Muuse Biixi oo bayaamiyay in xukuumadda iyo Xisbigeedu ay ka
midaysan yihiin go’aankii Wakiiladda
Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Md.
Muuse Biixi Cabdi, a yaa sheegay in Xisbiga uu hogaamiyaha iyo
Xukuumadda ka dhalatay ay ka midaysan yihiin in Waddanka ay ka
qabsoomaan Doorashada Goleyaasha Deegaanada Wakhtigii loogu tallo
galay.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu meesha ka saaray in Xisbiga
talada haya ee Kulmiy e iyo Xukuumadda uu Madaxda ka yahay
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilla anyo) ku kala aragti duwan
yihiin Go’aankii Golaha Wakiiladu todobaadkii hore ku laaleen D
iiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, waxaanu sheegay in ay
ka midaysan yihiin si wada jir ahna uga shaqaynayaan sidii ay
doorashooyinka dalku ugu qabsoomi lahaayeen wakhtigii loo qorsheeyey.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo u waramayey Telefishanka Qaranka
waxa uu yidhi “Ma diiwaan gelin ayeynu doonaynay mise doorashado,
arrintaasi markii la waday Xisbiga Kulmi ye iyo Xukuumaddiisii waxay
doonayeen in Diiwaan gelintii lagu galo Doorashadii hore lagu galo
doorashada Goleyaasha Deegaanka, laakiin waxa diiday Xisbiyada kale,
haddii taas la diidayna waa in doorashadii bilaa diiwaan gelin lagu
galaa, si doorashadu wakhtigeedii loogu tallo galay ay ugu qabsoonto,
waxaan leenahay madaama oo aynaan diiwaan gelin samaynay wakhtina u
baahan tahay aynu doorashada ha loo diyaar garoobo”
Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE
ka midaysan yihiin qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka.
“Waxaan maqlayey dad leh Xukuumaddaa isku khilaaftay Diiwaan gelinta,
waanan dhegey stay Wasiirka Duulista waanu taageeray, Afhayeenku wuu
ka hadlay oo isagu wuu taage eray in diiwaan gelin la’aan lagu galo
doorashada, markaa waxaan idin sheegayaa in Xuku umadda iyo Xisbiga
Kulmiye ka midaysan yihiin in dalka doorashadu ka qabsoonto,”ayuu
yidhi Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE , oo caawa u waramayay TV-ga SLNTV
ee dawladda.
Source:Somaliland.Org
|