Musharrax
Dalka Sweden U Gelaya Tartanka Baar lamanka
Yurub Oo Dalka Booqasho Ku Joogga

Musharrax Amir Aadan oo u
tartamaya xubin baarlamaanka Yurub ah, isla markaa na ka tirsan
Xisbiga Muxaafidka ah ee dalka Sweden oo booqasho ku soo gaadhay
Somaliland ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha waxyaabaha uu
dalka kala socdo iyo ujeedooyinka socdaalkiisa.
Mr Amir oo ku jira boodhka garabka dhalinyarada ee xisbiga uu ka
tirsan yahay Ra’iisal Wasaaraha Sweden ayaa hooyadii ay dhalasho
ahaan ka soo jeedaa Sweden, halka aabihiina uu yahay nin reer
Somaliland ah. Isla markaana waraysi khaas ah oo uu Ogaal la yeeshay
ayuu kaga hadlay aqoon ahaan inta uu ka fahansan yahay qadiyada
Somaliland, musharraxnimadiisa iyo waxyaabaha uu rajaynayo inuu
Somaliland ku kaabi doono. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:
S: Wax ma nooga sheegi kartaa markii ugu horaysay ee ay kugu
dhalatay inaad isu-sharraxdo baarlamaanka Yurub?
J: Haa, waqti immika laga joogo sannad ayaa Xisbigayga Muxaafidka
ahi uu garabk iisa dhalinyarada u soo bandhigay, sababta oo ah,
waxay doonayaan dhalinyaro badan oo musharraxiin noqda iyo dad kala
duwan oo u dhexeeya 18 – 65 jir. Marka anigu waxaan u arkay in tani
ahayd talaabadii koowaad ee ku saabsanayd mihnadayda ka-siyaasi
ahaan. Arrin kale oo ahayd ta igu dhirigelisay inaan is-sharraxo
ayaa ahayd inaan doonayo sidii aan wax ugu qaban lahaa, isla
markaana aan ugu taagnaan lahaa codadka dadka inta badan aan lagu
arkin warbaahinta, kuwaa oo aan jecelahay inaan noqdo codkooda u
fadhiya Baarlamaanka Yurub.
S: Khibrad intee le’eg ayaad u leedahay siyaasadda, takhasuskaaguse
waa maxay, xisbigee ayaanad ka tirsan tahay?
J: Horta, anigu waxaan ka tirsanahay Xisbiga Muxaafidka ee Sweden oo
Ra’iisal Wasaaraha dalkuna ka tirsan yahay, waxaanan xubin ka ahaa
xisbiga saddex iyo badh sannadood, waxaanan garabka dhalinyarada ee
xisbiga kala soo shaqay nayay waxyaabo fara badan tan iyo xilligaas,
intaas ayaanan ku soo dhex-jiray siyaasadda. Hadii aan taas ka gudbo,
waxaan shahaadada MP-da ka qaatay Kulliyada Xisaabaadka ee Jaamacada
Stockholm, waxaanan immika Xisaabiye ahaan ugu shaqeeyaa Shirkad
Guryaha Kiraysa.
S: Maadaama hooyadaa tahay Swedish, isla markaana aad hada timi
dalka (Somalil and) uu aabahaa dhalasho ahaan ka soo jeedo, sidee
ayaad arati ahaan u arkaysaa?
J: Immika waa markii labaad ee aan dalka imaado, waanan ku
faraxsanahay inaan mar labaad imaado dalka si aan u arko horumarka
uu dalku gaadhay, sidoo kalena waxaan ku faraxsanahay inaan wax ka
ogaado halka uu aabahay ka soo jeedo, sababta oo ah waqti dheer ayaa
ka soo wareegtay markii hore ee aan imi (1998). Tanina waxay iiga
dhigan tahay, inaan had iyo jeer u baahanahay inaan wax ka ogaado oo
aan hadba la socdo halka uu dalku marayo, waxyaabaha ka dhacaya iyo
dabcan waxyaabaha ku soo kordhaya.
S: Maxay ahaayeen waxyaabihii kuugu xiise badnaa ee aad dalka ku
aragtay 1998-kii?
J: Waxyaabihii iigu xiisaha badnaa waxa ka mid ahayd inaan soo arkay
tuuladii uu aabahay ka soo jeeday iyo dugsigii uu dhigan jiray….oo
ku yaalay Sheekh iyo guud ahaanba inaan arkay muuqaalkii dalka
markii iigu horaysay.
S: Adigu ma u ololaynaysaa sidii ay goob-joogayaal reer Sweden ahi
dalka ugu iman lahaayeen ka-qaybgalka goob-joogenimada
doorashooyinkaas?
J: Waqti horeba taas waxaan si tartiib ah uga bilaabay Xisbigayga
Garabkiisa Dhalinyarada ee aan ka tirsanahay, halkaas oo aan
immikaba inta badan ka ahay xubin fir-fircoon, sidaa aawadeedna way
jiraan qaar ka mid ah xubnahayaga garabka dhalinyarada oo jecel inay
yimaadaan hadii aan anigu u soo diyaariyo imaatinkooda. Laakiin
waxay u baahan tahay hawl badan inay halkan yimaadaan, balse way
jiraan dad natiijo wanaagsan ka muujiyay inay dalka yimaadaan.
S: Kollay saaxiibo ayaad ku leedahay xisbigaaga, markaa weli marna
ma kala hadashay qadiyadda Somaliland?
