M/weyne ku-xigeenka jsl oo furay xarunta daryeelka caruurta.


 

 

Hargeysa (TNN)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sa ylici) ayaa galabta xadhiga ka jaray dhismaha xarun weyn oo lagu daryeeli doono carruurta d arbi jiifka ah oo ay ku baxday 97 kun oo Dollar oo inta ugu badan ay bixisay shirkada DAHABS HIIL.xaruntaasi oo ku taala xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xaruntan oo galabta lagu qabtay halkaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirradda Daakhiliga , shaqada iyo arrimaha bulshada, masuuliyiin ka socday shirkadaha waaweyn ee dalka. Xaruntaasi oo ka kooban dhismayaal kala duwan waxa loogu t allo galay in =lagu daryeelo caruurta aan waalidka lahayn iyo kuwa kale ee ku dayacan suuqy ada magaalada Hargeysa,dhishamaha xaruntaasi waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo Wiilasha iyo Gabdhaha loogu tallo galay inay ku kala galaan ,waxaana loo sameeyey illaa iyo hadda xaruntaasi qaybtii hurdada ee ay caruurtaasi seexan lahaayeen oo si qurux badan loo qalabeeye isla markaana loo dhamaystiray jiifkii oo dhan.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta Shirkadaha Dahabshiil Prof. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) waxaanu ka waramay kaalintii ballaadhnayd ee ay ka qaateen dhismaha xaruntaasi hoyga u noqon doonta caruurta darbijiifka ah,waxaanu sheegay kaalintii ay ku lah aayeen hirgalinta dhismaha xaruntaasi inaanay u baahnayn in uu madashaasi ka sheego balse ay tahay mid iska muuqata isla markaana ay dadka daneeya kobcinta arrimaha bulshadu gara nayaan dhaqaale ahaan sidii ay Dahabshiil Groups uga qayb aateen.

“Anagu wixii aanu qabanay waa laa shukra calal waajib haddii aanu waxqabanay waxaanu u qabanay waa qaranka Somaliland waxa dambe ee aanu qaban doonana waxaanu u qaban doo naa waa Somaliland,”ayuu yidh Xasan Xiise.

Xasan Xiis waxa uu intaasi ku daray “Tanina way ka sii xag jirtaa oo waxa lagu daryeelayaa ca ruuro yaryar oo masaakiin ah oodarbijiif ah.Jiil dhan oo lunsan baan doonaynaa inay waxbara shadoodii iyo caafimaadkiiba u soo jeestaan si ay u noqdaan dad dhisan oo mustaqbalka soo socda bulshada kale waxtara.”

“Anagu ka Dahashiil ahaan odhan mayno intaas iyo intaasaanu bixinay oo wax yaabahaasi oo kale waa nalagaga fiican yahay laakiin inaanu dhismaha xaruntani iyo qalabaynteedaba door weyn ku yeelanay aad baanu ugu faraxsanahay,”ayuu yidhi madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkada Dahabshiil.

Xasan Xiis waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan taageerada xaruntan waxaanu yidhi “Arrin tani sharaf weyn bay noo tahay waana mid aanaan intaa ku joojin doonin hadduu eebe yidhaa diyaarna waxaanu u nahay inaanu sidii hore oo kale uga qayb qaadano wixii dambe ee nalooga baahdo waayo haddaba wali waxa ka muuqata dayacaad badan.”

“Haddii nalagu yidhaado side baad ka yeeli doontaan mustaqbalka dambe ee dhismaha xarunt aasi talladeeda ayaanu ka yeelan doonaa haddana si rasmiya waxaanu hortiina ugu wareejin aynaa dhisimihii aanu maal galinay ee xaruntaasi cidii soo abaabushay oo ah ururka SOWREC iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ” ayuu hadalkiisii ku soo khatimay Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Dahabshiil.

Cabdiwahaab Maax oo ku hadlayey magaca Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay qiimaha uu dhismaha xaruntaasi ugu fadhiyo bulshada reer Soma liland iyo gaar ahaan ubadka ku dayacan dariiqyada iyo kaalintii ay Shirkadoodu Telesom ku la hayd dhismahaasi.

“Somaliduna waxay tidhaadaa goor gaaban hadalkeedna gaaban laakiin anagu ka Telesom ah aan sharaf weyn bay noo tahay inaanu idin kala soo qaybgalo furitaanka Xarunta caruurta d arbijiifka ah. annagu dhismaha xaruntan waxaanu ka qaadanay qayb weyn anaga oo gudanay nay waajibaadka naga saaran arrimaha bulshada,”ayuu yidhi sarkaalkaasi ka socday shirkada Telesom.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa sheegtay mar kii ay iyadu shaqada iyo xilka wasaaraddaasi kala wareegtay xukuumaddii ka horeysay inuu jir ay aasaaska xaruntaasi balse aanu jirin dhismuhu.

“Markii aan anigu shaqada wasaaraddan la wareegay waxa jiray seeska dhulka oo kaliya Laba daa hool ee waaweyn ee aad soo aragteen hurdada looga dhigay caruurta darbijiifka ah iyo dayrkaa wayn ee xarunta oo dhan ku wareegsan waxa dhisay Shirkadda Dahabshiil” ayey tid hi Wasiirka shaqaddu.

Marwo Ilhaan waxay sheegtay halka hool ee kale inay dhismihiisa iska kaashadeen Maxamed Aw Siciid, Shirkadda Telesom iyo Dawladda hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mida dumarka ku nool magaalada Bermigaham ee dalk UK.

“Hoolkan aan hadda joogno isagu waa guraangur oo waxaa dhismihiisa isugu tagay dad badan oo aanu annagu (wasaarada) ka mid nahay, ”ayey intaa ku dartay.

Wasiirku waxay sheegtay xaruntani inaanay noqon doonin meel ay waligood iska joogi doonaa n kooxaha hadda loo diyaariyey inay ku noolaadaan oo tiradoodu dhan tahay inta ay illaa iyo hadda diiwaan galiyeen 300 oo Wiilal iyo Hablo isugu jira balse ay qorshe ahaan xaruntaasi qaadi karto xiligan 150 caruur ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdi laahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaa ka hadlay waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Shirkadaha ga arka loo leeyahay oo uu sheegay inay daboolaan hadba baahiyaha waaweyn ee aanay xukuumaddu kaligeed wax ka qaban Karin,

“Aad baan ugu mahad celinayaa shirkadaha waaweyn ee hawshan ka qayb qaatay waxaanan ku amaanayaa inay nala garab taagan yihiin waxtarkooda marka aanu kula cararno dhibaatoo yinka waaweyn ee dalka kadhaca” ayuu yidhi Saylici,

Madaxweyne-Ku-xigeenku wuxuu u mahad celiyay shirkadaha waaweyn ee kaalinta wax ku oo lka ah ka qaatay hirgelinta dhismahan oo uu tilmaamay in loo baahna.

Madaxweyne-Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan m ar kale mahad u celi nayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha xaruntani wixii ay bixiyeeni ha yaraado ama ha badnaadee.”

Madaxeyne-ku-xigeenka iyo mas'uuliyiinta kaleba waxay ku soo wareegeen dhismayaasha xar untaasi iyaga oo guri guri u soo booqday isla markaana si weyn ula dhacay quruxda dhismay aashaasi iyo sida loo qalabeeyay.

Dhismaha xaruntan waxa lagu wareejiyay urur maxali ah oo la yidhaahdo SOWREC iyo Wasaar adda Srrimaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Source:SL Media