Warsaxafadeed



M/WEYNE RAYAALE OO DIGREETO KU SAXEEXAY MAALINTA DOORASHADA  MADAXT O OYADA EE AY HORE UGU QOONDEEYEEN KOMISHANKU



Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyadda Date: 15/05/2010



Madaxweynaha JSL. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin. Waxa uu maanta Digriito ogo laansho ah ku soo saaray wakhtiga loo cayimay Doorashada Madaxtooyaddu inay qabsoomto.

Madaxweynaha JSL. isaga oo tixraacaaya qodobka 90-aad ee Distoorka JSL.faqrad iisa 8-aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada  JSL, waxaa uu go'aan ku soo saaray Digriito ogolaasha ah oo ku saabsan wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyadda ay u cayimeen Gudidda Doorashooyinka Qaranku oo ku beegan 14/ Rajab 1431. ee taariikhda islaamka(Hijriyadda) kuna beegan Maalinta Sabtida, 26 June 2010.

Digriitadaasi oo lagu baahinaayo dhaqan galka cayimaada wakhtiga Doorashooyin ka Madaxtooyadda JSL. ayaa maanta Madaxweynuhu si rasmiya u saxeexay.
 


ALAA MAHAD LEH
 


Af-hayeenka Madaxtooyadda
(Siciid Cadaani Mooge)