J: Anigu nasiib waxaan ku leeyahay inaan xisbiga garabkiisa
dhalinyarada ku leeyahay saaxiibo run ahaantii xiisaynaya
Somaliland, waxaanay aqoon u leeyihiin dalka, magaalooyinka, luqada,
sidaa daraadeed, qaar ka mid ah ayaa xiisaynaya, iyaga ayaanay tahay
in la daba-galo, laakiin waxaan dareemayaa inaan awood u heli kari
lahaa kooxo intaa ka badan oo aan arrintan kala hadlo. Laakiin anigu
waxaan dabcan, doonayaa inaan warbixino badan Somaliland ka siiyo
dawladda Sweden, sababta oo ah iyaga laftooda ayaa Somaliland ka
aaminsan arrin wanaagsan, balse weli hadana waxay u baahan yihiin
macluumaad fara badan.
S: Marka loo eego ilaa inta aad kala socoto sidee ayaad u arkaysaa
in xukuumada Somaliland ay siyaasiyan u socoto?
J: Anigu arrinta aan arkayaa waa inay ku socoto jihada saxa ah,
waanay u wanaagsan tahay inay qabanayaan doorashooyinka soo socda,
waanay u wanaagsan tahay inay indhaha caalamka soo jeedsadaan…..si
aad madaxbanaanida dalkaaga u muujisona waxaad u baahan tahay inay
dunidu aragto inay jiraan horumarro aad ku talaabsanaysaa, sidaa
daraadeed, run ahaantii waa muhiim in doorashadani ay dhab ahaan u
dhacdo.
S: Doorashada ka dib ma filaysaa inay Somaliland ku gaadhi karto
masiirkeeda aqoonsi?
J: Waxaan u malaynayaa inay horta tahay tallaabo wanaagsan oo jihada
fiican loo qaaday, khaasatan hadii ay doorashadu ku dhacdo si xalaal
ah oo laysku raacsan yahay oo aanay wax mashaakilaad ahi ka jirin,
taas ayaa ah talaabo wanaagsan oo la qaaday, laakiin hadana had iyo
jeer waxaynu u baahanahay inaynu ka sii wanaagsanaano halka aynu
joogno.
S: Immika weli waxaad tahay musharrax, laakiin hadii aad ku
guulaysato doorashaddaas oo aad xubin ka noqoto baarlamaanka Yurub,
maxaad rajaynaysaa inaad u qabanayso Somaliland?
J: Taasi waxay noqonaysaa fursad aan ugu dhawaanayo dad fara badan
oo muhiim ah, anigana shaqadayda qadiyada Somaliland ku saabsani waa
inaan ka dhex-ololeeyo…khaasatan dalalka Yurub oo aan la socodsiiyo
xaaladdaha dalka la xidhiidha, ugu yaraan si ay u gaadhaan go’aan ay
ka qaataan siyaabaha ay u arkayaan horumarka dalka. Isla markaana
waxaan isku deyayaa inaan ugu yaraan macluumaad ka siiyo halka uu
dalku marayo si aan uga raadiyo inay aqoonsadaan Somaliland.
S: Ma filaysaa inaad doorashada soo socota guulaysanayso?
J: Sida runtii ah anigu kuma jiro shanta musharrax ee ugu sareeya,
laakiin markaan immika noqdo ayaan bilaabayaa ololaha, waxaanan
taageero uga baahnahay dad badan, gaar ahaan dadka reer Somaliland
ee Sweden degen. Markaa waynu eegi doonaa?
S: Dhinacyada horumarinta Somaliland weli way liitaan, markaa ma
jiraan mashaariic aad jeclaan lahayd inaad mustaqbalka wax kala
qabato?
J: Run ahaantii, weli maan wada helin macluumaad la xidhiidha siday
yihiin xaaladaha dalku maanta, sidaa aawadeed, anigu markaan la
kulmo Madaxweynaha ayay fursad iigu noqon doontaa hadii uu noo
sheego waxa uu doonayo inay dunida inteeda kale ka caawiso, isla
markaana waxaan anigu samayn karaa dhinacayga hadii aan awoodo ee
aniga aadka iigu fududi waa inaan arrimahaas ka bilaabo xisbigayga,
dawladda Sweden iyo sidoo kale baarlamaanka Yurub hadii la ii
doorto, markaa aniga waxa ii wanaagsan inuu Madaxweynuhu ii muujiyo
ama uu noo sheego waxa uu doonayo inay dunidu ka caawiso iyo waxa uu
u arko inay horumar tahay.
S: Waa maxay farriintaada aad u jeedin lahayd dadweynaha reer
Somaliland?
J: Farriintaydu waxa weeye inay hawl adag soo qabsadeen ilaa hada,
balse ay u baahan yihiin inay wax badan sii qabtaan. Arrinta ugu
muhiimsani immika waa door ashooyinkan soo socda, sababta oo ah waa
arrinta ay dunidu ku eegayso Soma liland ee ay kaga go’aan
qaadanayso, isla markaana waxa muhiim ah inay sawir wanaagsan dunida
tusaan inuu dalkani yahay wadan diyaar-garoobay, taas ayaa nan
filayaa inay tahay arrinta ugu muhiimsan. Arrinta ugu wayn ee aan
doonayo inaan dadka u soo jeediyaa waa inaanay wax khilaafaad ahi ka
dhicin doorash ooyinka oo u dhexeeya xisbiyada siyaasada,
balse taas bedelkeeda ay dhamaant ood dedaalkooda ugu midayn
lahaayeen sidii ay guulo uga soo bixi lahaayeen door
ashooyinka…..markaa waa maxay sababta ay axsaabtu ugu kala qaybsami
karaan danta qaranka ee la xidhiidha dedaalka loogu jiro aqoonsiga
dalka? Waa inay u midoobaan qadiyadooda, taas ayaana ah ta ugu
muhiimsan, maadaama ujeedada uu xisbi kastaa hiigsanayaa tahay
helitaanka aqoonsiga dalka.
Xigasho: Ogaal
|