Naafadii Iyo Agoomihii SNM Oo Saaka Cabasho Ka hor Sameeyey Qeybta Ciidanka 12aad Ee magaalada Burco
 


Qaar ka mid ah Agoomaha iyo Naafadda SNM qaybta 12-aad ee ku dhaqan Magaalada Burco ee G/togdheer ayaa saaka cabasho ay kaga soo hor jeedaan Wasiirka Gaashandhiga iyo masuuliyiintiisa uu u xil saarey Xafiiska Naafada iyo Agoomaha Burco la hor tagey Xerada Ciidamadda (Gaaska) ee Xarunta G/togdheer ee Burco.

Dadkan isugu jira Agoomaha iyo Naafada SNM ee Cabashada la hortagey Xerada Ciidanka qaranka oo waxyaabaha ay ka cabanayaan uga waramey Shabakada Wararka ee Ramaasnews ayaa sheegey in ay ku eedeynayaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo saraakiisha uu u sameeyey Xafiiska Burco ee Naafada iyo Agoomaha, in ay ku tagrifaleen Mushaharkii ay qaadan jireen iyo raashinkii ay ku lahaayeen xafiiska burco.

Saynab Cabdi Hayaan oo u hadashey dumarka Agoomaha ah ee SNM ee Burco ayaa tidhi:
"waxaanu ka cabaneynaa mushaharkii nalasiin jirey iyo raashinkii aanu ku lahayn Wasaarada Gaashaandhiga ayaa saddex Bilood naga maqan horena uma dhicin in uu intaa in le'eg mushaharkayagu maqnaado, waxaananu arintaa ku eedeyneynaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiinta uu noo xilsaarey ee Gobolka oo marka aanu waydiinaba odhanaaya waa laydin siinayaa ee suga lacagtiinii iyo raashinkiiniba, markaa waxaanu u maleyneynaa in ay ku tagri faleen wixii aanu lahayn "sidaa ayay hadalkeeda ku soo xidhey Saynab.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Yuusuf Ibraahim oo u hadlayey ragga naafada ah ee SNM qaybta 12-aad waxaanu yidhi: Annagu waxaanu nahay rag naafo ah oo u badan Curyaamiin oo aan shaqaysan karin markaa waxay wasaarada Gaashaandhigu noo qortey lacag mushahar ah oo bishiiba mar nala siiyo iyo raashin aanu qaadano markaa imika intii wasiirkan gaashaandhigu xilka hayay iyo maamulka uu noo sameeyayba musharkayagii iyo raashinkii aanu lahayn sida la doono ayaa laga yeelayaa qaar naga mid ahna waabay ka jareen raashinkii iyo lacagtiiba.


Ugu dambeyntii, dadkan isugu jira naafada iyo agoomuhu waxay u soo soo jeediyeen dawlada in hoos loo eego cabashadooda isla markaana wax laga qabto.



 


Mahad Faarax C/laahi
Ramaasnews Burco