Naafadii Iyo Agoomihii SNM Oo maanta Mudaharaad ka sameeyay Hargaysa iyo Taliyaha ciidanka Booliska oo la hadlay.

 



Waxa ay xukumada ku dhiiratay oo ay samayso wax ka xishootay dawladii hore ee
Daahir Rayaale...



Hargaysa(TNN):-Mudaharaad ay soo abaabuleen qaar ka mid ah naafadii ku waxyeeloobay  dagaala dii SNM iyo Agoomihii ay ka dhinteen ayaa maanta mudaharaad ka sameeyay magaalada Hargaysa, muadaharaadkaasi oo ay doonayeen inay la hortagaan xarunta Madaxtooyada si ay cabashadoodu u gaadho Madaxweynaha Somaliland.

“waxanu nahay mujaahidiintii dalkan iyo dadkan u soo dagaalamay maanaan helin wixii aanu xaqa u lahayn ilaa hada dawladu waxay naga reebtay korodhsiimada loo sameeyay shaqaalaha kale oo  mu shaharka aanu qaadanaa waa labadii boqol iyo kontankii hore u qornaa” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ahaa dadkii mudahaarka samaynayay oo la hadlayay war baahinta.


Mudaharaadkan ay maanta samaynayeen Naafadan iyo dumarkii ay ka dhinteen ayay ku sheegay m udaharaadkooda in ay u samaynayaan iyada oo mushaharooyinka loo kordhiyay Ciidamada iyo  shaq aalaha dawlada laakiin iyaga laga reebay mushaharooyinkaasi la kordhiyay,waxaana ay sheegeen in ay hore cabashadooda ugu gudbiyeen taliska Guud ee ciidanka Qaranka oo ay ka tirsan yihiin  mush aharkoodana ay ka qaataan.

Naafadan mudahaarka sameeyay ayaa ku doodayay in yihiin mujaahidiintii dalkan u soo halgamayisla markaana aanay xukuumada cusub ee Madaxwayne Axmed siilaanyo ka filaynin arinta noocan oo  k ale ah, mid ka mid ahaa dadkii mudaharaadkan soo abaabulay ayaa sidan u sheegay saxaafada “Waxa ay xukumada ku dhiiratay oo ay samayso wax ka xishootay dawladii hore ee Daahir Rayaa le”.

Waxaana ay sheegeen naafadan mudaharaadka sameeyay in laga takooray shaqaalaha dawlada  in tiisa kale,iayaga oo ugu baaqay goleyaasha qaranka,madaxwaynaha Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba in wax laga qabto cabashadooda.


Ciidamada booliska oo uu horkacayay Taliyaha ciidanka Booliska Gen.cilmi Rooble furre ayaa ka  hort egay dadkan Naafada ah ee mudaharaadka samaynayay oo kula hadlay meel u dhaw biriijka labaad ee Hargaysa oo ahayd halka ay ciidamada boolisku ku hor istaageen ayaa ka dhegaystay dakan  mu daharaadayay waxa ay ka cabanayaan,ka dibna waxaa uu taliyuhu u sheegay Naafadan  mudahara adka samaynayay in loo sheegay war qaldan isla markaana aanay wax cadayn ah u haynin in laga reebay liiska shaqaalaha mushaharka loo kordhiyay,isaga oo taliyuhu u sheegay Naafadan  mudahar aadayay in ay wax hubsadaan kuna xisaabtamaan waxa ay arkaan.

Waxaana uu Taliyuhu u sheegay mudaharaadeyaasha in uu cabashadooda gaadhsiin doono  madax waynaha Somaliland,isaga oo ka dalbaday naafadan mudaharaadka sameeyay in ay u soo qoraan waraaq ay ku saxeexan yihiin magacyada afar qof oo ka mid ah Naafada si uu madaxwaynaha,iyaga oo mudaharaadeyaashu markii uu taliyaha ciidanka Boolisku la hadlay joojiyay mudaharaadkii  halk iina ku kala dareeray.

 


Khadar C Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland