Nin galbeed ku dhashay, nirig gaaroodi ku dhalatay baa dhaanta?

 


Waxaan u haystay dhalanteed, laakiin maantay dhabowday!! Mar hadii saraakiishii re er galbeedka ahayd ee dhagar qabuhu ku dilay Qorilugud aan Allaha u naxariistana la odhan. Wax badan baan ku arkay tv qaranka tacsi madax- tooyada ka socota mark ay dhintaan suldaanadu, caaqiladu,ugaasyadu, duqaytidu, iwm.

Hadaba masiibadii qaran ee ku habsatay laba sarkaal ee jiida hore dhufayska kaga jir ay, madax-tooyadii waxa ka dhacday QARSHIILOOW HADAL. Ninka dhintay baga iyo b ay waa iskugu mid, hase yeeshee waajibaadkii iyo xaqii ay dawlada ku lahaayeen baa noqday hal bacaad lagu lisay. Waxa taa u sii raaca sida Tukaha ayaa loo aasay.

Waxa kale oon daah inaga saarnayn sida gacan-ku dhiiglihii loo maamulay ee loola bax saday, taas oon odhan karno NIN LAA U DOOBSHAY. Waxse aad ku uur samaataan in qaranka S/L aan cidna naga xigin, heegan aan u nahay difaaciisa iyo hurumarkiisa.

Ugu danbayn waxa tacisi tiiraanyo leh u dirayaa reer Gabiley geeridii hore iyo tii danb eba iyo reer abtigay reer Dila. Ha una kala hadhina tacsida iyo wixii tallo ah eed ka  ye elaysaan labadaas sarkaal ee gudka lagu wada xabaalay.

 


Jibriil Cali Caqli ( London )