Naadiga Akhristayaasha Halkaraan Ee Magalaada Burco Oo Soo Bandhigay
Buugii 15-aad Habeenkii Xalay Ahaa
Burco (TNN)-Naadiga Akhriska ee Magalada Burco ee ( Halkaraan
Readers club ) ayaa Habeenkii xal ay ahaa Soo Bandhigay Buugi
15-aad ee ay Soo Bandhigaan .
Buugan la soo bandhigay aya waxa
magaciisu ahaa ( How To Stop Worryring And Start Living ) oo uu
qoray qoraa u dhashaydalka maraykanka, waxaana u turjumay luuqada
somaliga C/raxman Xus een ( Abu Xamza),islamarkan waxa soo bandhigay
Xamse Cabdi Ibraahin oo kamid ah naadiga akhri stayasha ee
Halkaran.
Buugan oo ahaa buug runtii aad u qaaliya oo aad wax wayn uga
odhanaya sidii ay bulshadu uga hor tagi lahayd warwarka isla
markaasna ay ula qabsan lahayd nolosha, waxaana uu buugani inta
badan tusaalayaal u soo qaadanaya dad nolasha adayg kula kulmay oo
gaadhay heer ay nacaan nolasha isla markaasna dib u badalay
nolashooda.
qoraaga buugani waxa uu leeyahay mar hadii aynaan waxba ka badali
karin waxii aynu soo dhaafn ay isla markaasna aynaan waxa
inagu soo socda sida aynu doono u habayn karin fadlan aynu ku
eekaano xuduuda maalintaas aynu noolnahay. waxaana ka mida
halkudhigyada buugan ( Qofka garaadka leh waxa ay u tahay maalin
kastoo cusubi nolol cusub ) buugan qofkastoo akhrista waxa uu ka
taageeri karaa sidii uu uga hortagi lahaa warwarka una aqbali lahaa
wajiyada kala duwan ee nolasha isla markaasna uu u samayn lahaa
nolal dagan.
Xaflada buugan lagu soo bandhigay ayaa waxa ay ka dhacday Hotel
Barwaaqo ee Magalada Burco , madasha lagu soo bandhigay buugan ayaa
waxaa ka sooo qayb galay bulshada nocyadeeda kala du wan oo ay
kamid ahaayeen ururarada muxaliga ah , shirkado , dhalinyaro ,
aqoonyahano , waalidiin , suxufiiyin , qorayaal, iyo dhamaan qaybaha
bulshada .
Madasha ayaa ugu horayn waxaa hadal kooban oo uu kaga warbixinayey
naadiga iyo halkay hawla hiisu marayaan iskuxidhaha naadiga
halkaraan ee Maxamed Xasan Caalin, waxaanu sheegay inuu n
adigu horumar balaadhan ka sameyey gobolka muhimada loo aasaasayna
uu yahay inuu kor u qaado kobciyana akhriska, waxanu sheegay inay
soo dhawaynayaan cid kasta oo jecel wax akhriska iyo cid kasta wax
ku biirinaysa naadiga haday noqoto maskaxiyan,wax qabad iyo talo
ahaanba waxa kaloo uu soo bandhigay 15 xubnood oo isugu jira wiilal
iyo hablaba oo ku soo biiray naadiga si ay ugala qayb qaatan hawlaha
horumarinta ee laga wado gobolka togdheer ,
waxaanu u mahad celiyey shirkadda Telesom oo gacan weyn ka geysata
hawlaha Naadiga uu ka hir geliyo Gobolka .
Waxa isna madasha hadalo ka so jeediyey gudoomiye ku xigeenka
Liabrary-ga gobolka Togdheer oo loo bixiyey Guriga Aqoonta Burco
Mustafe Axmed X. Diriye oo soo bandhigay maraxalada uu marayo
liabrary- gu oo samaysnaa saddex bilood waxuna sheegay inay in
magaca liabrary- gu uu yahay( Guriga Aqoonta ) isla markaasna
hawlahiisu ay meel wanaagsan marayaan waxanu Mustafe shaybe halkaasi
ka sheegay in uu furnaa mudo haatana 3bilood ayna soo booqdeen intii
uu furnaa dad tiradoodu gaadhayso 4265 sidoo kale waxa uu sheegay in
buugta haatan taalaa ay tahay 450 buug oo kala duwan waxaanu xusay
in ay haatan dad badani soo boobooqdaan maalintii.
Isla madasha waxa hadal ka soo
jeediyey Yusuf Maxamed Carish ( Yuusuf Arts) oo aha qoraga bu
uga RAAD RAAC ahaana xubuntii ugu horaysay ee gudoonsiisay naadiga
buugii ugu horeyey ee soo gaadha naadiga habeenkii la aasaasay,
yuusuf arts oo shaciyey inu soo wado buug uu ka qoray taariikhda
somaliland uuna dhawan so saari doono .
Sidoo kale waxa isna madasha ka hadlay C/risaaq salaad cali oo
kamida urur dhalinyareedka (SOYVO )oo ah ururkii lahaa asaska Nadiga
Halkaraan isagoo sheegay in ka go,an tahay inay waxkasta oo loo
baahdo ay la garabtagan yihiin.
Ugu danbayntii waxa la gudoon siiiyey Xamse Cabdi Ibraahin oo ah
wiilka soo bandhigay buugan ( stop worrying and star living )
shahaado sharaf iyo hadyado logu talagalay madasha ayaa waxa ay
ahayd madal aqoneed aad loo so buux dhafiyey yadoo ay xafladu ku
dhamatay jawi farxad iyo rayn rayn ka muuqato ayna dadweynihu sii
jeclaysanayeen sii fadhiga madhasha.
Halkaraan Media Group ,
Www.halkaraan.org .
Reported By Sahra-Ladan Maxamed Cali
Burao , Somaliland.
|