Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo la kulmay Goob joogayaasha Caalamiya eee Doorashada iyo Diblamaasiyiin kale

 


Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Mu use Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubno safirro iyo diblomaasiyiin isugu jira oo ka socda Mi dowga reer Yurub iyo waddamo kale oo qaaradda Yurub ku yaalla, kuwaas oo Somaliland u yimi doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka Isniintii shalay.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale, ayaa kulankan oo ka qabsoomay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta waxa uu la qaatay xubno safiirro iyo diblomaasiyiin isugu jirta oo ka socota dalalka Norway , Sweden, Belgium, Switzerla nd, Netherland, UK, Denmark, Finland iyo xafiiska Midowga Yurub, waxaanay dhinacyadu kulan kooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda ama sugidda natiija da doorashada madaxtinimada dalka ka qabsoontay, aqballaadda natiijada la wada filayo iyo sidii loo bogaadin lahaa hannaankii anshaxa iyo ixtiraamku ku gedaanaa ee ay bulshada reer Somaliland u gashay doorashadii shalay dalka ka qabsoontay.


Xubnaha safiirrada iyo diblomaasiyiinta isugu jiraa waxay ku dheeraadeen qiimaha ay doorash adii dalka ka dhacday qaranka Somaliland u soo jiitay iyo sida ay kor ugu qaadday sumcaddii dalka, iyaga oo intaas ku daray in sugitaanka natiijada komishanka laga filayo iyo ku qancidee duba sii laban-laabi doonto karaamada shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si xeel-dheer uga xog-warramay safiirrada iyo diblomaa siyiinta ka socday dalalka Midowga Yurub iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Yurub inay murr ashax ahaan ka go’antahay sii ambo-qaadista horumarka Somaliland ka jira iyo Dim uqraaddiy adda xawliga ku socota, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka dhursugo natiijada ku laalan dhinaca Komishanka qaranka, marka ay soo baxdana uu aqbali doono.



Diblomaasiyiinta iyo safiirrada, ayaa iyaguna dhinacooda si waafi ah murrashax uga mahadcel iy ey sida uu diyaarka ugu yahay inuu dhinaciisa ka dhawro deggenaanshiyaha wadajirka bul shada reer Somailand, siina ambo-qaado horumarka dhinaca dimuqraaddiyadda ah ee Somalila nd tusaalaha tolmoon ugu tahay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika iyo waddamo badan oo du nida kamid ah.