in markii la soo hoyday habeenimadii ee gurigii la isugu yimid ay  haween aydiisii ku tidhi waar arrin aad ka nixi doonto ayaa jirta? Waa maxay arrintaasi ayuu  wa ydiyay? Waxay ku tidhi dameerkaagii aad jeclayd waa uu lumay? Intaa markii ay u  shee gtay halkii ay filaysay inuu naxo oo ka murugoodo uun bay aragtay ninkii oo mar kaliya intuu kor u booday farxad iyo raynrayn la fadhiyi kari la’

Markii ay tidhi waar waa sidee waxa uu ku jawaabay:



“Ilahaybaa mahad leh,haddaan la socon lahaa,ama aan saarnaan lahaa waan la lumi lahaa,




 

 

Abdifataah Mohamed Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com