WAR-SAXAAFADEED

 

 

 


16 July 2016


UJEEDDO: TACSI


Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashax a madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fuli nta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdilaahi Xaaji Axmed Qaloombi oo ka mid ahaa aqoonyahanka Gobolka Togdheer, kaas oo maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 15/07/2016 ku geeriyooday magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan karti badnaa, isla markaa na door laxaad leh kasoo qaatay dib-u-dhiskii Somaliland, qayb weyna ku lahaa horuma rinta dhinaca waxbarashada Somaliland.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka war aabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo bahda waxbarashada ee uu ka tirsa naana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE