NINKA YIDHI I DOORTOW



Doorasho.

Waa maxay doorosho?
Yaa wax doorta?
Yaa la doortaa?
Maxaase loo doortaa?

Ka hadli mayo doorasho kale ee waxaan ku koobnahay doorashooyinka ka dhaca dalka iyo dibada oo lagu kala doorto dawlado, iyo hogaamo haga dawl adaha .Dadka ku nool dhulka ayaa wax doorta, waxaana ay doortaan hogaan ay u gartaan dantooda oo u adeegaya baahiyahooda iyo tabashadooda oo iyaga u diirnaxaya.Sidaas saw ma dhacdo mar walba bal u fiirso somalida iyo Somaliland tan iyo xornimadii


Hordhaca Maansada


Maansadan oo soo baxday 01/01/2009 lana magac baxday NINKA YIDHI I DO ORTOW.Dulucda guud ee maansaduna waxay xanbaarsan tahay waxa ay  tah ay  doo rasho, cida wax dooranaysa, ka la dooranayo sifadiisa iyo sababta loo doora nayo

Waxaanay ku bilaabmaysa sida tan:-

 

 

Dayrtii timaadaba
Dadku waa dadkiisii
Dana waa halkeediii
Dacar iyo xildooniyo
Dakharaa is doorshoo

******
Doobigooda laastoo
Isku dira dankalidooda
Dadku hayb ku raacaa
Dawladii bukootee
Dadka ugu horaysiyo

******
Ilaa doorashadan taal
Mid dumaala m ooye
Miday dooratoo haga
Dadkan laga horjoogee
Misne lagu danaystee

******
Danahooda laga jiro
Marka ay doorashada tahay
Adaa reer dixoodiyo
Reer doodi loo tubo
Si dantooda loo tiro

******
Adna duunyo iga hoo
Dadka doolar gaadhsii
Reer hebelna doondoon
Ilayn waa dadkeenee
Dadyow garaasho laga maray

******
Daluuntii abeeskee
Kolol aad ku daganteen
Mayska doorinaysaan
Daanyeer xil qaadaa
Dadku ay ka sheegeen

******
Mar I dage allaha dago
Dal jiraanu leenahay
Duunyana waanu dhaqanaa
Danyarna waanu wada nahay
Ninka yidhi I doortow

******
Danbaa meesha taalee
Ma daryeeli karaysa?
Dakharbaygu yaale
Ma dawayn karaysa?

******
Qaranyahow dad li’idaa
Adigiyo dadnimadaa
Ninkaad dooranaysaa
Isaguna ku doorshee
Duug hadhkaaga yeelkii

******
Bulshayahay dawaradaa
Ninkaad dooranaysaa
Dalawadaada maaloo
Caanaha ka duugee
Adigiyo dan yaridaa

******
Da yar yahay tahriibtaa
Adigiyo dangaradkaa
Ninkaad dooranaysa
Adigana ku dayrshee
Adigiyo dadnimadaa

******
Ninka damal hadoodilan
Darmidiisa jecelow
Ama laba daryaalaha
Dudadiisa haybshow
Dadkan milicdu dubatiyo

******

Gabadanada dayrtiyo
Gaajadu isku doorshaan
Ma dareemi karraysaa?
Ninka yidhi I doortow
Dagalkaan ku noolahay

******
Dabaa lagu shidaayoo
Digadaa hulaaqdoo
Dogobaa ka qiiqee
Mayga daminkarysa?
Ninka yidhi I doortow

******
Ma taqaan dal iyo duud
Dadka jooga maantuna
Dir inay wadaagaan
Duna ay ka simanyiin
Nin qabiilo doojoo

******
Darxumada adaa dhigay
Danbarkana adaa dhami
Ninka yidhi I doortow
Waxa jira dad diirkiyo
Dunta nala wadaagoo

******
Naga doorsan dhaqankee
Dadkan maxaad wadaagtaan?
Ma diirkaad wadaagtaan ?
Ma dirkaad wadaagtaan?
Ma danbaad wadaagtaan?

******
Ma diintaad wadaagtaan?
Ma dalkaad wadaagtaan?
Danyar weeye baahane
Damqashadu ha joogtee
Ma dareemi karaysa ?

******

Dugsiyada aqoontiyo
Darsigaad na baraysa
Ma mid diin islaamkiyo
Danahayga qorayaa?
Mise waa digrii iyo

******

Dalahsiga shisheeyahay?
Ninka yidhi I doortow
Maxaad duunyadaydiyo
Dagalkayga beeraha
Damac aad ka leedahay?

******

Ninka yidhi I doortow
Dirac iyo haldooriyo
Miyaad deeqsi tahayoo
Danyaraha u hadasha ?
Ninka yidhi I doortow

******

Jidkuu eebe dooriyo
Jidkii daalimiintuba
Waa laba is dacal yaal
Midkeebaad ku darartaa ?
Dariiqad nin marin layd?

******

Ninka doobi caano ah
Duunyada ka maalee
Isagoon dareen qabin
Durduurtuun u kacayow
Ma ogtahay dadkaagii

******

Ninka duubka boqorkiyo
Dunta waraca jecelow
Haku tiranain daalkee
Dalawida rag baa loo
Waa layskaga danbeeyaa

******

Nin ka yidhi I doortow
Diblomasi baan ahay
Dibadaan ku noolaa
Hogaan laguma doortee
Doolarkaaga haysoo

******

Dalkan waxaad u qabanlayd
Darsigeeda soo baro
Ninka yidhi I doortee
Daglayda iy dabatada
Cunay duunyadeedee

******

Dirir noola joogow
Kugu dooranmaynee
Cirka sare badh soo dumi
Ninka diraca sheegtee
Loo yaqaan darwiishkow

******

Dirir maaha noloshuye
Digada haysku kaa kicin
Ninka yidhi I doortow
Waxba dabaqyo dheer iyo
Hanoo hidin aduunyee

******

Inaad daacad tahayoo
Danyaraha u roon tahay
Noogu dhaaro diintiyo
Curad kaaga doorka ah
Ninka yidhi I doortow

******

Riyi haday dub leedahay
Dabadeeday ku qarin layd
Ninka yidhi I doortow
Ku duraaman maynee

******

Deeq laha aduunkee
Daruuraha godlinayee
Duunyo noo irmaanshiyo
Eebaanu dayaynaa
Adiguna dadaalkaa

 

 

 

Waxaa Tiriyay Maxamed Aadan