Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyayaaye
by: Ali Xaruuri
Nin ugaadhsade ah baa maalin maalmaha ka mid ah ugaadhsi tegay. Wuxu
maalintii oo dhan key nta dhex jibaaxaba, markii uu waayey wax ugaadh
ah oo wakhtiguna noqday goor casar gaaban ah oo ninkiiba damcay inuu
iska hoydo, ayuu shimbir ku taagnaa geed aan isagaba sidaa uga
dur ugsanayni halkaa ka ciyey. Ninkii baa qalabkiisii ugaadhsiga ee
uu xereeyey intuu la soo baxay ay uu si fiican shimbirkii u shiishay
oo dhulka soo dhigay. Shimbirkii baa markii uu ugaadhsadihii gaca nta
ku dhigay ku calaacalay oo yidhi "Show nabadgelyadayduba waxay ku
jirtay aamusnaanta, oo haddii aan iska aamusi lahaa illeen waan
nabadgeli lahaaye".
Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Waxan sheekadaa uga socdaa Dhagar-qabe Moorgan oo dhawaan ka
hanjabayey Tv-ga oo halkii uu is gaabin lahaa badka isa soo dhigay
waxaanan leeyahay ............
Gurxankiyo cabaadkiyo haddaad gooha demin weydo
Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede
Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane
Jawaabta kooban ee aan Moorgan siinayaa waxay tahay " Moorganow
waxad ahayd Taliyihii Qe ybtii 26aad ee Bir-jeex ee ciidankii
Somaliyeed ee ugu quwadda weynaa wakhtigaa, maantana w axaad tahay
Sacaboolay aan wax hub iyo ciidan ah gacanta ku haynin, markaa
......MA SHALAY BAAD IS HAGRANAYSAY markii aad kabaha ka carartay ee
lagu baacsaday".
Muxuu cay dameer igaga guri', wuu iska ciyayaaye
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Af-xumo nabadna way kaa kaxeysaa
colaadna waxba kaa gama tarto"
Markaa Moorganow jawaab ma mudnid oo hadalkuba khasaare ayuu kugu
yahay waxanse qorma daydan gaaban ku soo gunaanadayaa
Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile
Wa billaahi Tawfiiq
Qalinkii: Cali Xaruuri
Holland
Adam.32@live.nl
|