Nabadu waa qaali

 

 

Xixbiga daryeelka iyo cadaalad (UCID) maaha xisbi xisbi cusub sida la wada ogyahay is reebreeb iyo dorashooyin cid uga waayo aragsani ma jirto guul iyo guuldaraba wado aan shargiga ahayn uma uu marin UCID taas oo ay ugu waynayd dagaalkii loo galay burburintiisa ee sharciga uu ka hoos galay ee cadaaladu u hiilisay .


Hadaba waxan leenahay xukuumada iyo xisbulxaakimka waa in umada loo tudho cabasho waligeed ba way jiraysaaye oo aan ilmaha dhagaxa tuuraya rasaas loogu jawaabin balse dulqaad la muuji yo xikmadna wax lagu daweeyo .


Ururada cabanayna waxan leenahay xisbiga ucid cabashada wuu idinla wadaagaa laakiin waa inad martaan wada loo marao cabashooyinka oo sidii UCID looga bartay aad ogolaataan natiijada cod bixinta ama aad ka dacwootaan maxkamadaha oo xisbiga ucidba gar siiyay markii loo guntaday bu rburkiisa waxaanad ogaataan in hatida ugu qalisan ee aan daryeelkeeda ku tartamaynaa tahay nabadgeyada kursiguna yahay kaalinta u danbaysa si aan caruurteena dhaxal ay u aayaan ugu reebno.




 


Nabadu waa qaali


Hadaad baahi daristaan
lama qalo bisaaskoo
bakhti hiliba lama cunno
budhcad lama ahaadoo
lama boobo aadmiga
bidood laguma soo baxo
marka laga bogsoodee
laga baxo abaaraha
buro aan latirin iyo
boogbay kugu ahaataa
ha,ukeydin bala oo
beerxumaanna ha,ufalin
habaylihinin ubadkoo
berri aano yey,udhiman

 

*****


2-Hadaad beri cadhootana
lama kiciyo baaskoo
baradaada lama gubo
bunduq lama cabaystoo
looma baaqo geerida
billood adigu dhimataa
marka laga bogsoodee
laga baxo collaadaha
buro aan latirin iyo
boogbay kugu ahaataa
ha,ukeydin bala oo
beerxumaana ha,ufalin
haabaylihinin ubadkoo
berri aano yey,udhiman



*****

 

 




Gudeemiyeha Ucid Holland

M.M. Eleye (Suways)