Naadi cusub oo lagu magacaabo Naadiga Akhr istayaasha Timacade oo lagaga dhawaaqay Magaalada Gabiley
 


Hargeysa(Longlivesomaliland News )-Xaflad balaadhan oo loogu wanqala yay Naadiga Akhristayaasha ee Timacade oo lagu Magacaabo “Timacade Readers Club” ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Askar ee Magaalada  Gab iley, Xarunta Gobolka Gabiley. Waxana xafladan Daah-furka oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo u  bad nayd Abwaano ay ka mid yihiin Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) C/raxmaan Maxamed Macalin(Baas) Abwaan Cabdi Cli Xirsi, Mukhtaar Xuseen Yay, iyo koox qorayaal ah oo ay ka mid yihiin:

Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xasan Cabdi Madar, sidoo kale waxa iyagana lagu casuumay Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Dr.Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo) ,xubno ka socday Ururka wadaniga ah ee Hayda, Ururka Wadaniga ah ee Soyda, Xubnaha Naadiga iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa.

Guddoomiyaha Naadiga Akhriska ee Timacade Readers Club, Mahdi Sheekh Cabdi, oo ugu horayn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay  dham maan ka soo qayb galayaasha oo iyagu masaafo dheer u soo maray ka qayb galka xaflada. Waxaanu si gaar ah ugu mahad celiyay qorayaal aad u tiro badan oo Naadiga ugu deeqay Buug tiro badan oo ay iyagu qoreen kuwaasi oo ay ka mid yihiin Qoraaga caanka ee C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Cabdi Madar, Jaamac Muuse Jaamac, Dayib Askar, Jamaal Cali Xuseen, Jaamacada Lucy University, iyo kuwo kale.

Mahdi Sheekh Cabdi, Guddoomiyaha Naadiga Timacadde Readers Club, wa xa uu ka waramay sababta keentay in waqtigan ay sameeyaan naadi  sid an oo kale ah, in ay tahay markii ay arkeen baahida loo qabo in  dhalliny arada Reer Gabiley kor loogu qaado aqoontooda wax akhriseed iyo dhiiri galin loo soo  sa meeyo dhallinyarada inta badan hiwaayada u leh in ay wax qoraan. Mahdi sheikh waxa uu aad iyo aad ugu dheeraaday muhiimada ay wax qoristu  bulsh ada u leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto dhinaca horumarka. Isaga oo  shee gay in ay yihiin koox dhallinyaro ah oo isku xil qaantay hirtalinta arinkaasi oo ah mid aad u wayn bulshada, Aqoonyaha nka iyo Masuuyliyiintana in ay uga baahan yihiin garab si hawshan ka midho dhallinteeda loogu guulaysto.


Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi  Am iin (Dheeraad) oo halkaasi ka akhriyay suugaan ka tarjumaysa qiimaha ay wax qoristu leedahay. Waxaanu tilmaamay in bulshadu ay baahi badan u qabto  dhinaca qoraalka iyo habka wax qorista labadaba. Waxa uu  Abwa anku dh allinyarada ku dhiiri-galiyay in ay ku dadaalaan wax qorida iyo akhriska  laba daba.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar, oo isagu u mahad celiyay dhammaan ka soo qayb  ga layaasha gaar ahaan kooxda dhallinyarada ah iyagu hawshaasi isku soo duba riday.

Waxa uu aad iyo aad uga waramay Xasan Cabdi Madar sida iyo muhiimada ay wax qoristu Aadamaha u leedahay isaga oo xusay in isagu uu inta  bad an  ha been iyo maalin waqtigiisa ku qaato, wax akhris, Hasa ahaatee, mar ka  dady a wga caalamka loo eego aanay taasi waxba ahayn, waxa uu  dhal linyarada ku guubaabiyay in ay wax akhriyaan oo badiyaan si ay u  noqo daan kuwo wax qori kara.

Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo  Dr.Maxa med Yuusuf Aw Cali(Culimo) oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa si wayn ugu mahad naqay dhallinyarada isku xilqaantay hirgalinta Naadigan. Waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu joogay maalintii ugu horaysay ee Dalka Somaliland laga hirgaliyo Naadi iyo Naadigan oo ah kii ugu  danbee yay. Dr.Maxamed Yuusuf Dhallinyaradii ka soo qayb gashay ayaa uu si  wa yn ugu guubaabiyay wax akhriska iyo habka wax qoridaba.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Naciima Yuusuf Cilmi oo ka mid ah  Naa diga Akhristayaasha ee Timacade iyada oo goobtaasi ka jeedisay hadal dheer oo nuxurkiisu ahaa qiimaha ay wax qoridu leedahay iyo sida ay  diint eena Ma caan ee Islaamku ay u dhiiri galisay wax qorida iyada oo sheegtay in    suura dii ugu horaysay ee soo degta ee Qur’aankeena Kariimka ah Nabi Muxumed( Badbaado Iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) Lagu faray in uu wax akhriyo, taasina ay muujinayso sida ay Diinteenu ugu hanwayntahay wax akhrinta. Naciima Yuusuf waxa ay Dhallinyarada gaar ahaan  Gabdh aha filkeeda ah u soo jeedisay in ay inta badan wax akhriyaan si ay u  noq daan kuwa hadhaw wax qori kara oo aanay labadaasi marnaba kala  ma armi Karin.

Xafladan ayaa ahayd mid ay si wayn ula dhaceen dadwaynihii iyo Martidii kala duwaynayd ee ka soo qayb gashay, ayaa dhallinyaradii ka soo qayb gashay qaar ka mid ah barnaamij bakhtiyaanasiib ahaa oo lagu soo daray waxa  buug aag lagu guddoonsiiyay dadkii ku guulaystay  bakhtiyaan asiibkaasi.

Naadigan oo ay aas aaseen Koox dhallinyaro Wiilal iyo Gabdho ah ayaa ay tiradoodu dhan tahay toban qof oo ka mid yihiin:

1. Mahdi Sheekh Cabdi………..Guddoomiye
2. Mustafe C/kariim Cali………….Isku duwe
3. Amaal C/raxmaan Sheekh Cilmi…….Xubin
4. Saciid Khaddar C/laahi
5. Axmed Aw Nuur Ducaale
6. Axmed Sanyare
7. Naciima Yuusuf Cilmi
8. Axmed Maxamed Shaqale
9. Maxamed Arts
10. Rashiid Haybe

 



Saciid Khaddar Cabdillaahi

Gabileynews Reporter
Hargeysa Somaliland