NINKII  CIISHOONAYOW  CAWAA  II DHALATAY ANI
 

 


1. Aaway culimadeenii raggii caalimiintii cibaadada Ilaahay iyo cad xalaala sari jiray cabsidu ay ka dheerayd.

2. Mugdi baa igalayee Mustafana halkuu maray iyo SHeekh Makaawiba?

3. Cali ina Warsame iyo carceeradii quraan ruug maan arag cishooyine carada may ka guureen.

4. Dirir iyo dabuubtii deel qaafka nici jiray maxay dib u dhiganayaan sawkan daafeheennii dugaagani u soo galay.

5. Kalmad maalin la tuuraa kaafi maaha noloshee kaalintaad lahaydeen ma kaafiye karaysaan?

6. Culimadaan jeclaa iyo aaway ciilbaxaygii casharadii la tabin jiray cisigeennii nololeed caamahana hagi jiray.

7. Siiraya iyo samaha wade Somaliland jecel allahayow sadkii sii ha samaato noloshuye.

8. Weligiin ha daalina ,weligaa dib ha u dhigan diinteennu waxay tidhi, daaim baa ku farayee.

9. Hana daawan weligaa dembi baabay kugu tahay dabaroow ha siidayn diintaa ku farasee.

10. Suuraha quraankiyo sadarada ilaahay inta aad sifaysaan saxa aad u sheegtaan sunaha aad ku socotaan.

11. Calankaa dushayda sudhan caadil baa ina siiyayee culimadadaay ilaaliya cadawgiisa hoos jira cashar yaan lagugu xadin iyo cuduro soo baxay.

12. Carro edeg laguma arag cilmiyada ilaahay naf ciidawday soo faqo.

13. Caqligoodu waa dila dabar gooya garashada yaanu daalib soo kicin, xabaalaha ma dhaafaan mana xeeriyaan diin.

 

 

14. Cadaaladdii aan u halgamay ayaanan ku ciil baxee ninkii ciishoonayaw CAWAA  ii dhalatay ani

 

 

 

 

Abwaankii weynaa:  Abdirahman  Bouh