Wajaale: Nin Mujiso ah oo Baabacooyinka Gacmaha Wax ka maqla oo Maan
ta Cunta Joojin Sameeyay ka Dib markii uu Geeriyooday Walaalkii oo
uu ku Tiirsanaa.

Alle ha u Naxariistee Waxaa Xalay Magaalada Tog-Wajaale ku
Geeriyooday Axmed Muxumed Aw Xasan oo ay Walaalo ahaayeen Cabdi
Muxumed Aw Xasan oo ahaa Nin
Alle ha u Naxariistee Waxaa Xalay Magaalada Tog-Wajaale ku
Geeriyooday Axmed Muxumed Aw Xasan oo ay Walaalo ahaayeen Cabdi
Muxumed Aw Xasan oo ahaa Nin mucjiso ah oo illaahay ka qaaday Arag
tida indhaha iyo Maqalka dhagaha isla markaana Baabacooyinka Gacmaha
wax ka maqla.
Cabdi muxumed oo ah nin Aad u Danyar ah oo Laxaad la, oo aan lahayn
Ehel iyo Qaraabo Toono ayaa wa xaa Xalay ka Geeriyooday Walaalkiisii
kali ahaa ee Dabari jiray noloshiisa, kaasi oo u ahaa indho iyo
Miciin kaleba.
Cabdi muxumed Aw Xasan ayaa Sida uu ku Soo Waramayo Wariyaha Gabiley
News ee Degmada Wajaale C/risaaq muxumed Aw Daahir ayaa la sheegay
inuu Cunto joojin Sameeyay ka dib markii uu Geeriyooday Wehelkii
kali ahaa ee uu Dunida ku lahaa isla markaana Daryeeli jiray, Ninkan
mucjisada ah ayaa sheegay in Maadaama uu Geeriyooday Walalkii Axmed
oo ahaa Qayb ka mid ah noqoloshiisa, aanay jirin cid halkiisii u
gali karta, sidaa awgeed uu xusay inuu Rabo inuu isna Raaco oo aanay
noloshu waxba ugu Fadhiyin.
Guud ahaan Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Wajaale ayaa Dareen Naxdin
leh ka muujiyay Geerida ku timi marxuumkan oo Masuul ka ahaa
Miskiinkan laxaadka la, ee ubaahan in Cid u Miciinta.
Masaajidada Degmada Wajaale ayaa Maanta si wayn loogaga hadlay
Khudbadii Jimcaha iyada dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku
tukanayay Uga duceeyeen Masaajidka Ninkaa mucjisada ahaa isla
markaana loogu baaqay Bulshadu inay Caawiso.
Ninka Mucjisada ah oo hore ay u geeriyoodeen Hooyadii, Aabihii iyo
Walaalihii ayaa Maanta ay ugu biirt ay in uu raaco Walaalkiisii ugu
Danbeeyay Ehelkiisa oo Gacanta ku hayay, taasi la odhon karo nolosha
ninkaasi halis ayay ku jirtaa haddii aanu helin Cid Gacan qabata oo
Noloshiisa Dabari karta.
|