Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Sida ku cad go’aankii dhawaan lagu soo gabagabeeyay doodii iyo khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxaa la isla qaatay in hab dhismeedka dawliga ah ee Somaliland lagu soo kordhiyo jagada Raysalwasaare. Waxaana hadda soo baxaya doodo iyo fikrado la xidhiidha qofkii loo magacaabi lahaa jagadaasi iyo shuruudaha lagu xulanayo.

Faa’iidada ay la leedahay fikradan oo la qaataa waxa weeye iyadoo talada dalka la wadaagi doono, oo awoodda madaxwaynuhu ayna noqon ta maanta Riyaale leeyahay oo kale ee uu waxwalba isagu keligii go’aan ka gaadhaayo. Khasaaraha ay yeelan kartana waxaa ka mid ah in muranada siyaasiga ah ee xukuumaddu bataan oo awoodda laysku qabsan karo sida dawladda Embigaati oo kale.

Shuruudaha laga doonayo inuu yeesho hogaamiyaha noqonaya Raysalwasaaraha waxa ka mid ah inuu yahay nin aqoon iyo karti uu ku hogaamin karo dawlad leh, waa inuu la jaanqaadi karaa aqoon ahaan iyo kartiba heerka Raysal wasaareyaasha ka jira bariga iyo geeska Afrika, sida Milez ka Ethiopia iyo Odingaha Kiiniya oo kale si uu Somaliland ugu soo gooyo cadkeeda. Waa inuu noqdaa shakhsi Soomaliland si kalsooni leh u matali kara marka laga hadlayo arrimaha kaga xidhan dawladaha jaarka, kuwa dunida iyo golayaasha caalamkaba. Waa inuu leeyahay xirfad iyo aqoon uu ku hogaamiyo wasiirada dalka iyo shaqada ay u xilsaaran yihiinba. Waa inuu leeyahay aqoon iyo karti uu ku noqon karo madaxwayne haddii loo baahdo. Waa in uu noqdaa nin ka madax banaan is qabqabsiga iyo wenjalaada ay siyaasiyiinta Soomaliland inta badan ku soo jireen, sidaa awgeed uu noqdaa hogaamiya aan hore qayb uga soo qaadan siyaasadda muragsan ee dalka, kana turjumi kara baahida iyo xaqiiqda taala Soomaliland maanta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Iyadoo xisbiga KULMIYE isku raacsan yahay shuraahaasi intooda badan, ayaa waxaa hadda soo baxaaya tibaaxo sheegayo magacyada shakhsiyaadka dadku carabka ku hayaan. Waxaa musharixiintan ka mid ah mudane Axmed Xaaji Cadami oo hore ugu tartamay jagada musharaxa madaxwayne ku xigeenka KULMIYE, laakiin aan ku guulaysan, kana tirsan Golaha Fulinta, kana mid ah madaxda sare ee ee xisbiga. Waxaa kaloo ka mid ah mudane Dr.Cabdisalaan Yaasiin, oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah Xogahaya Arrimaha Dibadda ee xisbiga, ahna xubin Golaha Fulinta, kana mid ah hogaamiyayaasha xisbiga..

Mudane Cadami haddii aynu soo qaadano marka hore, waa nin oday ah oo sharaf iyo xilkasnimo badan leh, qaybna ka soo qaatay dhismaha dimuqraadiyadda Soomaliland, kana mid ah odayaasha faro ku tiriska ah ee ka soo jeeda bariga Sanaag ee ka dhex muuqda siyaasadda Somaliland. Taageero badan oo codeed iyo tayo cusub oo hogaamineed oo uu ku soo kordhin karaa hogaaminta dalka run ahaantii ma muuqato hadda. Laakiin haddii uu ku guulaysto jagadan waxay dalka u yeeli kartaa sawir qurux badan oo muujinaaya in hogaanka dalka beelaha oo dhami kuwada jiraan.

Dr. Cabdisalaam Yaasiin waa aqoonyahan ka soo jeedaa Galbeedka Burco, kana mid ahaa SNM ilaa iyo min bilawgii, guulo la taaban karana ka soo hooyay halgankii SNM ta. Waa nin la aaminsan yahay inuu waayoaragnimo ku soo kordhin karo hogaamineed dalka, soona kordhin karo taageerada xisbigu ka helo deegaankiisa. Laakiin waxaa ka horiman karta arrimo salka ku haya xurguffo soo taxnaa ilaa SNM tii oo u dhexeeyay isaga iyo rag kale oo hadda ku jira madaxda xisbiga, iyo isagoo loo arko nin mayal adag oo ay dadka iyo hogaankaba kali boodi karaan, taasoo maamulka ku keeni karta degaanasho la’aan.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ka soo jeeda woqooyiga iyo galbeedka Hargeisa, gaar ahaa deegaanka Gabiley, waa aqoonyahan leh aqoon casri ah iyo farsamo hogaamineed oo dalku hadda aad ugu baahan yahay. Waxaa la rumaysan yahay inuu dalka ku soo kordhin doono maamul dawladeed iyo hogaamin siyaasadeed oo tayo leh, dalkana ku xidhi doono caalamka. Xisbiguna wuxuu ka haysataa deegaankiisa taageero badan. Haseyeeshe, waxaa jirta in jagada guddoomiyanimada xisbiga lagu heshiiyay in lagu wareejiyo Muuse Biixi oo ay isku beel ka soo wada jeedaan Dr. Maxamed, markaa way adagtahay in jagada Raysal wasaarahana la siiyo beeshan.

Seddexda musharaxba way buuxin karaan jagadan. laakiin waxaa la kale dooran doonaa sddex shay (1) quruxda dawladnimo ee ay keenayso magaacidda Axmed Xaaji Cadami (2) taariikhda SNM iyo aqoonta wada socota ee Cabdisalaan Yaasiin iyo (3) hogaaminta tayada leh ee ay aqoontu hagayso ee Maxamed Cabdillahi. Magacaabidda kama dambaynta ahse waxaa leh Guddoomiye Siilaanyo marka uu talada dalka ku guulaysto. Fikirku waa mid ii gaar ah.

 

Kulmiye ha guulaysto , Somaliland ha guulaysato.

 

 

 

 


Cali Cabdi Warsame

Hargeisa , Somaliland